Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Kaadida laisku celiyo ilaa ay kaa xanuujiso?
(1/1)
Ilias Abdi:
Asc doc.salan kadib waxan u baahna inaan ogaado.
Kaadida laisku celiyo ilaa ay kaa xanuujiso ood suuliga orod ku tagtid maxuu caafimad ka qabaa?
Jazakallah
SomaliDoc:
Haddii la caadeesto kaadida oo la isku celiyo illaa ay kaa soo fakan rabto waxay keentaa in kaadiheestu dabacdo oo ay kaa fakan karto oo sidii hore oo aad u celin jirtay u celin wayso.
Waxaa alle ugu talagalay, markii kaadiheesta buuxsanto in maskaxda loo soo diro dhambaal ah in la faarujiyo waa nidaam isku xiran, haddii aad faarujin waydo oo weli isku sii celiso maskaxda farriintaas ayaa lagu celcelinayaa illaa aad isku kaadisid.
Marka system-ka yuu kaa kharribmin.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version