Author Topic: Kaadida Geela iyo Cudurrada lagu daaweeyo (Cilmibaaris)  (Read 54192 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kaadida Geela iyo Cudurrada lagu daaweeyo (Cilmibaaris)
« on: May 01, 2016, 04:55:03 PM »


Bismillahi..

Waxaan qoraalkaan ku falaanqayn doonaa faa'idooyinka caafimaad ee kaadida geela, wixii cilmibaaris iyo tijaabin lagu arkay intaba.

Marka hore ku daaweynta kaadida geela waxay salka ku haysaa xadiithkii rasuulka nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ee uu ku daaweeyay qoladii soo booqatay magaalada rasuulka ee Madina kadibne ay ku xanuunsadeen, markaas ayuu rasuulka kula dardaarmay inay cabaan caanaha iyo kaadida geela, markay cabeen oo ay ka bogsadeen xanuunkii ayay waxay dhaceen geelii rasuulka iyagoo dilay wiilkii geela la jiray.
Riwaayadaha ku soo arooray xadiithkaan markii ay sifeynayeen xanuunka dadkani hayay waxay sheegeen in midabkoodu uu jaalle ahaa, calooshooduna ay weyneyd, miisaankoodane aad u liitay, ataamahaan oo tilmaan u ah beer xanuunka weliba markuu gaaro heerka caafimaad ee loo yaqaano "Liver cirrhosis" oo tilmaamaysa inuu beerku hawlgab noqday,qofkuna caloosha biyo ayaa ka gala wayna waynaataa, oo waxaa loo yaqaanaa "Ascites", tanoo illaa iyo hadda markuu beer xanuunka heerkaan gaaro aanan daawo loo haynin, Akhriso qoraal hore oo aan uga hadlay xanuunka hawlgabka beerka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5648.0

Kaadida Geela maxay kaga duwan tahay kaadida xoolaha kale?
Ninkii geel dhaqdaa garanayee, geelu badanaa wuxuu cunaa dhirta lagu sheego faa'idooyinka caafimaad, geela caafimaadka lagu sheegane caanihiisa iyo kaadidiisa waa geela baadiyaha daaqo ee ma ahan geela magaalooyinka lagu quudiyo, xoolaha daawada lagu sheego oo idilne waa xoolaha aanan bini'aadan faragashanin daaqiisa.
Akhriso qoraal aan horay uga hadlay caafimaadka Idaha laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5927.0

Caadiyan kaadida waa qashin saarkii jirka, badanaane waxaa ku jiro sun badan oo qofka hadduu cabo halis galin karto, laakiin geelu wuu ka duwan yahay maxaayeelay kaadida geela kuma jirto waxyaabaha sunta ah sida Ammonia-da iyo Urea-da oo ah waxyaabo halis ku ah bini'aadanka, jirkane uu iska saaro. arrintaan oo cilmibaaris lagu ogaaday 1925-tii dalka China, laguna soo daabacay "The Journal of Biological Chemistry": http://www.jbc.org/content/64/3/615.full.pdf

Waxaa intaa dheer in kaadida geelu ay ku jiraan waxyaabo aan laga helin kaadida xoolaha kale, kuwaasoo loo saarinayo inay sabab u tahay faa'idooyinka lagu sheego, waxaana jirta cilmibaaris lagu sameeyay dalka Sudan oo safiican u faahfaahisay waxyaabahaas kaadida geela laga helay iyo waxa jirka bini'aadanka ay u taraan, cilmibaaristaan oo cuskatay illaa 13 cilmibaaris kale oo lagu sameeyay wadamo badan, ka akhriso halkaan: https://www.soas.ac.uk/camelconference2011/file84329.pdf

Waxyaabaha laga helay kaadida geela waxaa ka mid ah waxyaabo la dagaallamo kansarka, tanoo diraasado gooni ah lagu sameeyay, ka akhriso halkaan: http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/22922085

Dadka aadka ugu takhassusay ku daaweynta kaadida geela waxaa ugu caansan Prof. Ahmed Abdalla Ahmadani, waa borafasoor wadanka Sudan u dhashay oo ku takhassusay cilmiga sheybaarka iyo maadada jeermiska il-ma-aragtada ah, wuxuuna kaadida geela ku daaweeyaa cudurka kansarka beerka ku dhaco iyadoo uu ka qoray buugaag ku saabsan qaabka uu wax ugu daaweeyo, kana soo jeediyay khibradiisa shirar badan oo caalami ah, waxyaabaha uu profasoorka sheegay waxaa ka mid ah:
In kaadida iyo caanaha iskugu daro bukaanada muddo 4 illaa 5 bilood kuwaasoo uu sheegay inay kaga reesteen xanuunkaas, wuxuuna sheegay inuu isticmaalo caanaha geela qaalinta ah, wuxuuna baaris ku sameeyaa bukaanadiisa daaweynta ka hor iyo ka dib.

Dadka kale oo arintaan wax ka baaray waxaa ka mid ah cilmibaare u dhalatay dalka Sacuudiga oo lagu magacaabo "Prof. Axlaam Al-awadi" oo muddo diraaseynaysay sida kaadida geela loogu daaweeyo xanuunada maqaarka ku dhaco iyadoo ugu dambayntii ka samaysay daawo kareem ah oo la marsado laguna daaweeyay cudurrada Cambaarta, xasaasiyada maqaarka, findoobka, gubashada, cudurrada ciddiyaha galo iyo basada ee fangaska uu keeno iyo kansarka maqaarka.
Kareemkaas oo la aqoonsaday, fikradiisane lagana diiwaan galiyay hay'adda ilaaliso xuquuda fikradaha ee loo yaqaano: "World Intellectual Property Organization", waxayna cilmibaaristeeda iyo xaaladaha ay ku daaweysay ay ku soo bandhigtay shir lagu qabtay magaalada Geneva ee Switzerland, arrintaan oo ay ku muteysatay billad dahab ah sanadkii 2005.
Cilmibaaristaas waxay asal u noqotay cilmibaarisyo badan oo ku xigay laguna soo saaray shambooyin iyo kareemyo loo adeegsado caafimaadka tinta, tan oo la sheegay in tintu ay dheeraanayso, midab dhaldhalaal lehne ay yeelanayso, dad badanne ay hadda isticmaalaan.

Waxyaabaha kale ee la sheego in lagu daaweeyo waxaa ka mid ah cudurka macaanka, inkastoo aysan jirin cilmibaaris xaqiijinayso in lagaga bogsan karo cudurka oo idil, laakiin waxaa la ogyahay in caanaha iyo kaadida geela ay labaduba ku jiraan wax sokorta hoos u dhiga sida hormoonka Insulin-ka oo kale.
Sidoo kale way jiraan dad u isticmaala cudurka HIV-ga laakiin iyadane weli lama hayo cilmibaaris arrintaan xaqiijinayso, inkastoo ay jiraan dad sheegayo in macaanka ama cudurka AIDS-ka ay kaga bogsadeen cabista kaadida geela.!!!

Maxaa igu kallifay in aan arintaan hadda ka hadlo?
Muddo laga joogo 8 bilood, waxaan is baranay bukaan soomaali ah oo 36 sano jir ah oo horay u qabay cudurka Cagaarshowga Nooca B "Hepatitis B", wuxuu iila yimid matag badan, xanuun bogga ah, dhidid badan, cunno xumo iyo indhihiisa oo jaallo noqday, baaris ka dib waxaa la arkay in beerka uu ku leeyahay nabar, kaasoo ku sii faafayo labada qeybood ee beerka, waxaa nabarkii laga qaaday cad "Biopsy", waxayna natiijadii soo baxday ay noqotay kansarka beerka ku dhaca ee loo yaqaano "Hepatocellular Carcinoma", waana kansar lala xiriiryo Cagaarshow-ga B iyo C, maadaama kansarkiisa uu beerka badankiis wada gaaray, waxaa loo sheegay in xaaladiisu aysan qalliin geli karin.
Intaa kadib, wuxuu go'aan ku gaaray inuu talo badsado oo uu aado dalka India, si baaris labaad iyo xal kale u raadiyo.
Wuu ka soo laabtay dalka India, waxaana loo soo qoray daawo loo yaqaano "Sorafenib" oo la siiyo dadka aan kansarkoodu la qali karin, daawadaa oo la sheego inay xoogaa yarayso xawliga uu kansarka ku faafayo, laakiin waa daawo waxyeelladeedu badan tahay.

Markuu daawada laba isbuuc waday, ayaa la ii keenay isagoo ka sii daray oo korka oo idil wada bararay, baaris ka dib, waxaa la arkay in kilyihiisu ay sii hawlgabayaan, waana waxyeello ay keento daawada loo soo qoray.
Waxaan kula taliyay inuu daawada joojiyo maadaama kilyuhu halis ku jiraan, wuu iga yeelay inkastoo aanan xal loogu badalo aanan u haynin.

Iyadoo muddo iigu dambaysay ayuu si kadis ah iigu soo booqday isbitaalka, waaba isagii oo isbadalay, cayilay, qurxoonaaday oo niyadda u dhisan tahay.
Waan rumaysan kari waayay, markaan waraysatay wuxuu ii sheegay in muddo 3 bil ah uu baadiyaha ku maqnaa oo caano iyo kaadi geel la siinayay sidaasne alle ku caafiyay.

Waxaan kula taliyay in aan baaristii ku celinnno oo aan xaaladda beerka fiirinno, wuu iga yeelay oo baaristii beerka waxay noqotay dabiici!!.

Inkastoo aan maqli jiray in kaadida geela lagu daaweeyo cudurrada beer xanuunka, laakiin maalintaas ayaan xaqiiqsaday oo indhahayga ku arkay iyadoo aan la iiga sheekeynaynin, wuxuu yarkii ii sheegay in subax kasta uu cabi jiray caano iyo kaadi geel isagoo aan quraacanin.

Hadda isagoo caafimaad qaba ayuu joogaa, wuxuuna ii sheegay inuu soo ogaaday in dad badan oo xaalkooda laga quustay inay ku caafimaadeen kaadida geela!!.

Bulshada caafimaadka siday u aragtaa arrintaan?
Hya'dda "WHO" ma ogola in kaadida geela lagu daaweeyo cudur, dhakhaatiirta badankoodne ma aaminsano illaa dhowr qof oo tijaabin ama baaris ku arkay mooyee, kuwaasoo weli ay hortaallo caqabado xoog leh si ay caalamka uga dhaadhicin lahaayeeen waxtarka kaadida geela, Sacuudiga oo ah meelaha ugu badan ee cilmibaarisyada lagu sameeyay laakiin dowladdu ma ogola in si sharci ah kaadida geela loogu daaweeyo cudurrada la arkay inay wax ka taraan.

Gabagabo
Waxaa xaqiiqo ah in cudur waliba, daawadiisa uu alle dunida soo dajiyay siduu rasuulkeena suuban noo sheegay, daawadaas ha muuqato ama ha qarsoonaato, qofkii caafimaadka maanta dunida ka jiro xalkiisa ka waayo, yuusan naxariista alle ka quusanin ee haka tashto, waa mahadsan tihiin.

Akhriso Caanaha Geela iyo Kabniinka Lafaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6485.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com 


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106884
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64454
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29265
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53576
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34486
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca