Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Hindhisada oo leysku celiyo?

(1/1)

Diihaal Guuto:
Asalaamu caleykum dr.
Waxaa jira dad marka ay yara sanboraan hindhisada isku celiya ayagoo aamin san iney ku yareyn karaan in sanborku ku sii darnaado xiligaas.
Hada ka hor ayaan meel ka akhriyey in hindhisada leysku celiyo ay keeni karto dhibato ay ka mitahay iney dhici karto in madaxa dhiig kaaga furmo lkn meshaas aan ka akhriyey kuma kalsooni.
Waxaan rabilahaa marka inaa bal arinkaas ka hadashid dr
mahadsanid

SomaliDoc:
Waa arrin jirta mana fiicno caafimaad ahaan in hindhisada la isku ceiyo laakiin dhiig maskaxda kuma furto, dhibaatada ay keento waxaa ugu horayso inay dhagaha dullaacaan oo xuubka maqalka wax gaaro khaasatan haddii aad hindhisada isku celisid afkaaga oo xiran, waxaa kaloo cadaadiska sanka aad ku xirtay dib ugu laaban karaa sanqaroorka oo dhawac gaarsiin karaa, waxaa kaloo la sheegaa inkastoo aan la arkin in xidada maskaxda uu xinjir ku samayn karo, sidaa daraadeed waxaa haboon in si dabiici ah u hindhisooto oo maro afka saaratid, weligaana ha isku celin.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version