Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Cudurada caloosha?

(1/1)

Mohamuud134:
asc Dr. marka kowaad waxaan kaaka mahadcelinaya sida wanaagsan oo islaanimada kusalaysan oo dadka aad uugasoo jawaabtan su'aalahooda marka aan  ugudbo suaasha  aan qabo. Dr waxaan isku arkay calool fadhiso si kasto oo aan u isticmaalo fruitka wax is badal iskuma arkin waxaa ii dheer in aan lalaboodo marka aan subixii carabka cadeenayo, ACNE oo ika soo baxay dhabarka xabadka iyo wajiga ,appetiteka oo igu yar , mizaanka oo aanan ziyaadeynin iyo aniga oo sii caatobayo aniga oo cuno cunto isku dheela tiran marka dhaqtar ayaa laxiriiray baaritan saxaro iyo mid dhiig kadib wuxuu iisheegay in aan qabo  kooryan(amoeba) marka dawooyinkii marka  aan isticmaalay bil kadib xaaladeyda mesheedi ayey kusolabatay marka Dr waxan rabay in aad wax iiga  sheegtid cudurkan amaba home remedies aan isticmaali karo ama tilaaboyinka kuhaboon in aan qaado. any full detail will be highly appreciated.waad mahadsantahay

SomaliDoc:
Haddii xanuunkaagu uu yahay Amoeba, waxaa laga qaadaa nadaafad dariida, cabista biyaha wasakhaysan iyo cunista cunada wasakhaysan.
Haddii aad isku aragtid inuu xanuunkaan kugu soo laalaabanayo, ku dadaal nadaafada, cunandane ku darso toonta ama iyadoo cayriin ah haddii aad cuni kartid cun, maxaayeelay gooryaanada iyo bakteeriyada caloosha ku dhacdo aad ayay wax uga tartaa.
Akhriso faa'idooyinka toonta laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6717.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version