Author Topic: Su'aal: dhinaca midigta ayaanan u seexan karin?  (Read 26845 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Farhya

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: dhinaca midigta ayaanan u seexan karin?
« on: April 09, 2016, 08:31:09 AM »
asc dr waad mahadsanthy intaas ka dib waxan ahy hooyo uur leh wliba bilihii danbe marka dhinaca midigta ayaanan u seexan karin xiliga hurdada oo ilmaha ayaa firgasho badan ama dhaqdhaqaq saaida samyna marka maxad talo iga siin waa bilahi towfiq[/b][/i][/b]




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: dhinaca midigta ayaanan u seexan karin?
« Reply #1 on: April 24, 2016, 02:22:02 PM »


Hooyada iyo uurjiifkaba uma fiicna inay dhinaca midig u seexdaan oo dhakhaatiirtu badanaa waxay kula talisaa inay u jiiftaan dhinaca bidix sababahaan soo socdo awgood:
  • Hooyada haddii ay u jiifato dhinaca bidix waxaa kordha qulqulka dhiiga u socdo uurjiifka kaasoo muhiim u ah dhinaca nafaqada
  • Kilyaha hooyada safiican ayay u shaqeeyaan markay dhinaca bidix u jiifsato
  • Bararka lugaha iyo gacamaha way dagaan markay hooyada dhinaca bidix u jiifsato
  • Uurjiifka cadaadis ma saaro xididada waawayn ee hooyada kuwaasoo dhiiga geeyo wadnaha hadday dhinaca bidix u jiifsato, waana arrin ay hooyooyinka dareemaan haddii ay dhinaca midig u jiifsato inuu naqaska ku dhagayo oo kale.

Waxaa kaloo muhiim ah in hooyada uurka leh aysan dhabarka iyo caloosha u jiifsanin khaasatan bilooyinka ugu dambeeyo uurka, sababtuna waxay tahay in ilmaha ay cadaadis saarayaan uurku jirta, dhabarka iyo xididada waawayn tan waxay hooyada u keenaa dhabar xanuun, baabasiir, neefsashada oo dhibto iyo cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaco.

Intaa kadib, waxaa haboon in hooyadu ay dhinaca bidix u jiifsato markii ay uur leedahay khaasatan wixii ka dambeeyo bisha sadaxaad, haddii aad ka daashid hal dhinac waad is gedin kartaa laakiin u badnow dhinaca bidix, tan oo la xaqiijiyay inay caafimaad ugu jirto hooyada iyo uurjiifkeedaba.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaa i qabta xanuun dhinaca bidix ee feeraha?

Started by KatraBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7301
Last post February 08, 2016, 04:03:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Caloosha dhinaca Bidix oo markad wax cunto ku xanuunaysa?

Started by Shaybe10Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8308
Last post December 02, 2017, 09:06:39 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun in muda ah iga haayo dhinaca Bidixda?

Started by SamiraaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 6046
Last post February 04, 2015, 04:54:24 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa in mudo ah i xanuunaya dhinaca midig?

Started by Umu khaalidBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 5811
Last post February 10, 2016, 02:19:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxa i xanuuno dhinaca midig ee feeraha?

Started by MaimunakhalifBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7820
Last post April 24, 2016, 04:17:20 PM
by SomaliDoc