Author Topic: Su'aal: Faa'idada ay leedahay cabista caanaha geela?  (Read 64714 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Su'aal: Faa'idada ay leedahay cabista caanaha geela?
« on: June 20, 2016, 04:27:01 PM »
Ilaahow Dal Nabad ah iyo Dad Cafimad Qabaaa
Ugu horayn Dr waan ku salaamayaa aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida wanaahsan aad umadda soomaliyeed ugu caawiso arimaha
cafimaadka intaa ka dib, Dr waxa Ku weydiinaya

faa,idada ay leedahay cabista caanaha geela?
qofkii joogtayo dhib miyaa ugu imanayaa?
Dr adigo mahadsan waxan maqalnay in caanaha geela qofki cabisteedu badsado ama Ku weynaado in haddii had how Ku yimado dhib heer qalin ah aysan karaynin kabaabisada majirtaa? run ama been

Dr waxan kaa rajaynayaa jwb oo ka faa,idi doona dad badan adigana ilaah hakaa abaaal mariyo

RAMADAAN MUBAAR


Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Faa'idada ay leedahay cabista caanaha geela?
« Reply #1 on: July 16, 2016, 05:21:37 PM »


Bismillah...

Casharkeenu maanta wuxuu ku saabsan yahay caanaha geela iyo faa'idooyinka caafimaad ee lagu arkay.

Sida aan wada ognahay geelu waa noole cajiib ah oo waxyaabo badan oo jirkiisa ka mid ah daawo alle nooga dhigay, waa xayawaan mucjiso ah oo gaajada iyo haraadka u adkaysan karo bilooyin sidaasoo tahay hadane isbadal kuma dhacaan faa'idooyinka laga helo hilibkiisa, caanihiisa iyo kaadidiisa intaba.

Caanaha geela waxaa la isku waafaqsan yahay in ay yihiin caanaha ugu caafimaadka badan dunida markii laga reebo caanaha hooyada, waa caano faa'ido u leh yar iyo wayn, lagana helo nafaqooyin badan oo isugu jira waxyaabaha kala duwan oo jirku bini'aadanka u baahan yahay.

Waxaan halkaan ku soo koobayaa dhowr faa'ido oo cilmibaaris lagu arkay, dad badanne wax iskaga garteen markay ay joogteeyeen cabista caanaha geela.
  • Cudurka Macaanka: Nafaqada laga helo caanaha geela waxaa ku jira hormoonka insulin-ta ee kontaroosha sokorta, joogteynta cabista caanaha geela waxay xakameeyaan macaanka, waxaana dhacdo mararka qaar in cirbadda insulin-ta looga maarmo hadduu qofka ka fogaado waxyaabaha macmacaanka.
  • Difaaca jirka: Caanaha geela waxaa ka buuxa borotiin farabadan, borotiinada qaar waxay jirka u xilsaaran yihiin ka difaacista jeermisyada iyo xanuunada soo booddada ah, sidaa darteed caanaha geela waxay sare u qaadaan difaaca jirka, sidaas awgeed dadka xanuunsan oo la baaninayo waxaa la siiyaa caanaha geela si difaaca jirkooda u wanaagsanaado, isbadal caafimaadne u helaan.
  • Korriimada iyo Caafimaadka lafaha: Caanaha geela waxay u fiican yihiin korriimada caruurta iyo tayaynta jirka dadka waawayn, waxaa ku jira walxo adkeeya lafaha iyo murqaha qofka sida kaalsiyamta oo ay ku jirto 3 jibaar inta laga helo caanaha lo'da, waana sababta caanaha geela uu ugu horeeyo cunnooyinka lagu caawiyo qofka jaba si kabniinka u sahlanaado, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan walxaha kabniinka dadajiyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6485.0
  • Wareegga Dhiigga: Caanaha geela waxaa ka buuxo maadada birta oo ka hortagto dhii-yarida, waxayna muhiim u yihiin wareegga dhiigga, firfircoonida unugyada dhiigga, sidaas awgeed hooyada umusha ah iyo caruurta nafaqada ku dhacdo waa u muhiim caanaha geela.
  • Xasaasiyadda: Caanaha geelaha waxay daawo u yihiin xanuunada ka dhasho xasaasiyadda sida samboorka, neefta, xajiinta maqaarka iyo xasaasiyadda cuntada, caruurta ku xanuunsado caanaha lo'da iyo cunnooyinka qaarkood, waxaa lagu daaweeyaa caanaha geela, waxaa kaloo dhowr diraasad lagu arkay in caanaha geela isbadal fiican looga dareemo dadka lagu arko cilladaha isdifaaca jirka ee loo yaqaano "Autoimmune disorders", waxaa intaa sii dheer in cudur-ka dhakaakuhu "Autism" ay daawo u yihiin, waa cudur aad looga sheegayo caruurta soomaalida ku dhalatay qurbaha.
  • Caafimaadka Wadnaha: Caanaha geela wuxuu isu dheellitraa kolestaroolka fiican iyo midka xun, sidaas awgeed wuxuu muhiim u yahay caafimaadka wadnaha, wuxuuna ka hortag u yahay wadna qabadka ka dhasho xannibanka qulqulka dhiigga xididada wadnaha.
  • Nafaqo: Caanaha geela wuu ku noolaan karaa qofka, waxay u geli karaan badalka cuntada iyo cabitaanka, wixii nafaqo jirka u baahnaa waa laga helaa oo waad kaga maarmi kartaa cunnooyinka kale haddii aadan haysan, geellayda badanaa inta ay geela la joogaan caanahiisa ayay ku noolyihiin.
  • Ka hortagga Kansarka: Caanaha geela waxaa la arkay inay ka hortag u yihiin kansarka ku dhaco uur kujirta sida beerka, xiidmaha iyo malawadka, waana arrin lagu ogaaday cilmibaarisyo kala duwan.

Maadaama caanaha geela aan la karkarin oo toos loo cabo, hal dhib ayaa ka imaan kara oo ah inay wasakh gaarto, taasoo qofka u gudbi karto maadaama aanan la karkarin, wasakhdaas waa mid ka imaan karta qofka lisayo ama mid ka imaan karto xoolaha laftirkooda sida sunta la mariyo oo kale, sidaas awgeed nadaafaddu waa muhiim.
Waaa wax la arko mararka qaar dadka joogteeyo hilibka iyo caanaha geela, subagga iyo hilibka idaha in ay kari wayso sunta dadka lagu suuxiyo taasina waxaa loo saariyaa difaaca ay cunnadaasi uu ka helay jirka, maadaama wax kastoo qalaad oo jirka soo galo ay uga hortagaan, laakiin cabbirka suuxdinta ayaa loo siyaadiyaa dadkaas, sidaas ayaana qalliin loogu sameeyaa.

Akhriso Faa'idooyinka Caafimaad ee Kaadida Geela: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7006.0

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Re: Su'aal: Faa'idada ay leedahay cabista caanaha geela?
« Reply #2 on: July 16, 2016, 08:54:43 PM »
Dr thanks
Jwbtaydu waan arkay ilaah hakaa abaalmariyo aduunyo iyo aakhiro by akhaa binu jowhari
Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.


 

Su'aal: Shahwadayda burqo burqo ayay leedahay?

Started by Yahye1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 45186
Last post September 18, 2019, 12:46:48 AM
by Yahye1
Su'aal: Fixisada Qooshka ama Cake-ga lagu daro saamayn caafimaad ma leedahay?

Started by JiidheBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17420
Last post June 05, 2015, 06:18:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawada jilcisada la dhaho maxeey dhibaato u leedahay tinta?

Started by Hanna HuteBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10791
Last post March 30, 2016, 04:30:29 PM
by SomaliDoc
Nuurtooy Wax Badso Wax La'aan Ayey Leedahay!! (Sheeko Gaaban)

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 17870
Last post July 26, 2009, 09:30:58 PM
by Waxbaro!
Uur miyaad leedahay? Iska baar cagaarshowga nooca B

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 26519
Last post November 10, 2010, 07:52:11 PM
by SomaliDoc