Author Topic: Ku jooji dhiigbaxa fudud si dabiici ah (Qoraal muhiim ah..)  (Read 33464 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association


Bismillahi..

Waa mahadsan tihiin dhamaantiin intii ka qeyb qaadatay ka jawaabista su'aashii ahayd: "Maxaa dhiigbaxa fudud ku joojisaa markii ay gacmaha wax kaa jaraan adigoo guriga jooga?

Dhammaantiin waxaad tilmaanteen waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin caleenta shaaha, qaxwada, malabka, liinta, toonta, basbaaska, dhuxusha, barafka iyo kuwa kale.

Waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa kaliya walxaha dhiig-joojinta loo adeegsado oo guryaha laga helo iyadoo aan sharxayno sababta dhiigga loogu joojiyo.
Way jiraan daawo dhireed badan oo laga helo dhulkeen miyiga oo caan ku ah dhiig-joojinta iyo xinjiroobista dhaawacyada, kuwaas waqti kale ayaan ka hadli doonaa.

Laakiin waxaa muhiim ah in qof waliba uu ogaado in alle ugu talagalay in dhiigga uu iskiis u istaago oo uu u baahan yahay kaliya in la cadaadiyo meesha dhaawaca kaa gaaray, haddii dhiigga uu iskiis u xinjiroobi lahayn, waxyaabahaan aan hoos ku xusay waxba ma tareen.

Marka hadduu dhaawac fudud meel kaa gaaro, fadlan cadaadi oo farta ku hay inta uu ka xinjiroobayo oo ka istaagayo, haddii aadan haysan waxyaabahaan hoose.

  • Caleenta Shaaha / Qaxwada: waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu caansan ee loo adeegsado dhaawacyada fudud si dhiigga loogu joojiyo, sababtuna waxay tahay in ay ku jirto maaddo loo yaqaano "Tannins" oo si dhakhso ah dhiigga xinjir ugu samayso, meelaha badanaa loo adeegsado waa ciridka iyo ilkaha in la saaro khaasatan markii ilkaha la bixiyo.
  • Basbaaska gaduudan: wuxuu ka mid yahay waxyaabaha sida dhakhsiyaha ku istaajiyo dhiig-baxa, sababtuna waa isagoo ka xira qulqulka dhiigga ee soo gaarayo meesha dhaawaca ah, sidaasne uu si dhakhso ah xinjir ugu samaysanto, ogow basbaaska kuma gubanaysid markaa sidaan u isticmaashid, basbaaska wuxuu kaluu leeyahay faa'idooyin badan oo aan horay uga soo hadalnay, waxaana ka akhrisan kartaa link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6606.0
  • Dhuxusha: waxaa kumaneeyo sano loo adeegsan jiray ku dhayista dhaawacyada iyo nabraha iyadoo caan ku tahay in wasakhda iyo jeermiska ay ka nuugto nabraha caabuqay, waxaa kaloo loo adeegsadaa in la cabsiiyo iyadoo daawo laga dhigay dadka sunta caba si sunta uga ilaaliso in jirka ay ku faafto, laakiin weli safiican looma fahansana qaabka ay dhiig-baxa u joojiso, dad badan oo isticmaalane way jiraan.
  • Liinta: waxaa aad uga buuxo fitamiin C oo muhiim u ah caawinta dhaawacyada maqaarka, hadduu dhaawac ku gaaro, waxaad ku dhiijisaa liin dhanaan, tan waxay ka caawinaysaa in dhiigga istaago, nabarkane uu bogsado, aashitadane ay jeermiska ka disho, akhriso qoraal aan uga hadlay faa'iidooyinka liin dhanaanta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6699.0
  • Gallayda: budada gallayda la shiiday waxay dadajisaa xinjiroobista dhiigbaxa fudud khaastana dhaawacyada soo gaaro cidiyaha, haddii ciddida ay ku dhiigayso, ku dul shub budada gallayda, waxaad arki doontaa dhiiggii oo si degdeg ah u istaagay.
  • Biyaha qabow iyo barafka: waxay joojiyaan dhiigbaxa fudud, iyagoo cadaadiya xididada dhiigbaxa wada, sidaasne uu ku istaago.
  • Malabka: waa dhiig joojiye, caabuq dile iyo nabro bogsiiye, waa daawo la isku raacsan yahay inay ka qatarsan tahay qallajiyayaasha, horayne dhowr jeer aan uga hadalnay ee warbixin dheeraad ah ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6078.0
  • Toonta / Tuunta: waxay ka mid tahay waxyaabaha nabraha u fiican, waxay ku caawisaa unguyada xinjiroobista u qaabilsan inay isu soo aruuraan oo isu-dhaggaan si dhiigbaxa u istaago, waxay kaloo howlgalisaa unugyada difaaca jirka si ay uga hortagaa caabuqa ka dhalan lahaa dhaawacyadaas, akhriso faa'idooyinka Toonta oo faahfaahsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6717.0
  • Huruud: waa dhir daaweed dhulkeena ka baxa, waana dhiig-joojiye degdeg ah, wuxuu kaluu leeyahay faa'idooyin caafimaad oo tira badan, haweenkeena waxay u adeegsadaan qurxinta jirka, cunnadane waa lagu daraa oo lagu carfiyaa khaasatan bariiska, xanuuno badan oo lagu daaweeyane way jiraan, qoraal u gooni ah ayaan uga soo hadli doonnaa insha'llah.
  • Sokorta iyo Cusbada: iyaguna waxay ka qeyb qaataan joojinta dhiigbaxa fudud.

Way dhici karaan in waxyaabo kale ay jiraan, laakiin intaan ayaa ugu caansan waxyaabaha guriga laga helo, loona adeegsado joojinta dhiigbaxa fudud.
Dad badan ayaa tilmaamay barafuunka iyo cadarka inay nabraha ku buufiyaan, waxaan idinkula talin lahaa in aad ka fogaataan, waa sax aalkoloada ku jirto barafuunka iyo cadarka inay jeermis dile tahay, laakiin waxaa kaloo ku jirto kiimikooyin kale oo halis caafimaad ku gelin kara haddii jirka gudaha u galaan, dadka qaarne ay xasaasiyad ka qaadaan oo keeni kara in nabarku fashfasho ama bararo ama faafo.

Ogow hadduu dhaawac fudud ku gaaro, marka hore biyo raacsii meesha kaa dhaawacantay, kadibne cadaadis saar muddo 15 daqiiqo ah, korne u haay si qulqulka dhiigga uu dib ugu hakado, hadduu dhiigbaxa intaa ku istaagi waayo fadlan la xiriir xarumaha caafimaad.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Shahwada inee bananka uso daadato markasto, dabiici miyaa?

Started by IlhaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 30201
Last post June 26, 2015, 02:38:58 AM
by Cali Asaaro
Su'aal: Xiniinyaha raga miyey kala weynaan karaan si dabiici ah?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18419
Last post January 07, 2012, 02:02:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Laleelmo maxa dabiici aha lagu daweyn karaa?

Started by ZujrBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4012
Last post May 22, 2016, 07:44:34 PM
by SomaliDoc
Ilkaha Magarta Leh (Ilko Digirka) - Qoraal Cilmibaaris Ah.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 41035
Last post March 11, 2016, 09:48:07 PM
by SomaliDoc
Dooggu Muxuu Caafimaadka u Taraa? - Qoraal Xiiso Leh

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 25709
Last post November 07, 2018, 01:35:29 PM
by Ahmed_Carab