Author Topic: Babaayga iyo Caafimaadka laga helo  (Read 66145 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Babaayga iyo Caafimaadka laga helo
« on: April 03, 2016, 11:38:00 PM »


Babaaygu waa faakiho aad u macaan, lagana helo wadamo kooban oo lagu qiyaaso tiradooda 17 wadan, kuwaasoo ku yaalo dhulalka kuleelaha.

Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamadaas fara-ku-tiriska ah ee babaaygu ka baxo.

Geedka babaaygu wuxuu jirka u leeyahay faa'idooyin nafaqeed iyo mid caafimaad intaba, waxaana halkaan ku soo koobi doonnaa 10 waxtar caafimaad oo la xaqiijiyay:
  • Kolestaroolka iyo Caafimaadka Wadnaha: Babaayga waxaa laga helaa waxyaabo ka ilaalin karo xididada jirka khaasatan kuwa wadnaha inay fadhiistaan dufanka kolestaroolka loo yaqaano, xididadaas oo xirmo waxay sabab u noqdaan wadne-qabadka, akhriso qoraal ku saabsan cudurka kolestaroolka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1461.0
  • Cayilka: Babaayga wuxuu ugu horeeyaa cunanda dhakhso lagu dhargo, kuwaasoo aan cayil keenin, waxaana lagula taliyaa dadka rabo inay iscaateeyaan inay ku dadaalaan cunista babaayga, akhriso qoraal ku saabsan dhibaatada daawooyinka la isku caateeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6319.0
  • Difaaca Jirka: Babaaygu wuxuu sare u qaadaa howsha unugyada difaaca jirka, waxaa kaloo ka buuxo fitamiin C oo isagane muhiim u ah difaaca jirka, akhriso unugyada difaaca jira iyo qaabka ay jirka u difaacaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1754.0
  • Caadka Indhaha: Babaayga wuxuu yareeyaa halista caadka indhaha fuulo ee loo yaqaano "Cataract", Babaayga waxaa kaloo ka buuxo fitamiin A iyo beta-carotene iyo walxo kale oo muhiim u ah caafimaadka indhaha, Babaayga, Yaanyada iyo Karootada waa sadaxda cunno ee la isku waafaqsan yahay in laga helo caafimaad buuxo ee Indhaha, Akhriso qoraal aan uga hadalnay Karootada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5745.0
  • Gaaska iyo Dheefshiid xumada: Babaayga wuxuu aad u yareeyaa aashitada caloosha, hadduu qofka leeyahay laabjeex iyo bog xanuun, babaaygu waa u daawo. wuxuu kaloo babaaygu daawo u yahay dheefshiid xumada, dibbirada iyo daaco qurunka, Akhriso dhibaatada dheefshiid xumada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3218.0
  • Caado xanuunka / Caado wareerka: Babaaygu wuxuu ka tirsan yahay cunnooyinka loo adeegsado caado xanuunka iyo caado wareerka, maadaama babaayga laga helay maado loo yaqaano "papain" oo dhiiga caadada ku shaqo leh, waxaa la arkay inay sixisteeda ka qeyb qaadato, Akhriso qoraal aan uga hadalnay Cunnooyin kale oo caadada lagu saxo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2145.0
  • Caafimaadka Maqaarka iyo Timaha: Babaaygu wuxuu iftiimiyaa maqaarka, wuxuuna koriyaa timaha sababtuna waa tirada badan ee fitamin A-ga ku jiro iyo inuu ka shaqeysiiyo qanjirrada saliida soo daayo ee jirka iyo tinta, wuxuu kaloo yareeyaa agoolka, waana sababta keentay in shirkada qaar ay ku suuq geeyaan kareemyadooda maqaarka ama tinta loo isticmaalo inuu babaay ka samaysan yahay ama uu ku jiro, Akhriso qoraal aan uga hadalay timaha go'idda ama daadashada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=687.0
  • Diiqada iyo Welwelka: Babaayga wuxuu ku jiraa cunnooyinka yareeyo stress-ka isagoo ka qeyb qaato kontaroolidda hormoonada u qaabilsan stress-ka, waxaa arrintaan lagu arkay cilmibaaris lagu sameeyay Jaamacadda Alabama, Akhriso qoraal ku saabsan Isku-buuqa iyo welwelka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1704.0
  • Neefta / Xiiqda: Babaayga wuxuu ka tirsan cunnooyinka yareeyo halista cudurka neefta sababtane waa maadada loo yaqaano beta-carotene oo aad u badan, haddii aad neef qabtid ku dadaal cunista babaayga, Akhriso qoraal aan uga hadlay xanuunka Neefta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=351.0
  • Caafimaadka Lafaha: Babaayga wuxuu kordhiyaa soo nuugista maadada kaalsiyamta oo lafaha laga sameeyo, wuxuu kaloo yareeyaa in kilyuhu kaalisyamka jirka ka saaraan, waxaa kaloo laga helaa borotiinada lafaha qaabilsan, intaas oo la isku daray kulligood waxaa laga helaa lafo caafimaad qabo, akhriso qoraal aan uga hadalnay xanuunka lafo-beelka oo ku badan haweenka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0

Babaaygu waa cunno nafaqo leh, nafta u roon, caafimaadkane kobciyo, wadankeenane laga helo ee aan ku dadaalno.

Akhriso Caafimaadka Qaraha / Xabxabka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5841.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Babaayga iyo Caafimaadka laga helo
« Reply #1 on: June 08, 2017, 04:20:33 PM »
Faa'idooyinka oo muusku leeyahay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7215.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55936
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudaradee laga talaalaa bilaheena la talaalaa?

Started by Awil5Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8689
Last post October 26, 2016, 06:39:23 PM
by SomaliDoc
Faa'iidada laga helay qandhada "Rifty Vally"

Started by DoctoorBoard Feel Free Here

Replies: 0
Views: 10265
Last post November 14, 2007, 12:30:34 AM
by Doctoor
Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18434
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc
Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawada oo aan sidii loogu talo galey loo qaadan

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 14210
Last post April 03, 2016, 10:41:02 PM
by Jamaaluddiin