Author Topic: Su'aal: Waa maxay faa'iidada FLAXSEED/qoondarka?  (Read 36549 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Iraado Macalin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay faa'iidada FLAXSEED/qoondarka?
« on: April 25, 2016, 09:26:30 AM »
Miraha  Qoondarka muxuu faa'iido lee yahay sideese  ugu haboon oo loo isticmaalaa  caafimaad daro ma lee yahay
in la saloolo iyo in sidiisa lagu shiito kee faa'iido badan waayo waxaan maqlay hadaa cayriinka lagu cuno waa lagu sumoobaa
 NB; Fadlan faah faahin dheeraad ah naga sii  Allaha kaa Ajersiiyo dadaalkaada




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay faa'iidada FLAXSEED/qoondarka?
« Reply #1 on: May 16, 2016, 05:38:10 PM »


Qoondarka ama waxa loo yaqaano "Flaxseed" waa nooc ka mid ah dalagyada la cuno sida gallayda iyo masagada oo kale.

Qoondarka waxaa ku jiro waxyaabo faa'ida u leh caafimaadka qofka sida dufanka caafimaadka u roon ee loo yaqaano "Omega-3", saliiddaan oo wadnaha u roon, waxaana la qiyaasaa halkii qaaddo oo qoondar ah inay ku jirto 1.8 gram oo "Omega 3" ah.

Maadada kale ee faa'idada leh waxaa loo yaqaanaa "Lignans" oo ka kooban hormoonka estrogen iyo sunsaaraha "anti-oxidant", waa dalaga ugu badan ee ku jirto maadadaan markii loo fiiriyo dalagyada kale.

Geedkaan waxaa badanaa dunida loo abuurtaa si saliid looga sameeyo, laakiin cunno ahaane waa loo gadaa iyadoo laga sameeyay waxyaabo kala duwan.

Cilmibaaris dhowr ah ayaa lagu sameeyay, waxayna sheegeen inuu alle ku abuuray awood ka hortag kansarka naasaha, qanjirka borostaatada iyo kansarka xiidmaha.

Sidaas awgeed, waxaa haweenka lagula dardaarmaa inay badsadaan cunista qoondarka si halista kansarka naasaha u yaraato khaassatan haddii ay dhaxal u leeyihiin.

Cilmibaarayaal kale ayaa sheegay inuu caafimaad u leeyahay wadnaha, una fiican yahay dadka qaba macaanka, isagoo yareeyo halista in sonkorta ay dhaawac gaaarsiiso xubnaha jirka.

Sidaas ay tahay, waxaa lagula dardaarmaa haweenka uurka leh iyo kuwa nuujiya inaysan cunin qoondarka illaa warbixin dheeraad ah laga helayo. waxaana weli ku socdo cilmibaarisyo dhowr ah.

Qoondarka wuxuu u kala baxaa laba nooc mid jaallo ah iyo mid guduud dahabi ah, labaduba waa isku faa'ido, waxaad soo gadan kartaa miraha oo noolnool ama iyagoo shiidan, waxaana fiican in la shiido si jirka uga faa'idaysto, waxaadna ku darsan kartaa cunnooyinka kale ee aad cunaysid sida mushaarida, maraqa, caanaha fadhiyo iyo suugada.
Waxaad kaloo ku dari kartaa burka inta aadan dubin.

Marka qoondarka, isagoo la saloolin ama la karin waa la cuni karaa, laakiin sida ugu habboon waa in la shiido isagoo aan la saloolin, kadibne lagu darsado cunnada aad karin rabtid ama cuni rabtid.

Akhriso Faa'idada Sisinta iyo Saliid macsarada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3195.0
Akhriso Halista saliid caddayda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6036.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo did qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66561
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69570
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62504
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46758
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45005
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc