Sababta aadan ugu qancaynin jawaabaha laga bixiyo su'aalahaan aad soo bandhigaysid waxay tahay, in dadku aysan isku mid wada noqon karin haddii xittaa ay isku si cunto u cunaan ama gym u ciyaaraan, dadka isku qaab alle uma abuurin, dadbaa iyagoo waxba qaadqaadin murqaha jirkoodu u kala qaybsan yahay oo baruurtu ku yar tahay, dadbaa cunnada habeesto, dad baa daawooyin hormones isticmaalo.
Marka qof kuu damaanad qaadi karo in aad sida aad ku arkaysid sawirada dadka murqahooda soo bandhigo in aad noqonaysid haddii aad cuntid siyaabaha laguu sheegay ama meel aad ka akhrisay ma jiro.
Cunnooyinka aad kor ku soo sheegtay, waa cunnooyin borotiin u badan, sida aan horay kuugu sheegayne waxay muhiim u yihiin kobcinta lafaha iyo murqaha, rootiga aad tilmaantay ma ahan borotiin ee waa carbohydrate.
Marka sida horay aan kuugu sheegayba, waxaa fiican qofka inuu jir caafimaad qabo helo inta uu ku mashquulayo murqo waawayn, talooyin horoo badane waan kuu soo tilmaamay, weliba waxaan horay kuugu sheegay murqaha oo la barariyo inay dhibaatooyin badan keenaan, khaasatan dib u baar nolosha ay ku nool yihiin ama ay ku dambeeyaan dadkii caanka ku ahaa murqaha waawayn oo biraha qaadi jiray, waad ogaanaysaa in caafimaad darri ka qaadeen.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.