Author Topic: Su'aal: lalleemada, sideese looga hortegi karaa?  (Read 3184 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Akhyaar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: lalleemada, sideese looga hortegi karaa?
« on: April 09, 2016, 10:58:34 AM »
Ascw, walaal maxaa keena lalleemada, sideese looga hortegi karaa?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: lalleemada, sideese looga hortegi karaa?
« Reply #1 on: April 24, 2016, 02:51:48 PM »
Laleemada way ku dhici kartaa dhalinyarada, waxayna ka timaadaa cillad gaarto maskaxda qeybta kontoroolka qaabilsan.
Waxyaabaha dhalinyarada u keeno waxaa ka mid ah:
Jug madaxa gaartay
Daawooyinka qaar
Cabidda khamariga
Xanuunada maskaxda ku dhaco ha ahaadaan kuwa lagu dhasho iyo kuwa qofka soo gaaro
Cabidda kaffeyga oo siyaadada ah
Kacsanaanta qanjirka thyroid-ka
Xanuun difaaca jirka ka dhasho oo loo yaqaano "Multiple Sclerosis"

Haddii qof dhalinyaro ah lagu arko arrintaan waa in si dhakhso ah loola xiriiriyo dhakhtar si loo ogaado cilalda jirta, baaritaanadu waxay isugu jiraan dhiigag iyo qalab scan oo madaxa lagaa saaro.

Dadka waawayn cudurka laleemada ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2393.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: