Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Maqaarka iyo liinta?

(1/1)

Ashom:
Waxaa muuqaal gabar Somali ah YouTube Soo gelisay ka daawday
Maqaar (qolof) ka liinta balbeel mada fiiqday oo qalajisay kabacdi shiiday oo
Shaq shaq uga reebtay qashin kii
Kadib budadii baaquli ku shubtay
Waxeey ku dartay biyo iyo malab
Weey isku qastay wajigeey marisay

Waxeey dhahday
Waxeey kaa baabi'ineeysaa
1:dhidid ka wajiga(saliida)
2:finan ka wajiga ka reystay madoow gooda
3 waana ku qurxinee
Marka  doctor arinkaas wax ka dheh ?
Thank u

SomaliDoc:
Liinta iyo malabkaba way u fiican yihiin nabraha jirka ka soo baxo, laakiin dadka qaar ayaa allarji ku noqon kara oo nabruhu ka sii dari karaan.

Ashom:
Waa ka xumahay Dr. Su'asheeydu maahan .nabraha lagu daaween karaaa
Fadlan siwanaagsan u aqri adoo mahadsan

SomaliDoc:
Faruuruca ama findoobka ama haaraha wajiga ama nabraha sidaa u taqaanidba, liinta iyo malabka waxbay ka taraan laakiin qof kasta maahan, dadka isku maqaar ma ahan, qaar baa liinta ku canaanyooda oo nabruhu ku bataan.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version