Author Topic: Madax Xanuunka Bisha Ramadaan..  (Read 69607 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Madax Xanuunka Bisha Ramadaan..
« on: June 08, 2016, 01:26:59 PM »


Bismillahi..

Waa qoraalkii 6-aad ee taxanihii baraarujinta caafimaad ee bisha Ramadaan.

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa mawduuc muhiim ah oo dad badani isoo waydiinayeen labadii maalmood ee la soo dhaafay ee bisha Ramadaan.

Waa madax xanuunka la dareemo xilliga soonka, sababaha keeno iyo siyaabaha looga hortagi karo?

Dad badan ayaa waxay dareemaan madax xanuun xilliga soonka khaasatan galabyadii iyo xilliga afurka, waxaa la isku waafaqsan yahay in madax xanuunkaan ay sabab u yihiin 3 shay oo kala duwan oo aan mid mid uga hadli doono.

  • Gaajada: Gaajada awgeed waxaa hoos u dhaca Sokorta dhiigga waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Hypoglycemia" waa sababta ugu wayn ee keento madax xanuunka weliba markuu afurka soo dhaw yahay, dadka badanaa dareemo madax xanuunkaan horay uma lahan taariikh madax xanuun, waana arrin dabiici ah in jirka markii ay sokorta ku yaraato uu qofka madax xanuun dareemo, sababtane waxaa badanaa loo aanaynayaa cunanda aad ku saxuuratay, hadduu qofka ku saxuurtay cunno ku badan tahay sokorta ama ka samaysan carbohydrate sida baasto, bariis, canjeero ama wax bur cad laga sameeyay, sokorta kor ayay u kacdaa, laakiin markii duhurradii la gaaro sokortii hal mar ayay hadane hoos u soo dhacdaa oo madax xanuunka qaabkaas ayuu ku yimaadaa, sidaas awgeed waxaad kaga hortagi kartaa in aad ku saxuuratid cunno aan sokor lagu darin ama cunno aanan ku badnayn carbohydrate-ka, ku saxuuro mushaari ama soor ka samaysan qamadi ama gallay ama cab caano aan sokor lagu darin ama cun cunno khudaar ama fruit ka samaysan, akhriso qoraal aan hadda ka hor uga hadlay cillada sokorta hoos u dhacdo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=722.0
  • Oonka/Haraadka: waa arrin kale oo iyadane madax xanuunka keento, qofka bini'aadanka boqolkiiba 75% jirkiisa wuxuu ka samaysan yahay biyo, haddii jirka biyuhu ku yaraadaan ama haraad la dareemo, wax badan ayaa is badala, marka haddii maskaxda ay dareento in biyuhu jirka ku yaraadeen ama qulqulka dhiigga ee maskaxda gaarayo uu gaabiyo waxaa la soo daayaa dheecaanno xididada cadaadiyo si socodka dhiigga loo badiyo, kilyahane ay kaadida u joojiyaan, dheecaannada howshaas u qaabilsan ayaa waxay keenaan madax xanuun, waxaa lagula taliyaa dadka sababtaan darteed madaxa u xanuuna inay ka fogaadaan cunista ama cabista cunnooyinka kaadida badiya xilliga saxuurta, waana inay iska ilaaliyaan inay ku shaqeeyaan qoraxda ama qabtaan howl culus oo keeni karta inuu qofka aad u dhidido, sokortane ay hoos u dhacdo, dadka badanaa nasto ama hurdo xilliga soonka lama kulmaan madax xanuunkaan, waxaa kaloo muhiim ah in aad biyo badan cabtid xilliga saxuurta, madax xanuunkaan ma lahan waqti go'an, barqadii iyo duhurtiiba waad dareemi kartaa.
  • Kaffayga: waa sababta sadaxaad ee keenta madax xanuunka bisha Ramadaan, waxayna ku badan tahay dadka horay u cabi jiray kaffeyga ama qaxwada, madax xanuunka la dareemane waxaa loo yaqaanaa "Caffeine Withdrawal Headache" oo ah macnaheeda madax xanuunka yimaado markii kaffayga la waayo, dadkaan waxaa lagula taliyaa in labada usbuuc ee ka horayso bisha ramadaan inay kaffayga ama qaxwada ka fogaadaan, haddii ay taasi suuro gali waydane waxaa lagula taliyaa inay xilliga saxuurta ay koob kaffey ah cabaan si maalintaas uusan madax xanuun u qaban.

Waxaa muhiim ah in aad ogaatid daawooyinka madax xanuunka looga hortago waxay jirka ku jiraan kaliya 12 saacadood, marka qofka lagu lama taliyo inuu daawo qaato maadaama markasta uu madax xanuun dareemi karo hadduu daawo cuno iyo haddii uusan cuninba, taladaydu waa inuu qofka habeeyaa cunanda uu cunayo iyo sida uu isku ilaalinayo.

Hadduu madax xanuunkaaga sii socdo ramadaanka ka dib waa in aad dhakhtar la xiriirtaa.

Akhriso qoraal hore oo aan ku falaanqeeyay Noocyada Madax Xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16761
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14347
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33567
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Jir xanuun iyo madax xanuun?

Started by Nasta xajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7586
Last post August 01, 2017, 08:58:46 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39952
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc