Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Timaha daata ama xanuuna (Hair Loss)
Mr.cabdi:
Asc dr.waad ku mahadsantahey shaqada culus oo aad inoo heysaan.
Su'asheyda waxaan weye.
Timo daadashada mudo labo sano ah ayaa timaha igadadanayaan. Doctor baan utagay dhiig ayaa la igaqaday wuxuu igu dhahay vitamin D ayaa kamaqan. Markii kadib waanbilabay. Timihii wax is badal ah malahan
1.Cuncun
2.qolfo oo kasoo data markii aan xogo iyo Timihii oo saa id u data.
SomaliDoc:
Fitamiin D-ga oo yaraado way keentaa inay tinta khafiif noqoto, kadibne go'go'do, sida bidaarta lagu yaqaanane meel gooni ah tinta kama haaddo ee marba meel ayay ka soo go'oysaa.
Waxa kaloo keeni karo, basada oo ku cuncunto oo qolof ka daadato, waa cudur maqaar basada galo ee fadlan la xiriir takhtar maqaar.
Haddii fitamiin D-ga uu aad u yaraa oo hadane aad qaadatay oo welina is badal aadan haynin, takhtarkaagii hore bal ku laabo ee wixii talo ah waydii.
Waxaa ogaataa, haddii cuncun jiro madaxa oo xoqdid, taas waxay ka qayb qaadanaysaa in tinta daadashadeeda ay badato.
Haddii aad rabtid in aad fikrad ka qaadatid, qolfoofta madaxa ka soo daadato, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2090.0.html
Navigation
[0] Message Index
[*] Previous page
Go to full version