Author Topic: Su'aal: Sideen isaga daweyn karaa Cijiyaha oo jirka gala?  (Read 52498 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Kurtun2016

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Sideen isaga daweyn karaa Cijiyaha oo jirka gala?
« on: May 28, 2016, 10:44:17 AM »
ASC waxaan salaamayaa dhammaan xiriirka dhaqaatiirta soomaaliyeed waana uga mahad celinayaa kaalinta ay u hayaan bulshada soomaaliyeed.

intaasi kadib waxaan rabaan in su'aashan laygaga jawaabo

1-muddo afar sanadood ah waxaa dhibaata igu haya cidiyaha suulasha oo jirka dhinac ka gelaya wax ka badan 5 mar ayaan iska bixiyay cijada suulka marwalbana waa iga bushiyaan jirka balse marka aan bixiyo waan bogsoodaa
haddaba sideen ugu dabar jari karaa cudurkaas.

FG Culeyskayga waa 74 Kiilo




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sideen isaga daweyn karaa Cijiyaha oo jirka gala?
« Reply #1 on: June 18, 2016, 03:19:19 PM »


Bismillahi.

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa cillad aad ugu badan bulshada, waana cijida dhexgasho hilibka suulka taasoo keenayso in suulku bararo, xanuun siyaadane la dareemo.

Waa maxay cijida suulka dhex gasho?
Waa cillad aad u badan waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Ingrown Toenails" oo ah macnaheeda cididada oo gudaha u baxdo, markii cididda gudaha u dheeraato waxay dhaawac gaarsiisaa hilibka suulka, tan oo marka hore loo dareemo barar ahaan laakiin isku badali karto caabuq loo yaqaano "cellulitis", waxaa dhici karto in suulku malax gasho.

Maxaa keeno cijada gudaha u korto?
  • Dhaxal: ciddida oo gudaha u korto badanaa waa arrin la kala dhaxlo, hadduu waalidkaa qabo, waxaa dhici karto adigane in aad isku aragtid.
  • Ciddiyo jarista: qaabka loo jaro ciddiyaha waxay ka qeyb qaadataa in ciddidu qaab khaldan u dheeraato sidaasne ay dhaawac ugu gaysato hilibka suulka, ku dadaal in aadan sakiin isticmaalin markaa ciddiyaha iska jaraysid, iska ilaali in aad dhaawac gaarsiisid hilibka suulka.
  • Kabaha ciriiriga ah: kabaha kugu dhaggan waxay keenaan inay cadaadiska cijida ku hayso hilibka suulka inay kordhiyaan, tanoo u sahlayso in dhaawac ka dhasho, ku dadaal in kabuhu aysan cadaadis ku haynin faraha.
  • Socodka khaldan: dadka qaar waxay leeyihiin socod qalloocan ama istaagni qalloocan, tan waxay keenaysaa in faruhu qalloocdan sidaasne cidiyaha qaabka ay u baxayeen inay isbadalaan.
  • Macaanka: dadka qaba cudurka sokorowga ah way kaga nugul yihiin dadka kale inay ciddidu dhaawacdo hilibka suulka.
  • Cillada cidiyaha: haddii ay jirto cillad aad ku dhalatay ama aad kasbatay oo cidiyaha ah waxay keeni kartaa in cidiyuhu hilibka dhexgalaan.
  • Dhididka badan: waxaa kaloo la arkay dadka aad uga dhidida lugaha inay cilladaan ku badan tahay.
  • Bararka cagta: hadduu barar cagaha jiro waxay keentaa in hilibka ku soo durko ciddida barar awgiis sidaasne dhaawac ku gaaro.

Cilladaan farahee ku dhacdaa?
Wuxuu badanaa ku dhacaa suulasha cagta khaasatan dhinaca gudaha xigo, wuxuu kaloo ku dhici karaa faraha kale ee jirka.

Astaamaha lagu garto in suulka caabuq qaaday:
Waxaa ugu horayso barar, gaduudasho, xanuun iyo daqnasho, ur ama dheecaan ka yimaado, waa in aad dhakhtar u tagtaa sida ugu dhakhsiyaha badan si uusan caabuqa u faafin.
Iska ilaali in aad qoddo ama wax geliso meesha dhaawaca ah way ka sii dari kartaa maadaama infekshanka uu u gudbi karo meelo kale oo caafimaad qabay.

Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Daawayntu waa laba nuuc hadduu barar kaliya ay tahay, welina aysan jirin astaan malaxaysi ah, waxaa la isticmaalaa daawo qalaljiyayaal ah, kaniini ama kareem, lugtane kor ayaa loo qaadaa, kabaha xirane waa laga fogaadaa, hadduu dhakhtarka ku taliyo qalliin sida caabuq malax leh ama cilladaan oo soo noqnoqto mar waliba waa in ciddida hilibka gashay la jaro, wasakhda ku jirtane laga soo saaro.
Wixii faahfaahin intaa dheer kala tasho dhakhtarkaaga.

Sidee looga hortagi karaa?
  • Ka fogow xirashada kabaha ciriiriga ah
  • Hilibka suulka ka riix cidida adigoo gacaantaada ku daliiga, isticmaal saliid macsaro.
  • Iska ilaali in aad dhaawac isgaarsiiso markaa cidiyaha jaranaysid
  • Haddii aad ka shakisid in ciddidu ay hilibka dhaawacayso, ka fogow kabaha xiran maalmahaas si dhididka uusan gudaha u galin, cagta nadaafadeedane ku dadaal.

Akhriso qoraal ku saabsan waxa cididiifka loo yaqaano: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5746.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: