Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Shahwada ragga oo yaraata maxaa sababa?
(1/1)
Mu.maanka:
ASC dhaqatirta naga haqab tirtay baahideeni caafimaadka waad ku mahadsantiin maraka koowaad waana idinku dhiiri galinyaa howsha aad noohaysaan
allaha idinka ajar siiyo
SU`AASHAYDU waxay tahay DOC, biyaha ragga dabcan shahwada ragga oo yaraata maxaa sababa?
xaalad caafimaad daro miyaa mase?
maxaase xal u`ah oo lagu badin karaa ama lagu zaa`idin karaa waa haday macquul tahay...
MAHADSANIDIIN.
SomaliDoc:
Biyaha miyaa yaraaday mise tirakoobka xawada ama shahwada ku jirto ayaa baaris lagu ogaaday inay yaraatay?
Waa laba arrin oo kala duwan ee fadlan su'aasha soo faahfaahi.
Mu.maanka:
dhaqtar la igama baarin oo wax baaritaan shahwada yaraanteeda kusaabsan ma aanan marin balse aniga ayaaba iska dareemaybo waayo shahwada markay soobaxdo waa wax aad u yar dhow dhibcood cml marka waa waxa aan layaabay in mudo ahna waan isku arkayaa
SomaliDoc:
Taasi waa yaraatay lama dhihi karo waxaa dhici karto cillad qanjirka soo saaro inay jirto ama meel ku xannibantay ee fadlan la xiriir dhakhtar, waxaa si sax ah lagu ogaan karaa baaritaanka ka dib.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version