Author Topic: Su'aal: Ur qarmuun aan sanka iyo afka ka dareemaa?  (Read 12351 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mowlid12

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Ur qarmuun aan sanka iyo afka ka dareemaa?
« on: January 05, 2015, 07:50:57 AM »
Asc walaalahayga bahda caafimaadka, salaan kadib waxan ladhibaataysanahay ur qarmuun oo sanka iyo afka labadaba aan kadareemaayo ilaa lix sano. sadex jeer oo endescopy ayaa la igu dhaadhacshay iyo colonscopy oo hal mar ah, wax dhib ahi majirto ayey yiraahdeen marka lagareebo infection mindhicirka wayn ah mooyaane. waxa kale oo jira hepatitisB. marka hepatitisb malaxiriirikartaa urtaasi. mahadsanidiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ur qarmuun aan sanka iyo afka ka dareemaa?
« Reply #1 on: January 05, 2015, 10:54:10 AM »
Way dhici kartaa hadduu beerka ay shaqadiisu howlgabto cagaarshowga dartiis, maxaa yeelay walxo la rabay in beerka jirka uu ka sifeeyo ee ay ka mid tahay maado la yiraahdo "methyl mercaptan" ayaa jirka ku badato, taasna waxay keentaa af-shiirka.
Laakiin hadduu shaqada beerkaaga uu fiican yahay, xiriir lama lahan af-qurunka, dad badan oo cagaarshow qabo ayaa beerkooda caafimaad qabaa, ee taa ka hubso taktharkaaga in beerka shaqadiisa ay fiican tahay iyo in kale.

Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlayo, waxyaabaha keeno af-qurunka iyo sida loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html

Haddii ay jiraan su'aalo dheeraad ah oo aad qabto waad na soo weydiin kartaan.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hire73

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Ur qarmuun aan sanka iyo afka ka dareemaa?
« Reply #2 on: January 05, 2015, 12:59:52 PM »
1. hadii uusan jirin jiro beerka ama kalyaha waxaa dhici karta inaadan si fiican u nadiifin ilkahaaga iyo af-kaagaba, oo basic (hygiene failure) aad ku liidato, ama aad qabtid  At least 80% of the cases the cause is in the mouth. The odor is mainly caused by the bacteria produced volatile sulfur compounds. oo bakteria ay afkaaga ku jirto. Sjögren's syndrome?Radiation therapy and surgery sequelae anticholinergic agents? Diverticula of the esophagus, achalasia, gastroesophageal reflux disease Bronchitis, bronchiectasis?  Psychogenic delusion? ama afkaaga oo qalala oo habeenkii kalifto inuu bakteria suubiyo. Hadii aad Ethiopia joogtid iska daa hilibka cayriin?,hadaadan cunin sigaarka iska dhaaf.  Intaas oo dhan hadaadan qabin, waa inaad cuntadaada iyo jiifkaaga wax ka badashid.

halkaas yaan oga harey taladaada.

thanks guys
 


 

Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39958
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 61145
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29385
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Suáal: Xanfaf xaga farurta hose ee afka?

Started by AshwaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 13132
Last post May 16, 2010, 09:48:05 PM
by SomaliDoc
Daawooyinka afka ee Sonkorowga (Oral Diabetes Medicines)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 28341
Last post December 05, 2011, 05:55:24 PM
by SomaliDoc