Author Topic: Su'aal: Dhibatada ey leedahay biyaha chlorinka lagu daro?  (Read 25745 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hamda121

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhibatada ey leedahay biyaha chlorinka lagu daro?
« on: May 13, 2016, 06:59:24 AM »
asc dhamaan dhaqaatiirta salan kadib waxan rabaa inaad noga fa'ideysaan clorinka lagu darsanayo biyaha sameynta u cafimadka kuleyaha? madama ey aad u sticmalan soomaalida ku nol dalka wamahdsantihiin asc




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhibatada ey leedahay biyaha chlorinka lagu daro?
« Reply #1 on: June 01, 2016, 08:36:21 PM »


Kolariinta lagu daro biyaha meelo badan oo dunida ayaa lagu isticmaalaa oo haamaha biyaha lagu keediyo ayaa lagula daraa, kadibne biyihii oo la soo daaweeyay ayaa tubooyinka la soo mariyaa, laakiin soomaaliya maadaama uusan jirin badanaa nidaam biyo keydin dowlad ama xarun caafimaad maamusho, waxaa loo qybiyaa dadka budo ama kaniini kolariin ka samaysan oo biyaha la cabo lagu darsado.

Kolariinta waa jeermis dile loogu talagalay inay biyaha lagu sifeeyo, laakiin cabbir loogu daro biyaha ayaa jiro, haddii si qaldan loo isticmaalo waa lagu sumoobaa oo waxaa la dareemaa wadna garaac, feero xanuun, indho cuncun, qufac iyo dhaqaska oo qofka ku dhago.

Maadaama daawadaan aanan looga maarmin dhinaca caafimaadka, waa in cabbirka saxda ah loogu darsadaa biyaha, hay'adaha keeno wadankane waa in sharaxaad waafi ah ka siiyeen dadka loo qeybinayo ama soo gadanayo.

Akhriso Faa'iidooyinka Caafimaad ee Cabitaanka Biyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5971.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 107003
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64486
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29301
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53663
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34567
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca