Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Xulusta caloosha?

(1/1)

Ahlam Othman:
Asc Doctor's sharafta badan salaan kadib wan idinka mahad celina howsha muhim ka ah aad bulshada u heysaan ajar badan allah idinka siiyo,suaal ayan qabaa waxay tahy qaab dabiici ah oo xeerta calosha loo baabi'inka karo adigo gym adin waxn melo badan ku arkay (Apple cider vinegar) ama khalka tufaaxa aroorto hore la cabo biyo kulul lagu darsado wax weyn ka taro marka faiiddada iyo khasaarha khalkaas qaab cafimaad ah inad iga jaahil bixisaan qof nuuce isticmaali karo hooyada naas nujinaysa ma istimaali kartaa?? mahadsanidiin

SomaliDoc:
Waxyaabo badan ayaa la sheegaa in xalusta lagu yareeyo laakiin hal qaab oo la isku waafaqsan yahay ma jiro, sida aad adiguba tilmaantay qaar baa biyo kulul subaxii cabo, qaar baa khala ama tufaax cuno.

Laakiin waxaa muhiim ah in aad dhowr arrimood la timaadid si cayilka uu kaaga dhaco:
1 - Cunno isu dheelli tiran una badan khudaar iyo fruits
2- Jimicsiga lagu xoojiyo murqaha caloosha, laguan rido xeyrta.

Intaa waa in aad la imaataa, wixii aad ku dari lahayd markaas ku dar.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version