Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Cunug yar oo elarjig ku qaday faslin?

(1/1)

Shaxshaxleey:
asc dhaqaatiirta somaliyed waad ku mahadsan tihiiin  howsha aad noo haysan illaahay haydinku abaalmariyo khayr su,aashayda waa cunug yar oo labo bil iyo bar jiraa iga xanuunsan intaan uqubeyan faslin u mariyay kadib korka dhan baa furuufuc noqday   wana furuuruc   guduudan kadib dr ban geyay waa iska cadi bay dhehen dawana ima soo qorin markuu kadaray oo bararay wajiga gaar ahaan indhaha  ayan dhaqtar kale geyay bomato bu usoo qoray iyo sharobo bomatada waxa ku qoran AGOCORT skin cream    sharobadana waxa ku qoran FINALLIRG.    markan sharobada labo marsiyay bomatadana labo mar u mariyay sadex bari oo habenyo malina wuba is badalay oo dildilaac buu yeshay oo faruuricii dildilaac iyo jexjex qolfo ah buu noqday maqaarkii baa diirmay qaarna qolof kac ku noqdeen markay qalalaan waa adayg qolfo mud mudaya marka dawadaas waji maloo marin karaa makusii wadaa maka daayaa  wajigaa u daran oo korka kalaa roon  cunuga indhaha xitaa way fiishayan hada   wuna ooyayaa marka wajigu qalalo  talo iyo xal ayan idinka sugin iina soo dhaqsada hadu alle idmo mahadsanid 

SomaliDoc:
Waxaa haboon in aad kala tashato dhakhtarka arkay cunuga, way dhici kartaa inay allarji tahay.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version