Author Topic: 9-kaan qofood ma ka mid tahay? - (Qoraal Xiiso leh)  (Read 47600 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
9-kaan qofood ma ka mid tahay? - (Qoraal Xiiso leh)
« on: April 09, 2016, 05:07:55 PM »


Waxaan ka hadlayaa maanta qoraal aad muhiim u ah xiisane leh, wuxuu ku saabsan yahay cilladaha ku timaado shakhsiyadda qofka, taasoo soomaalida qaar ugu yeerto "Waallida Dhaqanto" haddii ay arkaan qof dhaqankiisa aan dabiici ahayn ama lala yaabo laakiin bulshada ku dhex nool.

Waa maxay Shakhsiyadda?
Shakhsiyadda qofka waxay ka tarjumaysaa dabcigiisa, dhaqankiisa, aragtidiisa ku aadan hareerihiisa, dabciyada dadka kale, fakarkooda iyo dareenkooda.
Intaas oo la isku daray ayaa qofka shakhsiyaddiisu tilmaantaa, qofka shakhsiyaddiisu dabiici tahay wuxuu sameyn karaa xiriir wanaagsan mid qoyskiisa, mid asxaabtiisa iyo mid dadka ay isla shaqeeyaan.

Waa maxay cilladaha shakhsiyadda?
Dadka cilladahaan qabo waxay dhib ku qabaan siday xiriir ula samayn lahaayeen dadka kale, waa dad badanaa aan dabcigooda iyo dhaqankooda dabcin karin, isbadalada noloshane aan la qabsan karin, inkastoo ay aaminsan yihiin inay caafimaad qabaan oo dabiici yihiin laakiin dadka aqoonta u leh caafimaadka ama waxgaradka ah way fahmi karaan. aragtida qofka noocaan ahi uu ka qabo dunida way xadidan tahay, waana ku dhib inuu ka qeyb qaato dhaqdhaqaaqyada dadka kale.

Sidee lagu ogaan karaan cillada shakhsiyadda?
Badanaa waxaa cilladahaan aad loo fahmaa xilliga qaangaarka iyo sanadaha ka dambeeyo, wayna yaraataa markuu qofka da' noqdo iyadoo taasi lala xiriirinayo in khirada nolosha ay u sahashay qofkaas in dhaqankiisu badalo oo uu noqdo qof dabcsan oo fikrado kale qaadan karo ama xiriir sameyn karo.
Markii la rabo in la fahmo cilladaha shakhsiyadda, waa in dhowr waxyaabood la isku fiiriyaa, waxaana jiro qaab loo garto, hadduu qofka buuxiyo heer la dhihi karo wuu qabaa cillad shakhsiyad, waxaana arintaas go'aan ka gaari karo dhakhtarrada ku takhassusay cilmiga "Psychology" ama "Psychiatry" ama dhakhtar aqoon iyo khibrad u leh cilladahaan.

Maxaa keeno cilladaha shakhsiyadda?
Khubaradu qaar waxay la xiriiriyaan dhacdooyin uu la soo kulmay qofka markuu yaraa inay saamayn raad leh ku reebtay noloshiisa, qaarkood waxay sheegaan in hidde ahaan qofka u nuglaan karo cilladahaan, qaarkood waxay dhahaan in deegaanka qofka uu saameyn ku yeelan karo arintaan hadduu qofka hidde ahaan u nugul yahay cilladaha shakhsiyadda.

Noocyada Cilladaha Shakhsiyadda:
Aad ayay u badan yihiin noocyada cilladaha shakhsiyadda laakiin waxaa ugu muhiimsan dhowr, kuwaasoo la isugu geeyay sadax qeybood oo waaweyn "Clusters", tiiba ay ka sii farcamayaan qeybo kale.

  • Kooxda 1-aad (Cluster A):
    • Nooca Schizoid (Schizoid Type): Qofkaan waa qof badanaa bulshada ka go'an, kaligiis inuu noolaado jecel, qof leh dabci aamusan, aanan jeclayn inuu wax xiriir ah sameeyo mid qoys iyo mid saaxiibtinimo, saas ay tahayne waa qof shaqada iyo waxbarashadaba ku fiicnaan karo, mustqbalkane guul ka soo hoyi karo,
      Dadka noocaan ah haddii ay ka tagaan dadka ay la noolyihiin, dib dambo warkooda looma maqlo oo ehelkooda ma soo xiriiriyaan, guurkane wuu ka daahaa maadaama aysan si sahlan xiriir ku sameyn karin, qofkii aanan la dhaqmin qofkaan ma fahmi karo.
    • Nooca Paranoid (Paranoid Type): Qofkaan waa qof shakki badan, wixii aad dhahdo si qalad ah ayuu u fasirtaa, si sahlane wax loogama dhaadhicin karo, qof kuma kalsoonaan karo, dambi haddii aad ka gashid kuma cafin doono, si dhakhso ahne wuu u xanaaqaa isagoo kuu arki karo qof aan la aamini karin, daacadnimadu kugu yar tahay ama khiyaanole ah, wuxuu kaloo qofkaan yeelan karaa dabci maseyr xad dhaaf ah oo aan jeclayn in arrimihiisa la fara gashto, markaa aragtidne waa qof aan kaftan badnayn, sidaas ay tahayne bulshada ayuu ku dhex nool yahay, waxaana fahmo inay wax ka qaldan yihiin qofkii la dhaqmo.
    • Nooca Schizotypal (Schizotypal Type): Qofkaani wuxuu leeyahay dabci ka duwan dadka kale khaasatan dhinaca hadalka, labiska iyo dhaqanka, noocaan bulshada ma soo dhex galo isagane, meel la isugu yimidne kama hadlo, wuxuuna ku hadli karaa hadallo bulshada ka yaabin karo sida inuu leeyahay awood dheeraad ah oo uu ku saadaalin karo mustaqbalka, waxa dhacayo ama dadka kale waxay ku fakarayaan, hadduu xanaaqo isagoo lala hadlayo wuu aamusaa ama isagaa isla sii hadlo intuu meesha ka kacayo, noocaan aad uma badno laakiin wuu jiraa.
  • Kooxda 2-aad (Cluster B):
    • Nooca Antisocial (Antisocial Type): Qofkaan ma raaco sharciga ama curfiga bulshadu ay leeyahay, waa qof degdeg badan oo aan ka fakarin cawaaqibta waxyaabaha uu samaynayo, waa qof aan mas'uul ahayn oo xaasida dadka kale, qofkaani hadduu ku nool yahay wadan sharci ka jiro, badanaa dambiyo ayaa lagu soo oogaa, waa qof xanaaq badan oo dagaal ooge ah, ma ixtiraamo dadka kale, kama xishoodo inuu caytamo, mana ka shallaayo ficilladiisa, dadka noocaan ahi badanaa mukhaadraat ayay bartaan una badan khamriga maadaama ay rabaan inay is dajiyaan ama kacsanaanta iska yareeyaan, noocaan bulshadu way fahmi kartaa markay la dhaqanto.
    • Nooca Borderline (Borderline Type): Qofkaan waa qof dabcigiisa is badbadalo, mar wuu faraxsan yahay mar wuu xanaaqsan yahay, lama saadaalin karo dabcigiisa, hadduu xanaaqo waa qof dhibaato isgaarsiin karo ama isdili karo, dadka kale wuxuu u arki karaa inay wada fiican yihiin ama wada xun yihiin, qofkuu go'aan ka qaatane way adag tahay in laga qanciyo, waxaa dhici karto inuu ku amaano oo ku jeclaado laakiin waxyar oo aadan dhib u arkin inuu kaa fogaado oo dhinaca kale kaa istaago, waa qof kalinimada iyo xiiso la'aanta neceb, jecelna inuu xiriiro sameeyo si uu isku maaweeliyo, laakiin xiriirkaas ma ahan mid cago ku taagan, noocaan waxaa u badan haweenka.
    • Nooca Narcissistic (Narcissistic Type): Noocaan wuxuu qabaa islawayni xad dhaaf ah, waa qof aaminsan inuu nolosha guul ka gaaray oo u baahan mar kasta in la faaniyo ama la xuso, wuxuu aaminsan yahay in isaga loo baahan yahay, laakiin uusan qofne u baahnayn, haddii lagu tilmaamo fashil ama wax ceebeynayo wuu xanuunsan karaa oo heer isbitaal loo jiifiyo ayaa dhici karto, haddii la faaniyo ama la buunbuuniyane si sahlan ayuu u aaminaa waxa laga sheegay waana qof jecel inuu ka soo muuqdo bulshada dhexdeeda, noocaan badanaa magaca bulshada ayay ku hadlaan, siyaasadane way soo galaan, haddii aadan la dhaqmin ma fahmi kartid.
  • Kooxda 3-aad (Cluster C):
    • Nooca Avoidant (Avoidanta Type): Qofkaan waa qof xasaasi ah oo ay dhibayso diidmada, mana jeclo inuu ka qeyb qaato arrin uusan hubin inuu ka qeybgalkiisa la xiisaynayo, Ma jeclo in wax laga sheego, ma jeclo wax ololo ah inuu ka qeyb qaato, isku imaatinka iyo isla shaqeyntu way dhibaysaa, ma hadal badno maadaama ay ka cabsadaan inay sheegaan wax lagu qosli doono ama lagu caayi doono, dadka hortooda ayay si sahlan uga oyn karaan, aad ayayna u dhibsadaan in wax laga sheego oo inay kula dagaallamaan ayaa dhici karto, dadka noocaan ah badanaa ma lahan xiriir ka baxsan kan qoyska inkastoo ay ku fakaraan mar walba inay xiriir la yeeshaan dad kale, qofkaan badanaa ma fahmaysid dabcigiisa maadaama uu wax walbo ka fogaado laakiin waa nooc aad u adeegsado baraha bulshada maadaama aan loo jeedin, qofkaan haddii aad la kulantid ha dacaayadaynin waxaa dhici karto in aad ka nasan waysid.
    • Nooca Dependant (Dependant Type): noocaan waxay soomaalida u taqaanaa "Nacamle", ma ahan qof go'aan kaligiis gaari karo, waxay mar kasta u baahan yihiin talo iyo shakki ka saaris, ra'yigooda si sahlan ayaa loo badali karaa, su'aashooduna way badan tahay, mana jeclo in dabcigaas lagu caayo, haddii keligood yihiin waxay dareemaan inaysan waxba qaban karin, wayna isku buuqaan haddii xiriir loo jaro, qofkaan ma lahan kalsooni uu warkiisa ku caddayn karo, haddii aad la doodid waxuu badanaa ku soo celceliyaa hal qodob, ma ahan qof mashruuc bilaabi karo ama wadi karo kaligiis, noocaan waxaa u badan haweenka.
    • Nooca OCT (Obsessive Compulsive Type): Noocaan aad ayuu u dadaalaa, markastane kuma qanacsano heerka uu joogo, waa nooc lagu kalsoonaan karo, lagu tiirsanaan karo, nidaamka jecel waxuuna qofkaan leeyahay sharci u gooni ah oo uu noloshiisa ku maamulo laakiin dadka kale lama tacaamuli karaan maadaama ay rabaan qaabkooda in lagula dhaqmo, wayna taxaddar badan yihiin, inta aysan howl galin aad ayay uga fakaraan, wax kasta oo ku saabsan arintaas inay ogaadaan ayay rabaan, sidaas awgeed qof waxba kuma darsadaan ganacsi iyo wax kaleba, wayna ku adkaataa mararka qaar inay go'aan ka gaaraan wax ka mid ah noloshooda./li]

    Maxaa dadkaan looga soocay bulshada?
    Waxaa looga soocay cilladaha ka muuqdo dhaqankooda waxay u sahlaysaa haddii xadka ka baxdo inay xanuun isku badasho maxaayeelay nooc walbo oon kor kusoo xusay xanuun dhimir oo u gooni ah ayuu isu badalaa, waxaa kaloo loo soocay in bulshadu ogaato inay jiraan dad noocaan ah oo u baahan si taxaddar leh loola dhaqmo si aan shucuurkooda loo dhaawicin ama dhibaato aysan isu gaarsiin.
    Sababta sadaxaad waxay tahay in aysan dadkaan ogeyn inay cillad jirto ama dabcigoosa uusan dabiici ahayn, mana laga yaabo inay dabcigooda badalaan, sidaas awgeed haddii aad la dhaqmaysid waa in aad sidaa u ogaatid.

    Sidee loo xallin karaa cilladahaan?
    Waxa ugu horeeyo ee lagu xallin karo waa in qofka la dareensiiyo inuu cilladahaan leeyahay iyadoo aan lagu ceebeynin, badanaa daaweyntu waa dhaqan iyo dabci badalis iyadoo la adeegsanayo wada hadal iyo sheekeysi taasoo keeni karto inuu qofka ogolaado inuu badalo fikradihiisa iyo dabcigiisa.

    Akhristow waxaa laga yaabaa inta aad akhrinaysay qoraalkaan inay ku soo mareen dad dabciyadaan leh laakiin aadan u aqoonsanayn inay xanuunsan yihiin, laakiin kullamaa aad cilladahaan wax badan ka baratid kullamaa aad garawsato inay yihiin cillado aan dabiici ahayn, ogow cilladahaan wuu yeelan karaa qof aqoon leh ama magac leh.

    Haddii aad iskaga shakisan tahay cilladahaan ama aad isleedahay kooxyadaas mid ka mid ah ayaa ku jirtaa, la xiriir dhakhtar aqoon u leh cilmiga "Psychology-ga" ama "Psychiatry-ga", wuu kaa caawin doonaa insha'llah.

    Way adagtahay in wadanka waqtigaan la joogo laga helo daryeel caafimaad ku aadan arrimahaan, laakiin waa arrin u baahan wacyi gelin buuxda.

    Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

    http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniintayda midig way ka yar tahay xiniintayda bidix?

Started by Muwadin_QaranBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7265
Last post November 16, 2018, 01:43:21 PM
by Sadaq10
Su'aal: "SIIGAYSIGA" dhibaatadiisa maxay tahay?

Started by Feysal_44Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8114
Last post October 26, 2016, 06:57:06 PM
by SomaliDoc
Maxay Tahay Qandhada "Rift Valley"?!

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 18521
Last post November 14, 2007, 12:08:44 AM
by Doctoor
Su'aal: Maxaa keeni karo qof wadnaha ka xanuunsan, baaristune caadi tahay?

Started by QaysBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8196
Last post June 09, 2011, 10:50:09 PM
by SomaliDoc
Haddii Ay Koronto (Electric) I Qabsato Mar Mar, Caafimaadkeyga Dambe Ma U Daran Tahay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 8421
Last post April 08, 2012, 05:44:04 PM
by CilmiSabca