Author Topic: Caafimaadka Kubaayada / Kululeysada / Sisibada?  (Read 12050 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caafimaadka Kubaayada / Kululeysada / Sisibada?
« on: April 20, 2016, 01:55:36 PM »


Ku daawaynta kuleelka waxay ahayd arrin soo jireen ah oo soomaalidu isticmaali jirtay waligeeda iyagoo adeegsado danbasta iyo carada kulul.

Arrintaasi waxaa badalay buraashada ama boorsada lagu shubo biyaha kulul oo loo yaqaano Kubaayad, Sisibad, Kululeyso ama Boorso-Kaaldo.

Xanuunadee lagu daaweeyaa kuleelka?
Kubbeynta waxaa loo adeegsadaa dhowr xanuun oo la xaqiijiyay inay waxtar u leedahay oo kala ah:
  • Riixa / Roomaatiisamka: maadaama xanuunadaan aanan loo haynin daawo looga bogsado, kululeynta waxay ku caawisaa inay xanuunka, bararka, hurka ay yarayso, iyadoo qulqulka dhiiga ee kalagoyska soo gaarayo uu kordho, kadibne sidaa lagu helo walxaha difaaca jirka ee ka qeyb qaato la dagaallanta xanuunka kalagoyska.
  • Dhaawacyada murqaha iyo seedaha: Kululeynta waxay si dabiici ah u caawisaa in dhaawacyada jugta ka yimaada aysan saamayn ku reebin qofka, iyadoo si sahlan ku kala furto wixii dhiig fadhiisan lahaa murqaha ma nudaha hoose ee jirka, tan waxay yaraysaa bararka, dajisaa xanuunka, waxay badisaa oksajiinta iyo walxaha nafaqada u leh meelaha jugta gaartay si ay u bogsadaan.
  • Xanuunka Caadada: kululeynta waxay yaraysaa oo istaajisaa xanuunka caadada kaasoo loo dareemo qaab qabsin ahaan murqaha, waana cillad ku badan haweenka khaasatan da' yarta ah.
  • Dhabar xanuunka: Xanuunada dhabar xanuunka aad ayay wax ugu tartaa kululeynta, waxay yaraysaa togtognaanta murqaha, giijisnaanta seedaha iyo xanuunada cadaadiska ah ee ka dhasha carjawda booskeeda ka sibxatay "Disc Herniation"
  • Xanuunka neerfaha ee sinta gala "Sciatica": xanuunkaan waa xanuun ku badan dumarka soomaaliyeed waxuuna ka dhashaa cadaadis neerfaha sinta fuulo oo illaa lugta qofka laga qabto, halkaan ka akhriso xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4611.0
  • Murqo xanuunka: xanuunada keeno murqo xanuunka khaasatan kuwooda aan daawada rasmiga loo haynin waxaa la arkay inay waxtar fiican ka helaan kubbeynta sida xanuunka "Fibromyalgia", ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2543.0
  • Madax xanuunka: madax xanuunka joogtada ah weliba goonjabka waxaa la arkay in kubbeynta uu ku suulo khaasatan hadddu qofka dareemayo qoor xanuun taasoo ka timaado togtognaanta murqaha qoorta iyo qeybta sare ee garabka.
  • Caafimaadka guud: Isdiirinta waxaa laga helaa firfircooni iyo nashaad guud iyadoo sahlayso dhaqdhaqaaqa xubnaha laabatooyinka khaasatan dadka waayeelka ah.

Waxyaabo kale oo badan oo loo isticmaalo kare kubbeynta way jiri karaan laakiin inta aan kor ku soo xusay waa inta la xaqiijiyay inay wax ka taraan.

Sidee loo isticmaalaa Kubbaayadda / Sisibadda?
Waxaa lagu shubaa biyo diiran iyadoo la iska ilaalinayo inaysan hawo galin marka aad biyaha ku shubaysid, kadibne safiican ayaa afka looga xiraa, kadibne meelaha aad xanuunka ka dareemaysid ayaa la saarsaaraa adigoo iska xijin kara maro sida shukumaan oo kale hadduu kuleelka siyaado yahay, haku duljiifanin kululeysada, waxaa laga yaabaa cadaadiskaaga inay xamili wayso oo ay dillaacdo ama furka tuurato, fadlan safiican u fahan qaab isticmaalka marka aad soo gadanaysid, kuna dadaal in ay ahaato nooca cinjirka ah ama laastikada leh oo aadka u jilicsan, ka fogow noocyada qaarkood oo u eg caag oo kale oo cinjirku ku yaryahay, kuwaasi hadduu kuleelka ka bato way dillaaci karaan.

Akhriso Caafimaadka Duugista: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6752.0
Akhriso Caafimaadka Isku-istaagga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6326.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: