Author Topic: Timaha daata ama xanuuna (Hair Loss)  (Read 94754 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Rashiidjako

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Timaha daata ama xanuuna (Hair Loss)
« on: February 10, 2008, 06:18:07 PM »
maalamahan danbo waxaa jirta arin aan isu arkay  in timaha i xanuunayaan  mararka qaar markaan shalayso   waxaan arkaa timo soo daadana    hadii ay jirto wax lagu daaweeyo ama talo  waxaan jeclahay inaa soo qortaan thnks   :-*




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Timaha daata ama xanuuna
« Reply #1 on: February 11, 2008, 12:58:47 AM »


Walaal Rashid soo dhawow!

Tima xanuunka ama waxa loo yaqaano (Trichodynia) waa xaalad oo qofku ka dareemayo xanuun basada ama dhalada (madaxa korkiisa), khaas ahaan markuu qofka shaleysanayo ama timaha uu taabto, xanuunkaan oo ay soo gudbiyaan neerfaha ku jira jirida hoose ee timaha.

Xanuunkaan waxa uu qof u dareemaa gubasho oo kale ah, badanaa xanuunkaas iyo timo daadashada (Alopecia) way isla socdaan.

Caadatan ilaa 100,000 oo tima ah ayaa madaxa ku yaal badanaana 50 -100 oo tima ah ayaa go'a maalin walba, timahaasoo badalkooda kuwa kale ay soo baxaan, taasoo wax dhibaato ah ku heynin qofka, inuu ka walwalane aysan ahayn, lakin hadii ay intaa ka bataan waxaa keeni kara waxyaabahaaan soo socda mid ka mid ah:

A- Jirrooyinka qaar ka mid ah sida:
1- Sonkorowga aan la kontroolin
2- Cudurrada xiriirka la leh hormoonada (Endocrine diseases).
3- Cudurrada kilyaha ku dhaca.
4- Cudurrada beerka ku dhaca.

B- Daawooyinka qaar ka mid ah sida:
1- Isotretinoin
2- Lithium
3- Kaniiniyada ama cirbadaha loo qaato ka hortagga uurka sida "Depo-provera" oo kale.
3- Daawooyinka nafaqo ahaanta loo qaato, weliba hadii ay ku jiraan amphetamines.
4- Daawoo kiimikeed (daawooyinka lagu daaweeyo dadka kansarka qabo) kuwaan oo ah daawooyinka ugu caansan ee keena timo daadashada, inkastoo kansarada qaar ka mid ah sida kansarka dhiiga iyo kansarka qanjirada uu keeno timo daadasho daawada inta aan la qaadan ka horba.

C- Alopecia areata: kan waa nooc ka mid ah cudurada maqaarka oo keena timo daadasho, calaamada lagu garto oo ah goobaabino wareegsan oo timo la'aan ah oo ku sameysma madaxa ama qeybo kale oo ka mid ah oogada, sidaa darteed ayaa loogu bixiyay "Areata" oo "Area" ayey tinta ka daadinaysaa, timahane dib ayey u soo baxaan muddo 6 bilood ilaa 2 sano gudahood.

D- Timaha oo la midabeeyo, la feereeyo ama daawooyinka la mariyo qaarkood ayaa keena timo daadasho, ama in cadaadis timaha muddo dheer lagu hayo sida in maro lagu giijiyo sida jalbaabka ay xirtaan gabdhaha qaarkood kaasoo keeno in tinta gadaal u jiido oo horay ay ka guurto, cadaadiskaan oo keeno in timahaas aysan dib danbo u soo bixin, maxaa yeelay waxa dhimanaya unugyadii ay tinta ka soo dhex bixi jirtay.

E- Nafaqo darro: qofka oo cunto xumi ku dhacdo waxa ay keeni kartaa timo daadasho, tanoo ay ka timaado jirka oo waayo fitamiino, borotiino iyo macdanta kalaba oo muhiim u ah koriinka timaha, dadka khudaarta kaliya ku nool oo aanan cunin cunnooyinka brotiinka leh sida hilibka, ukunta iyo kaluunka iyagane way ku dhacdaa timo daadasho.

F- Carqaladeyn ku timaada wareega koriinka timaha, taasoo la weynayo timo badalo timaha sida caadiga u daato sida aan kor ku soo sheegeyba, tani waxaa keeni kara isbadalo muhiim ah oo qofka ku dhaco sida qaliin lagu sameeyo, haweenta markii ay dhasho ama qofka markii la suuxiyo, tani waxa ay qaadaneysaa bilooyin si timihii ay isku saxaan.

G- Bidaar: sababta koowaad ee keenta inay timaha ka daataan ragga.
Bidaarta oo ay keento dhawr waxyaabood oo isku tagay, kuwaasoo ay ka mid tahay hormoono iyo dhaxalba, bidaarta waxa ay qofka ku bilaban kartaa isagoo dhawr iyo toban sano jir ah, waxay kaloo ku dhici kartaa ragga qaata hormoonka "Testosterone" si ay u dhisaan murqahooda.

Muxuu dhakhtarkaaga ka qaban karaa timo go'idda?
Dhakhtarku waxa uu fiirinayaa timahaaga, waxaana dhici karta in baaritaan lagu sameeyo timahaaga, cudurrada aan kor ku soo sheegnayne lagaa fiiriyo.

Hadii aad qaadatid daawooyin keeni kara tmo go'id waa in daawo kale laguugu badalaa, hadii sonkorow uu keeno waa in aad kontrooshaa oo daawo lagu xakameeyo laguu qoraa.

Daaweynta mushkiladaan waxa ay u baahantahay in la saxo waxyaabaha keenay timo go'idda, baaritaanane lagugu sameeyo, kadibne lagu  siiyo daawooyin kor u qaado koriinka timaha sida "Minoxidil".

Sidee timahayga u xifdin karaa?
Xanaaneynta timahaaga maahan inaad daawo marisaa ama midabeysaa waa inaad qaadataa cunto isku dheeli tiran, maxaa yeelay timaha waa qeyb ka tirsan jirkaaga sida lugaha iyo gacmahaaga oo kale.
Timahaaga haku dhaqin shaambo hal mar ka badan maalintii.
Shukumaanka si aad ah ha ugu qalajin timahaaga.
Timahaaga ha kululeyn (haweenkane yaysan dabin).

Wixii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na soo weydiin kartaa

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Sumayya

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 63
  • Points: +0/-0
Re: Timaha daata ama xanuuna
« Reply #2 on: February 13, 2008, 04:13:45 PM »

thanks for the info. Somalidoc that was very interesting

Offline Harago08

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Timaha daata ama xanuuna
« Reply #3 on: March 01, 2008, 07:40:00 AM »
[  As/war/wab ]

Markahore waxaan u hambalyeeynayaa bahda barnaamijka iskusoo dubariday iyo kaqaybgalayaasha dhamaantood waa markii uguhoreeysay oo aan soo booqdo bogan qiimahaleh  su,aashaydu waxaytahay maxaa lagu daaweeyaa timaha daata amaxanuuna waa su,aashii uu hore u qabay walaalkeen Rashiidjako

maalamahan danbo waxaa jirta arin aan isu arkay  in timaha i xanuunayaan  mararka qaar markaan shalayso   waxaan arkaa timo soo daadana    hadii ay jirto wax lagu daaweeyo ama talo  waxaan jeclahay inaa soo qortaan thnks   :-*

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Timaha daata ama xanuuna
« Reply #4 on: March 02, 2008, 08:55:40 AM »
Daaweynta mushkiladaan waxa ay u baahantahay in la saxo waxyaabaha keenay timo go'idda, baaritaanane lagugu sameeyo, kadibne lagu  siiyo daawooyin kor u qaado koriinka timaha sida "Minoxidil"

Walaal Harago waxaan u malaynayaa hadii su'aashaadu ay tahay isla tii uu waydiiyay walaalkeen rashiid in jawaabtuna ay noqonayso mida kor ku qoran, maxaa yeelay sida aan kor ku soo sheegayba daaweynta tima daadashada waxay xiriir la leedahay sababta keentay...

Mahadsanid
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Mr.cabdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Re: Timaha daata ama xanuuna (Hair Loss)
« Reply #5 on: January 05, 2015, 02:27:47 PM »
Asc dr.waad ku mahadsantahey  shaqada culus oo aad inoo heysaan.
Su'asheyda waxaan weye.
Timo daadashada mudo labo sano ah ayaa timaha igadadanayaan.  Doctor baan utagay dhiig ayaa la igaqaday wuxuu igu dhahay vitamin D ayaa kamaqan.  Markii kadib waanbilabay. Timihii wax is badal ah malahan
1.Cuncun
2.qolfo oo kasoo data  markii aan xogo iyo Timihii oo saa id u data.


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Timaha daata ama xanuuna (Hair Loss)
« Reply #6 on: January 06, 2015, 10:14:37 AM »
Fitamiin D-ga oo yaraado way keentaa inay tinta khafiif noqoto, kadibne go'go'do, sida bidaarta lagu yaqaanane meel gooni ah tinta kama haaddo ee marba meel ayay ka soo go'oysaa.

Waxa kaloo keeni karo, basada oo ku cuncunto oo qolof ka daadato, waa cudur maqaar basada galo ee fadlan la xiriir takhtar maqaar.

Haddii fitamiin D-ga uu aad u yaraa oo hadane aad qaadatay oo welina is badal aadan haynin, takhtarkaagii hore bal ku laabo ee wixii talo ah waydii.

Waxaa ogaataa, haddii cuncun jiro madaxa oo xoqdid, taas waxay ka qayb qaadanaysaa in tinta daadashadeeda ay badato.

Haddii aad rabtid in aad fikrad ka qaadatid, qolfoofta madaxa ka soo daadato, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2090.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaa i xanuuna dhabarka iyo halka gumaarka loo yaqaan (bisqanlayda)?

Started by HadhiyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 19751
Last post May 06, 2011, 10:47:34 AM
by Drkheyre
Su'aal: Waxaa I xanuuna duudka oodin ayaa isku keytaageyso?

Started by Umu khaalidBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8876
Last post March 18, 2016, 01:05:43 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa i xanuuna lugta bidix illaa killida korkeeda?

Started by RabiicBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10691
Last post December 04, 2018, 07:26:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hurdada markaan ka soo tooso margiyada ayaa i xanuuna?

Started by Mumtaz MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6908
Last post November 04, 2016, 06:14:26 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qadaadka ayaa i xanuuna wuuna is lisaa?

Started by BarkhatBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5221
Last post April 16, 2015, 10:26:37 AM
by SomaliDoc