Author Topic: Khayaal-abuurka iyo Korriimada Maskaxda Caruurta  (Read 17076 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Khayaal-abuurka iyo Korriimada Maskaxda Caruurta
« on: April 11, 2016, 01:27:33 AM »


Khayaal abuurka caruurta waxay muhiim u tahay korriimada maskaxdooda, waxaa la dhahaa caruurta aadka u khiyaal badan way ka maskax badnaan doonaan caruurta kale markay waynaadaan, inkastoo waalidka qaarkii ay u moodaan caruurta khiyaalka badan inay dhiman yihin ama ka maskax yaryihiin caruurta kale markay yaryihiin.

Caruurta khiyaalka badan waxaa lagu gartaa inay aad u jecelyihin u sheekeynta, wax sawiridda, wax midabeynta iyo ciyaarta.

Waxay dhakhaatiirta ku taliyaan in la dhiirigeliyo khiyaalka caruurta tan oo faa'ido u leh caruurta iyo xiriirka waalidka uu la leeyahay.

Sidee loo dhiirageliyaa khiyaalka caruurta?
  • Waalidku ha u allifo caruurtiisa sheekooyin ay caaruurtiisa xiiseynayo, kana ka qeyb geliyo caruurta inay sheekada la wadaan, qaabkaan waxaa la arkay inay ka faa'ido badan sheeko buug laga akhriyo, maxaayeelay caruurta waxay rabaan in sheekada loo wado qaabka ay xiisaynayaan, waxay kaloo kaa baranayaan sheekada iyagoo dhici karto inay samaystaan sheekooyin u gooni ah.
  • Ku dadaal in alaabta caruurtu ku dheesho aad sheeko ka samaysid adigoo jilayo qaabka ay alaabtaas sheekada ugu qeyb qaadanayso, sida cod samayn, ordid, duulid, qoslid iyo wixii la mid ah, tan waxay siyaadinaysaa khiyaalkooda, waxaadna arki doontaa iyagoo qaabkaas u ciyaarayo markii aan lala joogin.
  • Sawirka iyo midabaynta ama qaabeynta carada ama dhiiqada waxay ka mid tahay waxyaabaha loo adeegsado in lagu furo khiyaalka caruurta khaasatan markuu kala qeyb qaato waalidka, tusaale ahaan in warqad aad u qaabaysid qaab diyaarad, gaari ama bahal waa wax ay aad u jecelyihiin, weliba aad u jishid sidii gaarigaa ama diyaaradaa u socon lahayd
  • Yaray daawashada computer-ka ama Tv-ga, waxaa la ogaaday in shaashadaha oo joogto loo fiirsado ay dilaan khiyaalka caruurta, taasoo saamayn ku yeelan karto hal-abuurnimadooda, marka ku dadaal in caruurtaada aad waqtiyo kooba u ogolaatid inay daawadaan computerka ama Tv-ga.

Qoraalo Kale:
Saamaynta Caruurta Lugta laga xidho: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4049.0
Saamaynta Garaacista Caruurta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6496.0
Fudeydka iyo Qalqaalinimada Caruurta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=987.0
Daahidda Hadalka iyo Hadal la'aanta Caruurta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1661.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 23637
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
FILIN: Faaidooyinka Kala Durkinta Caruurta (Child Spacing)

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 33882
Last post November 08, 2009, 04:38:03 PM
by Admin
Su'aal: Vitamin C, Haddii Caruurta aad loo siiyo, Dhibaato mise Faa'iido?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10459
Last post October 12, 2017, 02:47:38 PM
by SomaliDoc
Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta

Started by ShenamicBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 23568
Last post January 27, 2015, 12:58:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Caruurta isku kaadisa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14102
Last post August 21, 2011, 03:10:50 PM
by SomaliDoc