Author Topic: Su'aal: Faidooyinka laga helo Filfisha?  (Read 59780 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Jaamac2020

  • Newbie
  • *
  • Posts: 19
  • Points: +0/-0
Su'aal: Faidooyinka laga helo Filfisha?
« on: June 11, 2016, 01:39:27 AM »
Markahore waan idin salaamaya waxaan dhakhtarka wediinayaa dhir badan baad kahadasheen Faidooyinka laahelo waxaan idinwediinaya Filfisha wax faido ah bini adamka ma uleetahay inkastoo isticmalkeeda an jecleen lkn dadku Maraqa iyo Shahay kudaraan




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Faidooyinka laga helo Filfisha?
« Reply #1 on: July 04, 2016, 04:46:01 PM »


Bismillah..

Waa geed daaweed faa'ido leh oo dalkeena laga helo, waa Filfisha.

Filfishu waa miraha geedka loo yaqaano "Black pepper", cunanda ayaa lagu darsadaa, daawo ahaane waa loo isticmaalaa.

Asal ahaan waxay ka soo jeedaa dalka India, weliba gobolalda konfureed.

Filfisha waxyaabo badan ayaa loo adeegsadaa, sida in cunanda lagu xifdiyo maadaama jeermiska cunanda ku dhasho ay dhisho, waxaa kaloo lagu carfiyaa cunnada, dhadhanne loogu yeelaa, waxaa ku jiro waxyaabo nafaqo leh sida maadooyinka Manganese, Vitamin K, Birta iyo Macdanta Bootaasiyamta, Waxay kaloo yaraysaa hurka "Inflammation"-ka ku dhaco jirka.

Faa'idooyinka Caafimaad ee Filfisha:
  • Dheefshiidka: Filfishu waxay kordhisaa dheecaanka aashitada caloosha ee loo yaqaano "Hydrochloric Acid" kaasoo muhiim u ah shiidista cunnada, waxaa kaloo lagula tacaalaa shubanka iyo calool fadhiga, wuxuu yareeyaa hawada caloosha ku samaysanto iyo dibbirada, wuxuu kaloo siyaadiyaa kaadida iyo dhidika kuwaasoo muhiim u ah qashin saarka jirka, ogow haddii aad leedahay boogta caloosha ee gaaska, filfisha waxay kugu siyaadin kartaa xanuunka maadaama aashitada caloosha ay badiso, laakiin haddii aad leedahay dibbiro, daaco badan iyo cunnada oo dhakhso kaa bixi la ama ku dacwoshiirto, filfishu way ku anfacaysaa.
  • Miisaanka: Filfisha waxay burburisaa unugyada dufanka sameeya, waana si dabiici ah oo miisaanka lagu yarayn karo.
  • Maqaarka: Waxaa la aamisan yahay in Filfishu ay daawo u tahay cudurka Baraska sida ay sheegeen cilmibaarayaal u dhashay dalka ingiriiska, waxay sare u qaaddaa unugyada jirka u sameeyo midabka ee loo yaqaano "Melanin", waxay kaloo yaraysaa halista kansarka maqaarka ee laga qaado shucaaca loo yaqaano "Ultraviolet"
  • Hawo-mareenka: Filfisha waxay aad ugu fiican tahay Hargabka, Ifilada, Riiraxyada, Sanboorka iyo Caabuqa sanqada, sababtuna waaa maado ku jirto filfisha oo xabka iyo duufka soo saarto "Expectorant" xabkaan iyo duufkaan oo keeno qufaca iyo hindhisada siyaadada ah. Dadka hergabka qabo badanaa waxay maraqa ku darsadaan filfisha, maraqu wuxuu sare u qaadaa difaaca jirka, filfishuna waa qufac joojiye iyo xab soo saare, waa laba shay oo fiican in la isku darsado sida dadka qaarba ay u isticmaalaan.
  • Jeermis Dile: Filfisha wuxuu alle ku abuuray awood jeermis dile, arrintaan oo ay fahmeen hindidii hore iyagoo cunanda ku keydsan jiray meelaha filfisha lagu aruuriyo ama cunnada ku darsan jiray, waxay ka hortagtaa bakteeriyada ku dhalato cunnda, waxay kaloo hoos u dhigtaa dufanka dhiigga ee loo yaqaano "Kolestarole-ka" oo sabab u noqon karo xanuuno badan oo ku dhaca bini'aadanka sida wadne qabadka, faaliga iyo kuwa kalaba.
  • Sun saarista: Filfisha waxay basbaaska iyo barbarooniga kala mid tahay awoodda sun saarista jirka, suntaas oo haddii jirka ay ku aruurto dhaawac u geysan karto beerka, wadnaha iyo ganaca. waxaa intaa sii dheer in filfisha ay yarayso laalaabka maqaarka oo tilmaan u ah da'da iyo duqnimada.
  • Caawinta mindhicirrada: Filfisha waxay cunanda kale ku caawisaa in jirka uu safiican u nuugo, khaasatan khudradda, cunnada laga helo maadada jirkaaga ku yar ee dhakhtarka kugula taliyay waxaa fiican in aad filifl ku darsatid si faa'idada cunnadaas ay u kororto.
  • Xasuusta: Filfisha waxaa ku jirto maado loo yaqaano "Piperine" oo sare u qaaddo xasuusta iyo awoodda maskaxda qofka, diraasad lagu sameeyay arintaan waxaa la ogaaday xanuunada xasuusta lumiyo in filifshu u roon tahay.
  • Faa'idooyin kale oo weli cilmibaaris lagu xaqiijin ayaa jira oo sheegaya in filfisha loo isticmaalo qaniinyada cayayaanka oo inta la tumo la saaro meesha cayayaanka uu qofka ka qaniino, waxay kaloo u roon tahay ilka xanuunka, suuska iyo dhago xanuunka, waxaa kaloo loo adeegsadaa cillada xabeebta.

Qoraalo xiriir la leh
Basbaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6606.0
Sanjabiilka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6530.0
Dhaga-yaraha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5320.0
Toonta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6717.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55914
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudaradee laga talaalaa bilaheena la talaalaa?

Started by Awil5Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8687
Last post October 26, 2016, 06:39:23 PM
by SomaliDoc
Faa'iidada laga helay qandhada "Rifty Vally"

Started by DoctoorBoard Feel Free Here

Replies: 0
Views: 10263
Last post November 14, 2007, 12:30:34 AM
by Doctoor
Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18428
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc
Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawada oo aan sidii loogu talo galey loo qaadan

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 14205
Last post April 03, 2016, 10:41:02 PM
by Jamaaluddiin