Author Topic: Su'aal: Abooto tuutuu waa mxaay?  (Read 25442 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 95
  • Points: +0/-0
Su'aal: Abooto tuutuu waa mxaay?
« on: April 09, 2016, 09:13:25 PM »
Abooto tuutuu waa mxaay ama nabar Ka yar ee isha gees keeda kasoo baxo?
Mxaa Si dhaqsi ah loogu daaweeyaa maadaama ooo yahay nabar lala xishoodo.?
Mxaase looga hortagaa ?
Mxoo Ka dhashaa?
Ujeed keeygu waa sharaxaad guud naga sii doctor
Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4698
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Abooto tuutuu waa mxaay?
« Reply #1 on: April 24, 2016, 11:57:26 PM »


Abooto tuutuu, Kaatun, Dhulux, Fin, Baxdin, Buumbi/Buumbaay intaasba waa magacyo ay soomaalidu u isticmaasho nabraha ka soo baxo galka isha.

Caafimaad ahaan markii laga hadlayo arrintaan waxaa loo kala qaadaa laba cudur oo aad iskugu dhaw.

Caabuqa gunta baalasha indhaha "Stye"
Midkaan waxaa loo yaqaanaa "Stye" waa fin ka soo baxo salka baalasha isha kuwa kore ama kuwa hoose, wuxuu wataa cuncun, dareen in indhaha qashin kaaga jiraan, maalinta labaad, waxaad dareemi kartaa xumad/qandho iyo isha oo casaato, maalinta sadaxaad nabarkii wuxuu yeelan karaa af oo dheecaan ama malax ka imaan karo, sidaas ayuuna qofka ku bogsadaa maalmo kadib.

Cilladaan waxaa keeno bakteeriyo caabuq ku samayso salka baarka isha, badanaa qofka kuma daahdo oo waxay qaadataa ugu badanaan sideed maalmood illaa in qofka difaaca jirkiisa uu liito mooyee, waana xanuun si sahlan lagu kala qaadi karo, wuxuuna aad ugu badan yahay caruurta.
Qofka wuu ku soo laalaaban karaa mar kasta, waxaana lagula dardaarmaa qofkaas inuu daawo antibiotic qaato muddo usbuuc xiriir ah si jeermiskaas uusan awood ugu helin inuu mar kale isha baxdin ku sameeyo.

Waxaad kaloo samayn kartaa haddii infekshaan ku dhibo in aad 4 xabo oo toon ah aad ku duuduubtid faashad nadiif ah, kadibne ku dhex jajabisid, kadib markay marado qoyaan fiican yeelato in aad ishaha nabarka kaaga soo baxay saarsaartid adigoo isku haya si qoyaanka toonta u gaaro galka iyo baalashaba, laakiin qoyaanka tuunta yaysan indhaha gudaha u galin, waxaadne sidaa samaysaa labo maalin oo xiriir ah, adigoo afartii saacba samayanaysid muddo 3 daqiiqo ah.
Waad ka caafimaadi doontaa xanuunkaan insha'llah.

Qanjirka baalka isha oo xannibma "Chalazion"
Cilladaan waxay kaga duwan tahay xanuunka kore in xanuunkaan uusan ahayn infekshan, wuxuuna ka yimaadaa qanjirrada ku samaysan baalka isha oo afka ka xannibmo, taasoo laga dareemo dhinaca gudaha ee galka isha, lagama dareemo meesha kore inkastoo bararka laga arkayo baalka dushiisa.
cudurkaan ma lahan xumad ama qandho toona, qofkane wuxuu ku oolli karaa bilooyin, wuuna ku soo laalaaban karaa, xalkiisu waa in marinka qanjirka uu furmo si dabiici ah ama qalliin lagu furo.
Waxyaabaha la adeegsado ee lagu furo waxaa ka mid ah in la qandiciyo bararka dushiisa, si dufanka ku xannibmay qanjirka u milmo sidaasna xannibanku ku baab'o.
Waxyaabaha lagu qandaciyo waxaa ka mid ah in ukun biyo lagu karkariyay oo aad u kulul lagu duuduubo maro kadibne la saarsaaro bararka isha muddo 5 daqiiqo ah, waxaa la arkaa inuu bararka baaba'o, laakiin haddii bararka uu sidaa ahaa muddo dheer waxuu qofka u baahan karaa qalliin lagu furo meesha xiran.
Cilladaan waxay ku badan tahay dhalinyarada iyo dadka waawayn meesha cillada kore ay ku badan tahay caruurta.

Haddii aan u soo laabto magacyada kala duwan ay soomaalidu adeegsato oo kor ku xusan uma kala soocno nooca xanuunka uu yahay, laakiin badanaa waxaa loo adeegsadaa xanuunka "Stye" maadaama uu caruurtu ku badan yahay, dhowr jeerne soo laalaabato, dheecaane uu nabarku yeesho, si dabiici ahne iskaga baba'o, waana asalka khuraafaatka meesha uu ka yimid, wax si dabiici iskaga baab'i lahaa in loo saariyo arrimo kale sida:
- In abootadu ku tufto isha xanuunsan, sidaasne qofka ku bogsado.
- In fargashi la xirto, weliba nooca loo yaqaano "Kaatun" oo ah fargal ku sawiran tahay "Il" kadibne sidaa qofka ku bogsado.
- In taano ama lacag kale lagu xoqo, kadibne la tuuro si xanuunka sidaa kaga bogsatid.
- In caarocaaro qofka isha kaga kaadisay, Qofkane hadduu wajiga ka daboosho kaadidaas inuu ka badbaadayo ama ka bogsanayo.

Waxaa muhiim u ah xanuunka "Stye" in nadaafadda lagu dadaalo oo gacamaha laga ilaaliyo indhaha, si joogta ahne la isaga mayro, haddii kale caabuqa wuxuu u gudbi karaa isha kale ama qof kale ayaa kaa qaadi karo haddii aad istaabataan.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa xanuun kale oo ku dhaca baalasha indhaha oo loo yaqaano "Blepheritis", kan waa nabro faruuruc oo kale oo ku samaysmo baalasha oo idil, qofkane wuxuu soo toosaa isagoo baalashu malax yeesheen ama isku dhagaan, kan waa infekshan lagu daaweeyo qallajiyaal goojooyin  ama kuwo afka laga qaato.
Ogow xanuunkaan wuu ka duwan yahay Daafka, loona yaqaano "Conjunctivitis" oo aad ka akhrisan kartid qoraalkaan kale: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1121.0

Akhriso qoraal ku saabsan "KASOOBAXA": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1163.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: