Author Topic: Su'aal: Hilibka digaaga faiido maleeyahay?  (Read 18094 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Jaamac2020

  • Newbie
  • *
  • Posts: 19
  • Points: +0/-0
Su'aal: Hilibka digaaga faiido maleeyahay?
« on: April 09, 2016, 11:12:00 PM »
asc Dhakhtar waxaan kuwediinaya Hilibka digaaga faiido maleeyahay bilaa kan Bacariminta ah oo daawada lagu koriyo......




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hilibka digaaga faiido maleeyahay?
« Reply #1 on: April 26, 2016, 02:28:07 PM »


Digaaga dabiiciga ah wuxuu leeyahay faa'idooyin badan oo ay ugu horayso in laga helo borotiin badan, kaasoo muhiim u ah korriimada murqaha iyo seedaha bini'aadanka.

Waxaa kaloo borotiinka digaaga laga helo ku badan nooca loo yaqaano "Typtophan" oo ah mid waxtar u leh niyadda qofka, waxaa la arkay inuu hoos u dhigo diiqada iyo welwelka maadaama uu borotiinkas sare u qaado dheecaan ay maskaxdu soo dayso oo loo yaqaano "serotonin", sidaas daraadeed, waxaa la dhahaa: Cab maraq digaag haddii aad welwelsan tahay.

Borotiinka waxaa kaloo ka mid ah nooca loo yaqaano "Homocysteine" oo muhiim u ah caafimaadka wadnaha.

Waxaa kaloo hilibka digaaga laga helaa maadada loo yaqaano "phosphorus" oo faaido ugu jirto ilkaha iyo lafaha bini'aadanka iyo shaqada beerka, kilyaha iyo neerfaha.

Waxaa kaloo digaaga laga helaa maadada loo yaqaano "selenium" oo muhiim u ah shaqaynta hormoonada jirka khaasatan kuwa uu soo daayo qanjirka dhuunta ee thyroid-ka loo yaqaano.

Waxaa kaloo hilibka digaaga ka buuxo fitamiinka nooca loo yaqaano "B6" kaasoo muhiim u ah caafimaad xididada jirka.

Waxaa kaloo ku jira fitamiinka loo yaqaano "Niacin" oo alle ka dhigay ka hortag kansar si dabiici ah.

Hilibka digaaga waxaa ka buuxo maadada loo yaqaano "Retinol, Carotene iyo Lycopene" oo kulligood laga wada keenay fitamiinka A, muhiimna u ah caafimaadka indhaha.

Beerka digaaga waxaa laga helaa vitamin-ka B2 oo muhiim u ah caafimaadka maqaarka, wuxuu ka hortagaa dildillaaca maqaarka iyo faruuryaha ku yimaado.

Digaaga la warshadeeyay ama la buufiyay ama la kiimikeeyay, uma roonaa caafimaad ahaan, tayada nafaqo ee laga helane la mid m ahan digaaga dabiiciga ah, waxaa kaloo la xaqiijiyay digaaga gacan rimista ah inay gudbin karaan cudurrada faafa qaar ka mid ah.

Akhriso Halista Maaq Digaagga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6853.0
Haddii aad su'aal caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaah: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Hilibka ariga wax dhan waslad waan ku xanuun sadaa?

Started by Diihaal GuutoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 6565
Last post March 02, 2016, 01:48:11 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: FAA IIDADA AMA KHASAARAHA UU SUBAGGA IYO HILIBKA QUBADA LEEYIHIIN?

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 39368
Last post May 14, 2011, 10:49:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cunidda Hilibka Sagaarada Ma U Fiican Yahay Caafimaadka?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 17233
Last post November 22, 2011, 04:35:50 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Maxaa keena hilibka ka sareeya cidiyaha oo dildilaaca?

Started by BoqorkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5766
Last post April 04, 2016, 01:23:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Subaga iyo hilibka libaax badeedka (indho buur)

Started by AbucabdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5109
Last post April 24, 2016, 02:51:59 PM
by SomaliDoc