Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Caruurta cunada la siiyo 6 bil ka dib?
(1/1)
Siham:
Asc wr wb Allaah ayaa Mahadsana bacden Dr Mahdi suasheda : waxey tahay dhagtar inooga soo Faidey caruurta cunada la siiyo 6 bil ka dib taas oo ku liitan somalida iney caruurta jadwal Ayn u siinin caruurta waqtigaas
SomaliDoc:
Fikradu waa in ilmaha lagu bilaaba cunno dheefshiidkooda u sahlan, hadane nafaqo leh oo isku-dheelli tiran.
Ku bilaw waxyaabo jilicsan sida bariis cad oo la radiiqay, caano fadhi ah, mushaari caano lagu jilciyay, khudaarta sida mooska, qaraha, karooto la kariyay, cabitaanka biyaha oo ugu dadaashid.
Tartiib tartiib ayaa caruurta ula qabsan doonaan cunanda guriga laga cuni, laakiin waxyaabaha aadan ku dagdaganyni waxaa ka mid ah hilibka, rootiga, waxyaabah xubuubta noolnool ka samaysan sida digirta IWM.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version