Author Topic: Daryeelka ilkaha ilmahaaga  (Read 14690 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Daryeelka ilkaha ilmahaaga
« on: February 28, 2008, 07:51:54 PM »
Maxay Ilkaha cunugu muhiim u yihiin?
Ilkaha (asaasiga) ugu horreya ee cunugu waxay ku soo baxaan ilaa lix bilood.
Waxaa jiri doona 20 ilkahaas u horreeya ah.
Ilkaha canugaagu waxay siiyaan awooda cunida iyo calalinta, waxayna ka caawimaan daamanka iyo wajiga kana caawimaan inay si caadi ah u koraan una celiyaan boos ilmaha (joogtada ah) rasmiga ah.
Ilkaha asaasiga ahi waa muhiim inay horseedaan meelna u hayaan kuwa rasmiga ah.
Ilkaha joogtada amaba rasmiga ahi badanaa waxay ku soo baxaan shan ilaa lix sano gudahood.
Caafimaadka wanaagsan ee afka ilmuhu waa caafimaadkiisa guud.
Ilkaha asaasiga ahi waxay u baahan yihiin in loo ilaaliyo sida loo ilaaliyo kuwa joogtada ah.
Ilkaha oo qurmaa waxay keenaan in ilka caanoodku xumaadaan waxayna sababaan dhibaatooyin dambe.

Waa maxay xumaanshaha iligu?
Xumaanshaha iligu waa caam, laakiin si sahlan ayaa looga hortegi karaa.
Waxaana sababa dabar ku dhegan ilkaha.
Taasna waxaa dhaliya markii bakteeriyo dabar ahi ay sonkorta u bedesho aysiid (acid).
dabarku waa adag yahay biya raacisna laguma goyn karo.
Sida ugu fiican oo lagu goyn karaana waa buraash iyo faloos (xariga ilkaha dhexdooda lagu nadiifiyo oo soo gooya dabarka ilkaha kala dhexgala) joogta ah.
Aysiidhku wuxuu ku dhaliyaa ilkaha godad.
Ilkaha xumaanshadoodu waxay ku xiran tahay inta laga cuno sonkorta ama wax macaanka.
Sonkorta waxaa laga hellaa caanaha, cabitaanka, furutka (cabitaanka la macaaniyey) iyo cuntooyinka kale ee macaan.
'Infant feeding caries' waa hab ay ku xumaadaan ilkuhu waxaana dhaliya nuugida joogtada ah ee dhalada carruurtu nuugto oo lagu dhibciyo waxyaalla macaan sida malab ama dhalada caanuhu ku jiraan, biyaha furutka ama cabitaan macaan.
Waxaa fiican in ilmahaagu aanu dhala sariirta la aadin. laakiin haddaad samayso xaqiiji inay biya keli ahi ku jiraan, xasuusona inaad ka qaado dhalada marka ilma haagu gam'o.
Fluoride-ka ku jira biyaha ayaa masuul ka ah soo fiicnaanta caafimaadka afka ilmaha.
Fluoride-ka lagu daray biyaha, iyo fluoride-ka ku jira daawada ilkaha, ayaa yareeya fursada ilkuhu ku xumaadaan.
Fluoride siyaada ah ayaa laga yaabaa inay u baahdaan carruurta khatarta ugu jirta in ilkahoodu xumaadaan kuwaas oo ku nool meelaha dadku aanay hellin biyaha ay ku jiraan fluoride.
Waalidku waa inay kala hadlaan dhakhtarka ilkaha sidii ilmuhu fluoride siyaada ah u helli lahaa.

Sida loo ilaaliyo ilkaha ilmaha
Waqti hore bilaw dabeecada wanaagsan
Caafimaadka iliga asaasiga ah iyo gawsku way koraan marka dabeecadaha wanaagsan la bilaabo ilmaha noloshiisa hore.
Dabeecadahani waa:
• Cuntada-qiyaasan – waxaa aad u fiican in la xadadu inta jeer ee sonkorta la cunayo maalinimada lana yareeyo waqtiyada cuntada
cuntooyinka sonkorta leh.
• In la siiyo ilmaha biya caadi ah intii laga siin lahaa biyo qasan (casiir), cabitaanka furutka ama cabitaanada ay ka midka yihiin kooka, faanto iwm.
• Ilkaha oo joogta loo nadiifiyo laba jeer maalintii iyadoo la isticmaalayo fluoride awoodeedu hoosayso.
• In la isticmaalo biya lagu daray fluoride.
Nadiifi ilmahaaga ilkahiisa Bilaw inaad nadiifin ku bilawdo ilmahaaga ilkahiisa markay soo baxaanba.
Cunugaaga ilkahiisa waa la nadiifin karaa iyadoo lagu rugayo shumaanka yar ee wajiga.
Marka ilmuhu jiro 12 bilood ku bilaw buraashka ilkaha.
Waa inay ahaadaan ilka leh xajmi fiican oo dhalaalaya.
Nadiifi ilkaha ilmahaaga laba jeer maalintii hal mar quraacda ka dib, dabadeedna inta aadan seexin ka hor.
Ku bilaw daawada fluoride-ka awoodeedu hoosayso qiyaastii marka ilmuhu laba sano jiro.
Waxaa fiican in ilmuhu aanu liqin daawada ilkaha.
Mari in yar oo fluoride ah daawada ilkaha buraashka dushiisa.
Carruurta ka yar laba sano, ugu qoy buraashka biyo.
Weydii dhakhtarka ilkaha inuu ku tuso sida aad u caawimi karto ilkaha buraashka ilmaha.
Carruurta yar yari wax adag ayay u arkaan nadiifinta ilkaha.
Waxaad u baahan tahay inaad caawinto dhowr sano ilaa aad ka hubsato inay ka adag yihiin nadiifinta.
Isticmaal xariga ilkaha dhexdooda lagu nadiifiyo Xariga ilkaha (dental floss) waxaa loo isticmaalaa nadiifinta ilkaha dhexdooda.
Nadiifinta ilkaha dhexdoodu aad ayey muhiim u tahay marka ilkuhu isku dhow yihiin.

Nadiifinta ilkaha
Nadiifinta ilkaha dhexdooda oo carruurta yaryari wuxuu noqon karaa mid adag laakiin waa istaahilaa, khaasatan carruurta u badan in ilkuhu ka xumaadaan.
Marka la booqanayo dhakhtarkaaga ilkaha Dhibaatooyinka ilkaha caananuugu waxay waxyeello u geysan karaan ilkaha qaangaarka ah. Dhakhtarka oo si joogta loogu tagaa waxay caawimi katraa inay xaqiijiyaan caafimaadka ilkaha.
Waxay kaloo kuu masaabaxdaa in ilmuhu la qabsado tegida dhakhtarada ilkaha, ilmuhuna dareemo kalsooni arrintaan ku saabsan.

Ha sugin dhibaatada.
Baaritaanka joogtada ah ee ilmuhu waa muhiim.
Diiwaanka Caafimaadka ilmuhu waxay ku taliyaan in la baaro laba jeer 3.5 sanoba hal mar.
Kalkaaliyaha caafimaadka hooyada iyo ilmaha, dhakhtarka ilkaha, dhakhtarka daaweynta ilkaha iyo dhakhtarka carruurta ayaa tan samayn kara.
Laga bilaaba xilliga dugsiga, waa in halkii ama labadii sanaba mar la tagaa.
Booqo dhakhtarka ilkaha haddii ilmahaagu qabo:
• Ilig-xannuun – tan waxaa dhaliya ilkaha oo xumaada wuxuuna keeni karaa iliga oo ka-soo bax ku dhasho ama abuurmo.
• Ciridka oo dhiig ka yimaado – tan waxaa dhaliya nadiifinta ilkaha oo aan haboonayn, buraashida ilkaha ayaa dhalin karta in ciridka dhiig yari ka yimaado kaas oo ah caadi.
Infakshan fayraska ayaa ka dhigi kara ciridku inuu xannuuno oo dhiig baxo.
Haddii dhiigbuxu aanu istaagin arag dhakhtarkaaga ilkaha.
• Jugta ilkaha – tan waxaa dhalin kara dhaawacyada wajiga ku dhaca.
Tala weydii dhakhtarkaaga, ama qaybta xaalladaha degdega ah ee isbitaalka.

Haddii iliga caana nuuga ah la soo tuuro
1. Ha ku celin halkii iligu ka soo dhacay.
2. Raadso talo ku saabsan sida ugu dhaqso badan – qaad wax kasta oo ka yimid ilkaha wax gaareen.
Raajo ayaa laga yaabaa in laga qaado ilmaha si loo xaqiijiyo haddii iliga rasmiga ahi (iliga dadka u soo baxa caana-nuuga ka dib) dhaawacmay ama ka wareegay booskii hore isla markaana aanay jirin wax iliga ah oo soo goáy oo galay meela ka mid ah afka.

Haddii iliga rasmi ah (iliga soo baxa caana-nuuga ka dib) la soo tuuro isla markiiba waa lagu celin karaa meeshii iligu ka dhacay wuxuuna haystaa fursad aad u weyn inuu halkiisii ku negaado.
Daqiiqad kasta oo iligu halkiisii ka maqan yahay waxaa yaraada fursada lagu badbaadin karo.

Talada la xiriirta ilkahana waa in la hellaa isla markiiba.
Waxa ugu horreeya ee la samaynayo
1. Hel iliga.
2. Iliga ka qabo madaxa, jirida ha ka qaban.
3. Haddii iligu salka ku leeyahay haraadi , si tartiiba ugu dhaq caano ama biya cusba leh muda ilmiriqsiya keliya ah.
4. Ha isku deyin inaad iliga u tirtirto ama u nadiifiso si siyaada ah.
5. Ha u ogolaan in iligu qalalo.
6. Ku celi iliga halkiisii haddii qofku miyir qabo isla markiiba.
Xaqiiji inaad iliga u geliso sida saxda ah adoo u fiirsanaya ilkaha kale.
Ku qabo iliga halkiisii adoo iska xejinaya xaashida almuuniyamka ka samaysan ama masar.
7. La xiriir ilka-yaqaankaaga isla markiiba. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato irbada teetanada.

Haddii aadan ku celin karin iliga halkiisii:
1. Ku dahaar xaashida almuuniyamka ka samaysan ama ku xafid weel caana ku jiraan, ama cusba qasan oo caadi ah.
2. Raadso caawimaad dakhtar isla markiiba, maadaama ay muhiim tahay in iliga la bedeli karo sida ugu dhaqsaha badan.

Daboolaha ilkaha
Daboolayaasha ilkuhu waxay xafidaan carruurta ilkahooda rasmiga ah.
Xafidayaasha waxaa la mariyaa gawsaha waaweyn si looga joojiyo cuntadu inay ku ururto ilkaha dushooda.
Carruurta oo dhami uma baahna in la daboollo balse weydii dhakhtar ilkaha markaad aragto.

SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Daawada lagu cadeysado oo ilkaha lagu nadiifiyo?

Started by Mo DigdigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12151
Last post June 23, 2016, 12:37:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal:- Sidee Ayaa Ugu Fuduud Oo Laysaga Nadiifin Karaa Ilkaha Magarka leh?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22608
Last post December 05, 2011, 11:25:44 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Burushka lagu cadaydo ilkaha dhibaato miyuu u gaysan karaa?

Started by Maxammed Siciid AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8070
Last post May 11, 2015, 02:50:20 PM
by SomaliDoc
Ilkaha Magarta Leh (Ilko Digirka) - Qoraal Cilmibaaris Ah.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 41038
Last post March 11, 2016, 09:48:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan rabaa inaan ilkaha ku xidho birta?

Started by DalxaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8980
Last post May 20, 2016, 09:18:01 PM
by SomaliDoc