Author Topic: Halista Daawooyinka lagu daro Cillaanka  (Read 13622 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Halista Daawooyinka lagu daro Cillaanka
« on: April 17, 2016, 10:19:16 PM »


Maanta waxaan ka hadlaynaa arrin kaloo bulshadu aad u isticmaasho halisna ku ah caafimaadkeeda, waana daawooyinka cillaanka lagu daro oo soomaalidu qaar u taqaano "Dalwandi" iyo "mahlabiyad" afka qalaadne daawooyinkaas waxay ka siman yihiin kiimikada loo yaqaano "Paraphenylenediamine" loona soo gaabiyo "PPD".

Waxaa daawadaan cillaanka loogu darsadaa si ay midabka dhakhso u soo saarto, cillaankane uga dhigto mid tiq ah.

Daawadaan waxaa badanaa lagu soo daraa madoobeysada la marsado, waxaa kaloo lagu daraa khadka daabacadda dharka iyo dunta laga sameeyo taayarrada gawaarida.

Daawadaan kiimikada ah waxay leedahay halis caafimaadka u daran, waana muhiim in qofkasta oo isticmaalo ogaado, marmarka qaar halisteeda waa loo dhiman karaa.

  • Dhibaatada ugu horeyso ee laga dhaxli karo waa xasaasiyadda ama allejiga oo gaarsiisan heerka loo yaqaano "Anaphlactic shock" oo ah mid qofka dili karto, xasaasiyadaas oo laga dareemo meelaha cillaanka la mariyay sida maqaarka, tinta, garka iyo sunniyaha, haddii sunniyaha la marsado cillaan leh daawo oo qofka xasaasiyad ku qaado in uu ku indho beelo iyadoo keento laba xaaladooda oo loo yaqaano "keratitis" iyo "Neuritis".
    Haddii aad daawadaan xasaasiyad horey ugu dareentay oo mar kale isticmaashid waa halis in aad u dhimato ayaa dhici karto oo neefsashada kugu dhegto ama cadaadiska dhiigaaga uu hoos u dhaco ama coma aad gasho.
    Xasaasiyada ugu horeyso waa qofka oo dareemo in maqaarka midabkiisu isbadalay, cuncun ama jirka oo biyo gashado oo bacoolo yeesho, marmarka qaar dubka ayaa ka kici karo maqaarka oo qofka wuu dhiigbixi karaa ama suntaa dhiiga u sii gudbi karto oo qofka caafimaadkiisa halis ayuu gali karaa.
  • Dhibaatada kale ee la dareemo waa in daawada oo la joogteeyo keento in dareemaha lugaha ama faraha ay dhaawac gaarsiiso taasoo loo dareemo kabuubyo ahaan, xaaladaan oo loo yaqaano "Toxic Neuropathy", waa xaalad uusan qofka ku baraarugin marka hore.
  • Dhibaatada kale ee keento daawada cillaanka "PPD" waxaa ka mid ah kansarrada qaar oo ay soo bandhigtay hay'adda daawooyinka mareykanka ee FDA, kuwaas oo kala ah, kansarka dhiigga, kansarka qanjirrada, kansarka maqaarka, kanasarka naasaha iyo kansarka kaadiheysta.
  • Cilmibaaris lagu sameeyay xanuunka howlgabka kilyaha oo la arkay inuu ku badanayo dadka ka shaqeeyo saaluunnada iyo meelaha la isku qurxiyo ayaa waxaa la sheegay in lala xiriirnayo sababta ay kilyaha u beeleen daawadaan PPD oo ku badan waxyaabaha ay isticmaalaan.
    Tixraac: http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/21469591

Halista kiimikadaan waa mid mar hore la ogaaday oo joogto looga digo, wadamo dhowr ah sida jarmalka, Sweden iyo faransiiska waa ka mamnuuc in lagu gado waxyaabo jirka lagu qurxiyo in lagu daro daawadaan.
Jarmalka wuxuu mamnuucay sanadkii 1900-kii.
Faransiisku wuxuu mamnuucay sanadkii 1909-kii.
Sweden waxay mamnuucday sanadkii 1964-tii.

Dad badan ayaa waxay isoo waydiiyaan, waxyaabaha aad ka digtid wadamo badan ayaa laga isticmaalaa ee haddii halistaas ay leeyihiin maxaa loo joojin waayay?

Su'aashani waa muhiim inkastoo dadka isoo waydiinayo aysan ogayn in waxyaabo badan oo hubaal ah in cudurro keenaan oo loo dhinto in la joojin waayay taasoo dowladaha qaarkood aysan awood u lahayn in ay ka hadlaan iyagoo fiirsanayo danooyin kale, tusaale ahaan sigaarka waa shay la hubo inuu kansarka sambabka keeno oo sanad kasto u dhintaan boqolaal kun qof, khamriga sidoo kale, sanad kasta waxaa beerka u beelo malaayiin qof, laakiin shirkadaha sameeyo lalama hadli karo oo dowladaha qaar wayba ka awood badan yihiin oo canshuurta laga qaado ayaaba lagu tiirsan yahay, waxaa kaloo ka mid ah cabitaannada qaar sida coca-colada oo iyadane diraasado dhowr ah lagu hubiyay halisteeda caafimaad laakiin dowlad ku dhiiran karto in ay joojiso ma lahan.

Marka waa in aad ogaatid waxyaabo badan oo halis kugu ah in umado kale ay ku tiirsan yihiin dhaqaalaha laga sameeyo oo si sahlan uma joojin karaan dowladaha ka macaasho iyo kuwa danaha gaarka ah leh, fadlan noqo qof wacyigiisu sareeyo oo fahmi karo dantiisa iyo danta qoyskiisa.

Akhriso Halista Shiishiidka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6921.0
Akhriso Halista Maraq Digaaga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6853.0
Akhriso Halista Coca-colada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5964.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106917
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64464
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29275
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53600
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34513
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca