Author Topic: Ogow Sababta ay Kaneecadu kuu Jeceshahay!  (Read 85871 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Ogow Sababta ay Kaneecadu kuu Jeceshahay!
« on: May 21, 2016, 04:51:50 PM »


Bismillahi,

Waa arrin jirta in kaneecadu ay dadka qaar ka hesho, kuwa kalane ay neceb tahay inay qaniinto.

Sida la ogyahay, kaneecadu qofka iskama qaniinto, waxay qaniintaa kaliya markay u baahan tahay dhiig bini'aadan si ay ugu bacriso ukumaha ay xambaarsan tahay.
Alle wuxuu kaneecada siiyay awood aragti iyo mid urin heer sare ah oo ay ku kala soocato dadka ay u baahan tahay inay dhiiga ka nuugto.

Sidaas awgeed, dhiigga ay u baahan tahay waa inuu noqdaa dhiig iyada iyo ukumaheeda caafimaad u leh oo ay xiisaynayso, sida qofkaba uga fogaado cunnooyinka qaar oo uusan ka helin ama uu dhibsanaayo.

Maxay tahay waxa ay qofka ku doorato?
Waa su'aal aad u muhiim ah oo cilmibaarayaashu ku bixiyeen waqti dheer si ay u ogaadaan sirta ka dambayso arrintaan, way jiraan waxyaabo la ogaaday, laakiin waa arrin weli u baahan in si qoto dheer ah looga sal gaaro.
  • Hiddaha: Boqolkiiba 85% waxaa mas'uul ka ah genes-keena ama hidda raaceena ama abuursiteena.
  • Dufanka Kolestaroolka: Dufankaan hadduu ku badan yahay maqaarka waxaa la arkay in kaneecadu ay aad u jeceshahay, laakiin qasab ma ahan in haddii dhiigga laga baaro in kolestaroolkaagu kacsanaado.
  • Aashitada Uric / Uric Acid: waa walax kale oo jirka soo saaro, qofkii ay ku badan tahay, waxaa la arkay in ay kaneecadu jeceshahay, waana wax ay aad u uriso.
  • Hawada Carbon-ka: dadka soo saaro hawadaan "carbon dioxide"-ka iyadane aad ayay u jeceshahay inay soo ag dhoobato.
  • Aashitada Lactic / Lactic Acid: waa maaddo jirka uu soo saaro, dadka qaar ayaa dhididkooda maadadaan aad looga helaa, waxayna ka mid tahay waxyaabaha kaneecad soo jiito.
  • Nooca dhiigga: Inkastoo dhiig walba ay kaneecadu nuugto laakiin waxaa la arkay inay aad u sii jeceshahay dhiigga nooca "O"
  • Khamriga: waxaa la arkay in kaneecadu ay jeceshahay in ay cunto dadka caba khamriga nooca "beer-ka" loo yaqaano.
  • Cudurka: cudurrada qaar qofkii qabo ma cunto kaneecada iyo haddii qofku ay ku badan tahay bakteeriyada qaar oo mas'uul ka ah inay soo saarto walxo laga carfin karo dhididka qofka.
  • Dharka: waxaa la arkay in kaneecadu ay soo jiidato midabka madawga iyo gaduudka, marka dadka labisan dharka midabadaas leh, kaneecada way soo jiitaan.

Intaasi waa inta illaa iyo haddal ogyahay, laakiin cilmibaarisyo kala duwan ayaa socda si warbixin dheeraad ah looga helo sirtaan.

Fadlan haddii aad tahay dadka kaneecadu jeceshahay, ka xiro sansayeeri ama shandarawad si aysan kuu qaniin, isticmaal kareemyada ama saliidaha la marsado oo ay kaaga carari karto, qolka ama guriga ku qiiqi geedaha qaar ay aad u necebtahay sida geedka baxar-saafka.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Gaaska bactera-yada sababta ama Gaas calooleed?

Started by HanadhaliyayBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7597
Last post June 05, 2016, 07:59:59 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxay tahay sababta dooliga loogu tijaabiyo?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3765
Last post January 07, 2019, 04:29:56 PM
by SomaliDoc
Ogow waxa uu yahay "Ummu-Sibyanka"!

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 291284
Last post December 05, 2018, 08:41:26 PM
by SomaliDoc
Sababta Hooyada in Ilmaha lagu qalo

Started by Hibo jannoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4838
Last post March 28, 2019, 08:34:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Kaneecadu ma gudbisaa cagaarshowga?

Started by Akhaa Binu JowhariBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 3703
Last post December 02, 2018, 11:26:41 PM
by Akhaa Binu Jowhari