Author Topic: Maxay dhakhaatiirtu u qoraan far aan la akhrin karin?  (Read 33414 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Maxay dhakhaatiirtu u qoraan far aan la akhrin karin?
« on: April 07, 2016, 01:43:10 PM »


Waxaan qoraalkaan kaga jawaabayaa su'aashii aan shalay soo dhigay barteena Facebook, taasooo ahayd "Maxay dhakhaatiirtu fartooda u foolxun tahay?"

Waxaa jawaabihii shalay ka soo baxay in xaqiidu aysan dadku badanaa haynin iyadoo fikrado kala duwan la soo bandhigay.

Intaa ka dib, marka ugu horeyso aan kala qaadno foolxumada farta iyo qoraalka waxa uu ka kooban yahay.
Farta oo foolxumaato meel lagu soo barto ma jirto, iskuulada caafimaadka laguma dhigo, isibtaaladane kooros ku saabsan lagama bixiyo.
Laakiin waxa la qorayo iyo erayada loo soo gaabinayo waa qaab ay dhakhaatiirtu ka bartaan cilmiga daawada, sida markii la soo gaabinayo inta waqti oo daawada la qaadanayo iyo xilliga la qaadanayo iyo qaabka loo qaadanayo.

Marka "Farta foolxun halkey ka timid?
Dhakhaatiirta waa dadka ugu wax qorista badan dunida, daawo kaliya ma qoraan oo wax kasto ay sameeyaan waa inay qoraal ahaan u reebaan, marka qorista oo badan awgeed iyo howsha sugayso iyo dedegta la rabo inu u qabto, waxay dantu ku qasabtaa inuu fududeesto qorista farta, isagoo ku badalayo xarfaha qaar  xariiqin ama jiidis, waana sida badanaa ka muuqato warqadaha daawooyinka lagu qoro.
Kullamaa uu dhakhtarku shaqadiisu ama wax qoristiisu badan tahay, fartiisu way ka foolxun tahay dhakhtarka kale.
Tusaale ahaan, aniga aad ayaan uga soo horjeedi jiray weligay hadane waan ka soo horjeedaa in la qoro far aan la akhrin karin oo hadhow shakki galin karto daawada la siinayo bukaanka, waana ku dadaalaa haddii aan warqada qorayo inay waadix ahaato laakiin howsha oo badan iyo waqtiga aan heesto oo yar, waxaad arkaa mararka qaar, fartaydii oo sii jiifan rabto!!, waana hubaa haddii ay sidaa ku sii socoto inay seexan doonto inkastoo aan hadda ka howlgalo isbitaal daawo bixinta u adeegsado nidaamka Electronic.

Maxaa ka jiro in dhakhtarka iyo ninka daawada gadayo ay fartaan ku heshiiyeen?
Taasi way dhici kartaa, laakiin farta oo la qalloociyo kaliya lama adeegsado hadduu heshiis hoose jiro ee daawada magaceeda la qoray ayaaba dhici karto in farmashiga dhakhtarkaas meel aan ahayn inaysan oollin, marka haddii aad u gaysid farmashiye kale, wuxuu leeyahay daawadaan waxa laga wado ma aqaano ee kula laabo dhakhtarka, maxaayeelay farmashigaasi laftirkiisa ma hubo inay daawo cusub tahay iyo inay qaabka loo qoray ay foolxun tahay!!!.
Waxaa kaloo dhici karto farmashiyiilaha la shaqeeyo dhakhtarka, inuu la qabsaday qaabka uu wax u qoro dhakhtarka la joogo iyadoo heshiis uusan jirin, maxaayeelay dhakhaatiirta way kala far foolxun yihiin, iyaga laftirkooda isma fahmaan.

Ma laga yaabaa in farta loo foolxumeeyo si bukaanka uusan daawada u fahmin?
Way dhici kartaa in dhakhaatiirta qaar ay sidaa u fakaraan, laakiin ma ahan wax la isku ogyahay ama sharci ah, maxaayeelay bukaanka wuxuu xaq u leeyahay inuu ogaado daawada uu qaadanayo, weliba aad sharaxaad uga bixin kartid hadduu faahfaahin dheeraad ah uga baahdo, mida kale sida dadka qaar ay tilmaameen inuu dhakhtarka rabo in daawada isaga loo soo doonto haddii loo baahdo, taasi sax ma ahan, sababtoo ah markii daawada bukaanka la siiyo, wuxuu heestaa baakadihii daawada ka dhamaadeen intuu farmashi tago ayuu dalban karaa hadduusan rabin inuu dhakhtarka ku laabto, hadduu rabo warbixinta daawadane magaceeda ayuu ka baari karaa internetka marka meesha kuma jirto in bukaanka laga qarinayo magaca daawada.

Ma la ogaan karaa in foolxumada farta ay daacad ka tahay dhakhtarka iyo in kale?
Ma jirto si cad ee aad ku ogaan kartid laakiin waxaa jiro waxyaabo laga qiyaas qaadan karo, waxaana ka mid ah in dhakhtarka markuu daawada qorayo uu si waadax ah u qoro magacaaga, da'daada, taariikhda iyo magaciisaba, laakiin daawadu markuu qorayo uu isku dardaro, tan waxaa lagu macnayn karaa inuu daawada spelling-keeda xasuusnayn ama inuu la qabsaday in daawada kaliya sidaa loo qoro, tani ma ahan mid ay dhakhaatiirtu ka wada siman yihiin.

Muxuu farmashiga u fahmaa fartaas qalqalloocan oo uu dhakhtarkasta qoro?
Farta meelo laga qalqalloociyo ama laga jiido ayaa jirta waana xarfaha u dhaxeeyo erayga, marka farmashiga wuxuu fiirinayaa erayada ay ku bilaabatay, erayada ay ku dhamaatay, cabirka daawada iyo qaabka qaadashada kadib wuu fahmayaa daawada laga wado, waxaa daran in daawadu noqoto mid aan laga aqoon suuqa markaas oo ay ku cusub tahay qofka farmashigaas joogo, maxaayeelay cilmiga farmashiga laguma barto si loo akhriyo farta dhakhtarka, taasi waxaa daliil u ah, soomaaliya dadka daawada gado badankood ma ahan dad aqoon farmashi sax ah soo maray, wayna akhrin karaan farta dhakhaatiirta.
Waxaa intaa sii dheer shirkadaha daawooyinka keeno way ku kala duwan yihiin wadamada badankood, haddii warqad wadan kale lagaaga soo qor aad farmashi u gaysid, ma fahmi karo illaa in aad dhakhtar tusisid mooyee, tanne waa dhib kale oo jiro.

Farta foolxun ma soomaaliya kaliyaa laga yaqaanaa?
Jawaabtu waa maya, daawada badankeed waxaa lagu qoraa luqada english-ka, badanaane warqad ayaa la isticmaali jiray, welina la isticmaalaa, wayna jiraan dad fartooda aad uga foolxun tahay dhakhaatiirta soomaalida, marka ma ahan wax la xiriira aqoon yari ama khibrad yari.!

Maxay dhibaanto keentaa farta dhakhtarka ee aan waadixa ahayn?
Waxaa ka dhalan karo dhibaato aad u weyn oo ay ka mid tahay dhimasho, warbixin la daabacay sanadkii 2006 waxaa lagu sheegay in sanadkiiba ku dhawaad 7,000 oo qof ay u dhintaan khalad ka dhashay farta dhakhtarka oo aan waadix aheen waana sababta ku kalliftay reer galbeedka inay isticmaalka warqada ay joojiyaan maadaama isbitaalo dhowr ah dacwado lagu soo oogay, Afti laga qaaday kalkaaliyaasha caafimaad iyo farmashiyayaasha waxay sheegeen inay dhib weyn ku qabaan akhrinta farta dhakhaatiirta taasoo wixii ka yimaado badanaa aanan loo qabsan isaga, sidaas ayaa lagula taliyay in isbitaaladu adeegsadaan nidaamka "Electronic Prescription", weliba waa in daawada qaabka loo qaadanayo iyo magaceeda iyo waqtiga la qaadanayo iyadoo daabacan lagu dul dhajiyo baakadka daawada ku jirto, waana arrin aad loo soo dhaweeyay laguna faafiyay dunida, laakiin ma jiro weli sharci mamnuucayo in daawada warqad lagu qoro, weliba isbitaalo warqado adeegsado way ka jiraan dalalka yurub iyo maraykanka.

Talo ku aadan dhakhaatiirta ka howlgasho Soomaaliya
Fadlan ku dadaala in fartiina waadixisaan, maxaayeelay innagu waan ka sii dhib badan nahay dalalka yurub iyo maraykanka, maxaayeelay dadka daawada ka bixinayo farmashiyadooda waa dad aqoon durugsan u leh cilmiga pharmacy-ga, laakiin soomaaliya, farmashiga qofkii rabo ayaa furan karo oo hadane gedi karo, wayna sahlan tahay in qofka la siiyo daawo khaldan, weliba iyadoo dadka qaar ka xishoon karaan inuu dhaho farta dhakhtarka ma akhrin karo ama ma fahmi karo, sidaasne daawaduu u maleeyo kuu siiyo, fadlan farta waadixi, haddii aad tahay maamule isbitaal ay ku xiran yihiin bukaano badan, nidaamka daawo bixinta ka dhig mid computer ku dhisan "electronic prescription" si dhibkaan looga badbaado.

Talo ku aadan bukaanada ku wareeray farta dhakhaatiirta:
Fadlan haddii daawo laguu qoro oo aad soo gadatid, kula soo laabo dhakhtarka kuu qoray, kuna dadaal in warqada daawada ku qoran tahay aadan farmashiga uga soo tagin, lacalla haddii aad daawadaas wax ku gaarsiiso tixraac ayay noqon kartaa, Mahadsanidiin.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66541
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69558
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62486
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46745
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44993
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc