Author Topic: Maxaa keena ilkaha suuska gala?  (Read 31614 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Usaama2016

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Maxaa keena ilkaha suuska gala?
« on: June 17, 2016, 01:43:12 PM »
Cudurka ilka xanuunka waa cudur wajiyo badan leh  waxaa kamid ah cuduro leh sababteeda ciridka inuu xanuuno , sidoo kale kuwa sababa ilkaha jiridooda inay bukaan oo infakshan galaan markaasna qofka uu ku yimaado ilka xanuun

Cudurka ugu weyn ee ilkaha ku dhaca waa ( dental caries ) oo micnaheeda ah ilka madowbada ama jaallooba inta badana  ay soomalidu u taqaano suuska ilkaha  gala .

Waxaa keena ilkaha suuska inay ku abuurmaan bacteria lagu magacaabo  streptococcus mutans ,streptococcus sobrinus  iyo lactobacilli

Waxayna ilkaha ku samayneysa madow iyo god uu raashinku ku aruuro kadibna qofka waxaa lasoo gudboonaanaysa xanuun iyo wax cunis la’aan xanuunka iliga  dartiis , waxyaabaha ku kaalmaynaaya bakteriyada inay iliga gasho oo madoobayso ama ay jaalayso waxaa u sabab ah waxyaabaha la cuno oo ay sokortu ku badantahay  sida shuklaatooyinka iyo nacnac macaanka iyo wax kasta oo laga sameeyay sokor badan

Sidoo kale waxaa iyadana aan meesha ka marneyn waqtiga oo ku caawinaaya bakteeriyada inay ilkaha gasho oo suuska keento kadibna ay ku xanuunaan ilkihii

Waxaa kaloo jira oo iyana ahmiyad gooni ah leh iliga dushiisa oo ah hoyga bakteriyada ay dagayso  ah goortay hesho waxyaabhi ku kaalmaynay inay suus ilkaha ku rido ee aan hore u soo sheegnay sida sokorta iyo waqtiga ay ilkahaada caday la’aan yihiin gaar ahaan waa markaad habeenki la seexato adigoo cadaysan

Mida ugu wayn oo jirta waxa ay tahay ilkuhu waxa ay leeyihiin xidido iyo unugyo ka difaacaya (foreign bodies )oo ah walax dibadeed kasta oo soo gala jirka  laakiin inta badan ilkuhu waqtiga ay isku difaacayaan waa mid aad u yar maxaa yeelay waxaa  la sheega in oral floraha afka kujira lagu qiyaasay 300-400 oo bakteeriya ah taas oo isugu jirta m kuwa nafci leh iyo kuwo aan nafci lahayn sidoo kale waxaa la sheegay in dadwaynaha caalamka ay qabaan cudurka ilkaha gala qiyaas ahaan 2.43 bilyan oo qof una dhiganta 36% oo dad ahaan ah sidaa darted waxaa loo baahanayahay waa  barnaamijyo wacyi galineed in laga baahiyo war fogeeyaha iyo baraha ay bulshado ku kulanto ayadoo diirada lagu saarayo ilaalinta caafimaadka shakhsi kasta iyo mid deeganka ah intaba .

Talo ahaan cudurkan waxaad uga hortagi kartaa adigoo tilaabooyinka soo socda ku dhaqma :

Inaad ku dadaashid cadayashada ilkaha iyo sifayntooda adigoo isticmalaya brush-ka ilkaha iyo boomatooyinka ay dhaqatiirta ilkaha soo qoraan gaar ahaan waxaa aad u haboon inaad habeenki intaadan seexan aad marisid cadeyga 3- 4 jeer
Inaad cuntid raashin isku dheela tiran xagga sokortana ay ku yartahay maxa ayeelay tani waxay kaa ilaalinaysaa inaad waxbadan kaga hortagto bakteeriyada inay fursad ku hesho ilkahaada xiliga habeenki ah
Inaad isticmaasho boomatada maadada fluoride-ka ku badanyahay maadadan waxay kaa caawinaysaa inay ilkahaada awood dheeri ah ay siiso
Inaad isticmaasho waxyaabaha ilkaha lagu sifeeyo sida interdental brushes, water picks, and mouthwashes.




 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55934
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162241
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106943
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57953
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62275
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig