Author Topic: Iska ilaali Maraq Digaaga (Qoraal Digniin Ah)  (Read 135817 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Iska ilaali Maraq Digaaga (Qoraal Digniin Ah)
« on: April 07, 2016, 06:28:01 PM »


Waxaan ka hadlayaa maanta mawduuc muhiim u ah qoys walba oo soomaaliyeed inay wax ka ogaadaan, wuxuu ku saabsan yahay caafimaadkaaga iyo midka qoyskaaga, dhibaatadaas oo ay dhici karto inay jikada kuu taallo, waa "maraq digaaga" lagu daro suugada cunnada lagu cuno.

Maraq digaagu aad ayay soomaalida u isticmaashaa waxayna ku darsadaan suugada si loogu carfiyo, dhanaane loogu yeelo, shirkadaha sameeyo maraq digaaga ay badanaa soomaalidu isticmaasho waa: "Maggi", "Oxo" "Jumbo", "Knorr" iyo "CalNort".

Talow ma isweydiisay, Muxuu maraq digaaga ka samaysan yahay? Muxuuse dhibaato leeyahay?

Xaqiiqada ugu horeyso waxay tahay in aan maraq digaaga laga samaynin "Maraq Digaag", taasi waxaa sii dheer in laga sameeyay waxyaabo caafmaadka u daran oo halis ku galin karo waxaana ka mid ah:
  • Cusbo: Waxa ugu badan ee maraq digaaga uu ka samaysan yahay waa cusbo weliba xad dhaaf ah.
  • Dufan: Waxaa ku xiga waa dufan loo yaqaano "trans fat" oo la ogyahay halista ay wadnaha u leedahay maadaama xididada yaryar ee wadnaha xirto.
  • "MSG": Maadadaan waa waxa ugu qatarsan ee ku jiro maraq digaaga, maraykanku waxay u yaqaanaa "slow killing poison" oo macnaheedu yahay "suntii sida aayarka ah wax u dilaysay", cilmibaarisyo kala duwan oo lagu sameeyay maadadaan "MSG" oo maraq digaaga ka buuxdo waxaa la ogaaday inay keento cudurka Goon-jabka, Dhiigkarka, Boogaha gaaska "Ulcer", Beer xanuunka, Hilmaanka / Foojignaan la'aanta iyo xanuun loo yaqaano "Fibromyalgia" oo soomalida ku soo badanayo sanadahaan dambe, ka akhriso halkaan waxa uu yahay Fibromyalgia: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2543.0
    MSG waxaa laga soo gaabiyay "monosodium glutamate"
  • Lafo digaag: Markii shirkada "Maggi" ay bilaabaysay samaynta maraq digaaga, waxay ku dari jireen lafo digaag oo la shiiday ama hilib la shiiday, waxaana la dhihi jiray wuxuu galayaa badalka digaaga ma hilibka aad suugada ku darsatid, laakiin waayahaan dambe laguma daro oo waxaa intaa dheer toon, filfil iyo wayxaabo kale oo carfis ah oo shirkaduhu ku kala duwanaan karaan.

Waxay cilmibaarayaashu ku taliyaan in badalka maraq digaagaan suuqyada ganacsiga loo keenay in aad si dabiici ah ku carafsan kartid suugadaada sidii awalba ay soomaalida taqaanay, kabsarcaleenta, toonta, filfisha, xawaajiga iyo wixii la mid ah.
Haddii kale inta aad digaag karsato, maraqa ka miiro oo carfiso, kadibne qaboojiyaha gasho oo maalintii aad wax dallacanayso xoogaa yar ku darso suugada.

Ogow waxaa jiro shirkado aanan ka fakaraynin caafimaadkaaga oo jeebkaaga ku tiirsan, wixii cusub oo aadan aqoon u lahayn baaris ku samee inta aadan isticmaalin.
Akhriso Halista Yaanyo Shiishiidka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6921.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Gantaal

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
    • Superlative Сasual Dating Genuine Damsels
Re: Iska ilaali Maraq Digaaga (Qoraal Digniin Ah)
« Reply #1 on: April 10, 2016, 08:17:29 PM »
DR aadbaan umahad santahay  jaana soolti  bal iyadana wax nooga sheeg aadbaa loo isticmaalaaye  jiza kalahu khayr


 

Su'aal: maxa sababa kasoo baxa iska so daba noqda markuu raysto mid?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17868
Last post November 01, 2011, 12:06:51 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa Maxay Dhibaata Ay Keeni Karto Iska Joojinta Cunta Ay Sonkorto Ku Jir

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12164
Last post November 10, 2012, 03:35:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: markaan umulo kadib caloosha ma iska xiri karaa?

Started by Deko Ali OmarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10716
Last post May 20, 2016, 09:13:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan iska daaweyay Gaaska calosha oo mudo la jiifay?

Started by Bakars0nBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 5946
Last post June 05, 2016, 08:03:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Baxdin iska dhacaamaya qaliin malagu sameyn karaa?

Started by Sahal143Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4029
Last post January 18, 2017, 06:26:13 PM
by SomaliDoc