Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: dhinaca midigta ayaanan u seexan karin?
(1/1)
Farhya:
asc dr waad mahadsanthy intaas ka dib waxan ahy hooyo uur leh wliba bilihii danbe marka dhinaca midigta ayaanan u seexan karin xiliga hurdada oo ilmaha ayaa firgasho badan ama dhaqdhaqaq saaida samyna marka maxad talo iga siin waa bilahi towfiq[/b][/i][/b]
SomaliDoc:
Hooyada iyo uurjiifkaba uma fiicna inay dhinaca midig u seexdaan oo dhakhaatiirtu badanaa waxay kula talisaa inay u jiiftaan dhinaca bidix sababahaan soo socdo awgood:
* Hooyada haddii ay u jiifato dhinaca bidix waxaa kordha qulqulka dhiiga u socdo uurjiifka kaasoo muhiim u ah dhinaca nafaqada
* Kilyaha hooyada safiican ayay u shaqeeyaan markay dhinaca bidix u jiifsato
* Bararka lugaha iyo gacamaha way dagaan markay hooyada dhinaca bidix u jiifsato
* Uurjiifka cadaadis ma saaro xididada waawayn ee hooyada kuwaasoo dhiiga geeyo wadnaha hadday dhinaca bidix u jiifsato, waana arrin ay hooyooyinka dareemaan haddii ay dhinaca midig u jiifsato inuu naqaska ku dhagayo oo kale.
Waxaa kaloo muhiim ah in hooyada uurka leh aysan dhabarka iyo caloosha u jiifsanin khaasatan bilooyinka ugu dambeeyo uurka, sababtuna waxay tahay in ilmaha ay cadaadis saarayaan uurku jirta, dhabarka iyo xididada waawayn tan waxay hooyada u keenaa dhabar xanuun, baabasiir, neefsashada oo dhibto iyo cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaco.
Intaa kadib, waxaa haboon in hooyadu ay dhinaca bidix u jiifsato markii ay uur leedahay khaasatan wixii ka dambeeyo bisha sadaxaad, haddii aad ka daashid hal dhinac waad is gedin kartaa laakiin u badnow dhinaca bidix, tan oo la xaqiijiyay inay caafimaad ugu jirto hooyada iyo uurjiifkeedaba.
Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Navigation
[0] Message Index
Go to full version