Author Topic: Su'aal: Waa Maxay Dhibaatadda Biraha Isgaadhsiinta (Tawers)?  (Read 15148 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline AarDacar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa Maxay Dhibaatadda Biraha Isgaadhsiinta (Tawers)?
« on: April 10, 2016, 10:58:16 PM »
Waa Maxay Dhibaatadda Biraha Isgaadhsiinta (Tawers)?
Asc, Dictoore waxaad naga jaahil tirtaa dhibaatadda caafimaad ee ay leeyihiin biraha isgaadhsiinta lo isticmaalo oo dalkeena aad uugu soo badanayaa waayahan danbe ku waasoo dhibaato badan  dadku ka sheegtaan.
dhibaatooyinka lasoo dheego ee aad ka looga cawdo waxaa kamida.
  • Madax xanuun
    • kansar
    • ilmo dilow
    • iyo qaar kaloo badan

    fadkan dr nooga war bixi oo bulshadeena uuga faa'idee aqoonta Rabi ku baray.

    Mahadsanid DR.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa Maxay Dhibaatadda Biraha Isgaadhsiinta (Tawers)?
« Reply #1 on: April 29, 2016, 08:33:51 PM »


Arrintaan ku saabsan in biraha isgaarsiinta laga qaado cudurro ay ka mid yihiin Kansarka waa arrin muddo badan laga doodayay, inkastoo cilmibaarisyo kala duwan lagu sameeyay dadyow ag daggan birahaas iyadoo la barbar dhigayo caafimaadka dad kale oo dagan meelo ka fog birahaas.

Cilmibaarisyadaas markii la isku soo duuduubo waxay u badan yihiin dhinaca in aysan keenin dhibaatooyin caafimaad, arrinkaas oo keentay in WHO ka soo saarto go'aan ah in birahaas sida dadka qaar ay aaminsan yihiin in ay kansar keenaan in aysan waxba ka jirin, maadaama ay WHO sheegtay in dhambaallada birqabadka leh ee birahaas sii daynayaan ay ka wood yaryihiin kuwa ka baxayo raadiyayaasha iyo TV-yada la isticmaalo.

Dabcan way jiraan qolooyin ka doodo arrimahaan oo weli ku dhaggan ra'yiga ah in birahaan ay cudurro keenaan oo ay ka mid yihiin: Kansar, Cillado maskax ah sida korriinka, xasuusta, waxbarashada caruurta, dhalmo la'aan iyo cillado wadne xanuun.

Dhibaatooyinkaan kor ku xusan looma hayo caddaymo wax ku ool ah oo looga qaadan karo go'aanno inkastoo ay jiraan dhowr cilmibaaris oo taageersan oo laga soo sheegayo dalal badan oo ay ka mid yihiin: Australia, Germany, Israel iyo Brazil.

Waxaa jiro qolo kale oo is barbar dhigay labadaan ra'yi ee iska soo horjeeda iyagoo isku dayay in ay ogaadaan kii xaqiida u dhaw, waxayna ra'yigooda ku soo gabagabaeeyeen in go'aan ka gaarista birahaan ay u baahan tahay caddaymo ka xoog badan kuwa la hayo maanta iyo cilmibaarisyo intaa ka badan, inta warbixintaas laga helayane, go'aan bulshada welwel ku abuuri karo lama qaadan karo xilligaan la joogo.

Hay'adaha diidan in birahaan dhib keenaan waxaa ugu horreeyo WHO, FDA iyo shirkada isgaarsiinta laftirkooda.
Qolooyinka aaminsan in birahaan dhibaato keenaan waxaa ugu horeeyo hay'ado iyo ashkhaas kala duwan oo u dooda xuquuqda deegaannada iyo caafimaadka bulshada oo ka soo jeedo wadamo dhowr ah.

Akhriso qoraal aan kaga hadalnay Mobeellada iyo Caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5953.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 68160
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 71391
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 64193
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48703
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46762
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc