Author Topic: Su'aal: Kaluunku muxuu faaido leyaha?  (Read 36562 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Jaamac2020

  • Newbie
  • *
  • Posts: 19
  • Points: +0/-0
Su'aal: Kaluunku muxuu faaido leyaha?
« on: June 02, 2016, 02:59:55 AM »
waan kusalamay dhakhtar waxaad iiaheehtaan Kaluunku muxuu faaido leyahay kan caadoga ah iyo kan Qasacada iyo kan wabiga laga helo

waad mahadsantahay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Faa'idooyinka Caafimaad ee Kalluunka.
« Reply #1 on: June 20, 2016, 02:27:27 PM »


Bismillah.

Kalluunka ma malaayga waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu caafimaadka badan.

Kalluunka waa cunnada ugu horayso ee laga helo saliida loo yaqaano "Omega 3" oo faa'ido badan u leh jirka iyo maskaxda.

Waxaan qoraalkaan ku xusi doonaa 10 faa'ido oo cilmibaaris lagu hubiyay iyo caafimaadka laga helo.

  • Nafaqo: Kalluunka / Malaayga waxaa laga helaa nafaqo jirka uusan ka maarmin sida borotiin tayo leh, maadada "Iodine" oo muhiim u ah dadka qaba bararka thyroid-ka "Goiter" iyo fitamiino kala duwan.
    Malaayga wuu kala fiican yahay, waxaana la isku raacay kuwa buurbuuran inay ka caafimaad badan yahay kuwa dhuudhuuban, sababtuna waa nooc ka mid ah fitamiin D-ga oo aad muhiim ah lagana sameeyo hormoonada jirka iyo saliida caafimaadka u roon ee "Omega 3" waxay muhiim u tahay shaqada maskaxda, waxayna yaraysaa xanuuno badan oo maskaxda saameyo, waxayna dhakhaatiirta ku taliyaan si faa'idadaas jirka u helo in usbuuciiba hal mar ama laba jeer la cuno malaay / kalluun.
  • Caafimaadka Wadnaha: Kalluunka / Malaayga wuxuu yareeyaa halista wadna qabadka iyo faaliga, waana labada sabab ee ugu badan ee dunida loogu la'do, dhowr cilmibaaris oo lagu sameeyay dadka joogteeyo cunista malaayga waxaa la arkay inay aad ugu yar tahay wadna qabadka iyo faaliga, sababtuan waxaa loo aanaynayaa saliida kalluunka Omega 3 oo caafimaad u leh xididada wadnaha iyo maskaxda.
  • Korriimada Jirka: Kalluunka / malaayga wuxuu muhiim u yahay korriimada iyo kobcinta unguyada jirka khaasatan aragga iyo maskaxda, waana sababta loogu dardaarmo in caruurta iyo ardaydaba ay ku dadaalaan si ay uga helaan xasuus fiican iyo arag wanaagsan, inkastoo faa'ido u leeyahay uurjiifka laakiin hooyooyinka uurka leh lagu lama taliyo inay malaay badan cunaan iyadoo laga cabsanayo in maadada sunta ah ee loo yaqaano "Mercury" oo kalluunka qaar laga heli karo ay dhibaato u geysan karaan uurjiifka. kalluunka ay ku badan tahay maadada "Mercury" waxaa badanaa laga helaa xeebaha ay adeegsadaan maraakiibta laakiin kalluunka laga helo webiyada way ku yar tahay.
  • Xasuusta: Kalluunka / Malaayga wuxuu yareeyaa doqoobidda ama baaba'a unugyada xasuusta, sidaas daraadeed hilmaanka iyo laleemada la xiriirta duqnimada waa looga hortagaa, diraasad lagu sameeyay arintaan waxaa la arkay in dadka xasuustooda ay aad u fiican yahay iyagoo da' ah in la arkay in kalluunka uu kobciyay qeyb ka mid ah maskaxda oo loo yaqaano "Grey matter", dadka dhaxalka u leh xanuunka laleemada iyo xasuus la'aanta waxaa lagula taliyaa in usbuuc kasta cunaan kalluunka si ay uga badbaadaan xanuunka "Parkinson" iyo "Alzheimer's".
  • Caafimaadka dhimirka: Malaayga wuxuu yareeyaa diiqada, niyad jabka iyo murugada iyadoo uu hoos u dhigo dheecaanada maskaxda soo dayso oo arintaas u qaabilsan, daawooyin laga sameeyay kalluunka ayaa loo adeegsadaa la dagaallanka niyadjabka. kalluunka wuxuu aad ugu fiican yahay xanuunada dhimirka ku dhaca ee loo yaqaano "Depression" iyo "Bipolar disorder".
  • Caafimaadka Lafaha: Malaayga waa cunanda ugu fiican ee laga helo fitamiin D-ga, kanoo muhiim u ah hormoonada kala duwan ee jirka lagu sameeyo, sidaas awgeed waxaa looga hortagaa hormoonada dhacsan ama kacsan tanoo astaan u ah cudurro dhowr ah oo ku dahca ragga iyo dumarka, dhowr diraasad oo lagu sameeyay arrintaan ayaa cadaysay inuu daawo u yahay cilladaha hormoonada ku dhaca.
  • Difaaca jirka: Kalluunka wuxuu u fiican yahay cilladaha isdifaaca jirka ku dhaca, kuwaanoo asal u ah xanuuno badan oo ay ugu horayso macaanka noociisa 1-aad, roomaatiisamka iyo xanuuno kale, joogteynta cunista kalluunka wuxuu yareeyaa halista macaanka type 1 sida dhowr diraasad ay sheegtay.
  • Neefta: Isticmaalka kalluunka waxaa la arkay inuu yareeyo halista neefta ama xiiqda boqolkiiba 24%, waa diraasad lagu sameeyay caruur badan, waxaa kaloo diraasada ay sheegtay in caruurta markay yaryihiin la siiyo kalluunka inay ku yar tahay samboorka iyo neefta.
  • Caafimaadka Aragga: Xanuun ku dhaca aragga oo loo yaqaano "Macular degeneration" oo badanaa duqnimada iyo xanuuno kalaba ay keenaan, waxaa la arkay in ka hortaggiisu ay tahay cunista kalluunka / Malayga. halista xanuunkaan wuxuu yaraadaa boqolkiiba 42%.
  • Tayada Hurdada: Kalluunka wuxuu sare u qaadaa tayada hurdada, diraasad socotay muddo 6 maalmood oo lagu sameeyay tobaneeyo oday oo ka wada wayn 95 sano jir, waxaa la arkay in kuwooda ku casheeyay kalluunka inay ka hurdo fiicnaayeen, kana firfircoonaayeen saaxiibadood.
    Waxay cilmibaaryaashu sheegeen in tayaynta hurdada ay xiriir la leedahay fitamiinada kalluunka ku jira.

Ogow markasta waxaa caafimaad badan kalluunka fresh-ka ah, wuuna ka fiican yahay kan qasacadaha ku jira.

Akhriso qoraal ku saabsan Caafimaadka Digaaga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6879.0
Akhriso qoraal ku saabsan Caafimaadka Qumbaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6702.0
Akhriso qoraal ku saabsan Malaayga iyo Uurka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4490.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Muxuu yahay "Internal Medicine"?

Started by AdminBoard Clinical Rotations

Replies: 0
Views: 49039
Last post February 11, 2007, 12:34:45 PM
by Admin
Albaabkaas markii la furo nalku shidmaayo, markii la xidhona damaayo, muxuu yahay?

Started by CilmiSabcaBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 2
Views: 30327
Last post December 08, 2012, 08:50:56 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Dawooyin badan baan qaata effect kooda muxuu yahay?

Started by Hashi1234Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7732
Last post November 01, 2011, 09:47:39 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Kumbiyutarka hoosta laga galiyo haweenka, muxuu yahay?

Started by KaafiyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7167
Last post November 01, 2011, 08:56:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Muxuu yahay garan waayaye? xageense ugu hagaagaa Daawadiisa?

Started by QalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 11148
Last post May 20, 2012, 01:19:14 PM
by SomaliDoc