Author Topic: Xambaarista Caruurta iyo Caafimaadka laga helo  (Read 27975 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xambaarista Caruurta iyo Caafimaadka laga helo
« on: May 02, 2016, 05:05:49 PM »


Ilmaha oo dhabarka lagu xambaaro ama lagu duudiyo waxay leedahay faa'idooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay in:
  • Xiriirka ilmaha iyo hooyada uu xoogeysto
  • Korriimada maskaxda ilmaha oo dhakhso korto maadaama uu aad uga war qabo wax waliba ay hooyadu samaynayso.
  • Ilmaha oo dhakhso ku socda markii loo fiiriyo ilmaha kale
  • Hooyada oo niyadda u dagan maadaama ilmaheedu ay sidato hadduu jiifo iyo hadduu soo jeedaba.

Intaas waxaa dheer oo aan rabaa in aan ka sheekeeyo xanuun loo yaqaano "Dabacsanaanta miskaha ey caruurtu ku dhashaan" caafimaad ahaanne loo yaqaanno "Developmental Dysplasia of the Hip", markii horane loo aqoon jiray "Congenital dislocation of the hip" waa cillad ku timaado sinaha dhallaanka, waana xanuun dunida aad ugu badan waxaana la qiyaasaa 1,000-kii caruurba inuu hal cunug kaga dhaco.

Cilladu waa meesha lugta iyo sinta iska galaan, ilmuhu way ku dhashaan, waalidkuna kuma baraarugo illaa ay garguurtaan ama istaagga damcaan, waxaana lagu fahmaa in sinta iyo lugta kala baxdo, waana halis oo cunugga inuusan socon ayaa laga yabaa oo uu u baahdo qalliin ama kabniin lagu xoojinayo kalabaxaas.

Marka ilmuhu lagu bilaabo in la duudiyo ama dhabarka lagu xirto inta aanan la gaarin waqtiga garguurashada iyo socodka, waxay xoojisaa miskaha iyo sinta meesha ay iska galaan, hadhowne ma kala baxaan markuu soconayo.

Arrintaan waxaa lagu baraarugay markii la isbarbardhigay wadamada ay cilladaani ku badan tahay iyo kuwa ay ku yartahay, waxaana la ogaaday wadamada ilmaha laga xambaaro in cilladaan aysan ka jirin, taasi ayaa kalliftay in xal sida xambaarista ah loo sameeyo ilmahaan intay yaryihiin, waxaana loo yaqaan "Pavlik harness", qofkii aan rabin in cunugiisa lagu xiro qalabkaan waxaa lagula taliyaa inuu duudsado ama xambaaro intii muddo ah.

Maxaa keeno cilladaan?
Cilladaan inkastoo si sax ah aan loo ogayn waxa keenay laakiin waxay ku badan tahay gabdhaha, ilmaha dhasho iyagoo dadban, ilmaha ugu horreeyo ee la dhalo, uurka biyuhu "Yix" ku yartahay iyo ilmaha dabo-keenka ah.

Talo:
Waxaan mawduucaan hadda uga hadlay maadaama xambaarista ilmaha oo caado noo ahaan jirtay in ay u egtahay in laga sii guuri rabo maadaama caruurtii la iskaga rido sariir, gaari ama kursi markii ay hooyadu howl heysato.
Arrintaan oo keeni karto cabsi ah in cilladaan bulshadeena lagu arki doono.
Waagii hore hooyooyinka way duudsan jireen caruurtooda markii ay howlahooda maalmeedka qabsan jireen sida markay badarka tumayaan, beerta falayaan, xaabada soo gurnayaan, xoolaha raacayaan ama cunnada karinayaan.
Taas oo ilmaha iyagoo aad u yaryar ka dhigtay waayo-arag ka war qabo nolol maalmeedka hooyadiis.

Sidee loo duudiyaa, goormaane lagu billaabaa?
Sawirka kore waxaa ka muuqdo 4 qaab oo caafimaad ahaan la ansixiyay in ilmaha loo xambaaro, waxaana lagu billaabaa 5 illaa 6 bilood, waxaana la wadi karaa illaa 2 sano, laakiin qasab ma ahan in mar kasta la xambaarsado.
Fadlan haddii ay tahay markii kuugu horaysay ee ilmaha la xambaarsado, iska ilaali in ilmuhu kaa fakadaan ee la kaasho qof kaaga waayo aragsan si laguugu xiro maalmaha ugu horreeyo.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55938
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudaradee laga talaalaa bilaheena la talaalaa?

Started by Awil5Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8689
Last post October 26, 2016, 06:39:23 PM
by SomaliDoc
Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 23658
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
Faa'iidada laga helay qandhada "Rifty Vally"

Started by DoctoorBoard Feel Free Here

Replies: 0
Views: 10266
Last post November 14, 2007, 12:30:34 AM
by Doctoor
Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18435
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc