Author Topic: Su'aal: Ma runbaa in qoondarka ay ku jiraan maadooyin sun ah?  (Read 3205 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Iraado Macalin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
asc, waad ku mahadsantahay sida fiican ee aad iigu faahfaahisay Faa'iidaad qoondarka laakin waxaan aqriyey qoraal kan ma runbaa
Waxaa midhahan ku jira maaddo khatar caafimaadka gallin karta. Maaddaan oo magaceeda la yidhaahdo Cyanogenic glycosides.Ayaa waxa ay isku badashaa Cyanide (HCN) oo ah maaddo aad khatar uggu ah caafimaadka. Maaddadani ma dhallato haddii qiyaas sax ah laga cuno, hadii aan midhaha la burburin iyo haddii midhaha la dubo ama la salloolo inta anaan la cunin ka hor. Madaadani waxa ay keeni kartaa khatar dhimaasho gaadhi karta. Maadama waxyaabah ugga badan ee ay gaysan kartaa uu yahay in qofka neeftu ka xidhanto oo sun badani jidhka ku furanto
NB: waxaa kaloo qoraalkaas  ka mid ahaa
Habka uugu haboon ee loo isticmaalli karo midhaha flax seed:

– Markeedda hore laba qaado ka badan lama isticmaalli karo maallintii qofka wayn
– Ilamaha yaryar ee 2 yrs ka yar lama siin karo
– Ilama 2 yrs ka wayn ugu badnaan qaado baa maallintii ku filan
– Midhahan ha tumin
– Ha ridqin
– Ha jajabin
– Siddooda ku cun
– Ama
– Biyo kuradi oo waxa ay isku badalli doonaan gelle oo kalle, kadibna isticmaal
– Waad jajabin kartaa waanad sallooli kartaa ama dubi kartaa 20 min 90-100 degree ovn ka ama maaqle ku dub. Marka la dubo ee dabka lagu gubo sunta ku jirta ayaa dhimanaysa.. Marka la dubo haddii la ridqo oo budo laga dhigo ama la tumo wax khatar ah malleh maadama dabku gubay suntii ku jirtay.
– Waxaa lagu darsan karaa cunto nooca aad doontid, xitaa roodhiyaha la dubayo. Muhiimadu waxa weeye uun in aad raacdid dariiqa saxda ah.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ma runbaa in qoondarka ay ku jiraan maadooyin sun ah?
« Reply #1 on: June 03, 2016, 08:37:17 PM »
Waa sida aad tilmaantay, maadadaas kuma jirto qoondarka kaliya oo geedo badan ayaa laga sheegaa, laakiin weli iyadoo qof dhibaato u gaysatay lama arkin, waa cabsi la sheego inay dhici karto haddii aad loo badsado isagoo sida aad sheegtay la marin dab, geedaha kale ee maadadaan laga sheego waxaa kam id ah Moxoga, Qasabka, miraha tufaaxa iyo kuwa kalaba.

Waana sababta ay u haboontay in qoondarka la saloolo ama la dubo, mahadsanid
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Ma jiraan nabaro ka soo baxa lugaha xiliyada qaboob ka?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9753
Last post November 01, 2011, 10:14:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraan diinsiga xanuuno laga qaado?

Started by KaltuunBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4067
Last post October 02, 2016, 08:50:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay faa'iidada FLAXSEED/qoondarka?

Started by Iraado MacalinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 36819
Last post May 16, 2016, 05:38:10 PM
by SomaliDoc