Author Topic: Ka Nadiifi Beerkaaga Wasakhda iyo Sunta  (Read 70178 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Ka Nadiifi Beerkaaga Wasakhda iyo Sunta
« on: May 06, 2016, 11:43:41 PM »


Bismillah..

Qoraalkaan waxaan kaga hadli doonaa cunnooyinka u roon caafimaadka beerka, cunnooyinkaas oo loo yaqaano "Liver Cleansers" oo ah macnaheeda cunnooyinka beerka nadiifiyo.

Beerka wuxuu ka mid yahay xubnayaasha jirka ugu muhiimsan, howshiisu waa in uu jirka ka caawiyo kala soocidda, wasakh ka nadiifinta cuntada, sun ka saaridda daawooyinka  iyo soo samaynta waxyaabo badan oo muhiim u ah jirka.

Maadaama ay aad u soo bateen cunista cunnooyinka dufanka ku badan tahay, cunnooyinka warshadaysan iyo cunnooyinka shiilshiilan, kuwaasoo culeys xoog leh saaro beerka markii wasakhda laga saarayo, waxayna keenaysaa in beerka ay shaqada ka badato, kadibne uu daalo ama shaqada yareeyo.

Sidaas awgeed, waxaa muhiim ah in qofka uu ku dadaalo cunooyinka beerka ku caawin karo in si sahlan jirka uu qashinka uga saaro, culeyskane beerka uu ka yaraado, sidaas ayaana cunnadaan loogu bixiyay cunnada beerka nadiifiso, waana ku waan:

  • Toonta: waxay ugu horaysaa cunnooyinka beerka nadiifiyo, waxay sare u qaadaa dheecaan burburiyaha beerka uu soo daayo taasoo keenayso in qashinka si sahlan loo saaro, waxaa kaloo toonta ka buuxdo labo maado oo loo kala yaqaano "Allcin iyo Selenium" waxayna beerka ku caawiyaan qashin saarka, akhriso qoraal aan kaga hadalnay xanuunada Toonta lagu daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6717.0
  • Bambeelmada: Waxaa aad uga buuxa fitamiin C iyo waxyaabaha qashinka saaro ee loo yaqaano "Antioxidants" hal koob oo cabitaanka bambeelmada ah wuxuu ku filan yahay in beerka uu ka caawiyo qashin saarka, haddii aad cunto mid ka mid cunnooyinka kor ku xusan.
  • Karootada: Waxay sare u qaadaa shaqada beerka iyo soo saarista waxyaabaha jirka uusan ka maarmin, waana maadada ku jirto karootada ee loo yaqaano "beta-carotene", akhriso qoraal aan kaga hadlay faa'idada karootada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5745.0
  • Shaaha Cagaaran: Waxaa ku jira maadada "Catechins" oo caan ku ah caawinta beerka iyo qashin saarka, faa'idooyin badan oo kalane jirka wuu u leeyahay ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6210.0
  • Avocado: Waa miro faa'ido u leh caafimaadka, waxaana ka buuxo maado loo yaqaano "Glutahione" oo muhiim u ah sun saarista beerka khaasatan midda daawooyinka, waxaan horay ugu hadalnay in avocado-ka uu ragga u roon yahay, kana mid yahay cunnooyinka caado wareerka looga hortago.
  • Tufaaxa: Waxaa ku jirta maado loo yaqaano "Pectin" waa maado dheefshiidka u roon, kuna caawiso mindhicirrada inaysan nuugin wixii jirka halis ku ah, marka waxay beerka ku caawinaysaa cunno laga soo reebay qashinkii in beerka la geeyo sdiaasne howsha ay ku yaraato.
  • Liin dhanaanta: Liintu waxay ka dhigtaa sunta mid ku milmi karto biyaha taasoo sahlayso in jirka si sahlan looga saaro, waxayne sare u qaadaa shaqada beerka, waana sababta loogu taliyo in qofka aroortii hore cabo cabitaan liin dhanaan fresh ah, akhriso faa'idooyinka kale ee liin-dhanaanta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6699.0
  • Kabajka: wuxuu sare u qaadaa howsha labo dheecaan burburiye "enzymes" oo howshoodu tahay in beerka ay qashinka ka saaraan, wuxuu kaloo leeyahay faa'idooyin kale oo badan ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6666.0
  • Koostada: Waxay ka mid tahay cagaarka beerka u roon, waxayna ku caawisaa beerka soo saarista dacarta ama qarasta beerka uu soo saaro taasoo muhiim u ah qashin saarka iyo dheefshiidka cunnada dufanka leh, koostada waxay kaloo leedahay faa'idooyin badan ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6452.0
  • Baamiyaha: Wuxuu jirka u leeyahay faa'idooyin badan, wuxuuna ku caawiyaa beerka inuu sunta jirka ka saaro, warbixin dheeraad ah ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6789.0

Waa muhiim in cunnadaas mid ama laba aad ku dadaashid cunisteeda ama cabisteeda, maadaama badankeed laga helo meelaha ay soomaalidu ku nooshahay.

Waxaan idiin rajaynayaa beer caafimaad qabo..

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Ma jira walaalayaal, dhakhtar Somaliyeed oo ku takhasusay sunta guud ahaan, gaar

Started by AoxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9125
Last post January 04, 2010, 09:37:14 PM
by SomaliDoc
Su'aal: See loola tacaalaa qof ku sumooday sunta jiirka?

Started by Cali YusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3857
Last post March 02, 2016, 12:53:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sunta lagu buufiyo beeraha iyo kansark?

Started by Koos axmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3600
Last post December 24, 2018, 09:16:28 PM
by SomaliDoc
Ku Dadaal Caafimaadka Beerkaaga (Qoraallo iyo Video)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 44632
Last post August 05, 2016, 02:45:23 PM
by SomaliDoc