Author Topic: Su'aal: Ma jirtaa wax faa'ido caafimaad ah oo ku jirta tinta?  (Read 48383 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Diihaal Guuto

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
ASALAAMU CALEYKUM

Dr waad ku mahadsan tahay shaqadan balaran ee aad bulshadada u hayso waana kugu dhiri galinayaa inad bulshadad wixiid aad baratey uga faa'ideyso.

Intaa kadib waxaan ku weydiinayaa Ma jirtaa wax faa'ido caafimaad ah oo ku jirta tinta in lala baxo ama la jaro.
Waxaan jeclahay inaan tin badan yeesho oo anan mudo jarin lkn dadka qaar ayaa i dhahay caafimaad ahaan uma wanaag sana tinta lala baxo.

Marka bal cilmiyan tin badan ama yar tee fa'ido cafimad leh.

Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ma jirtaa wax faa'ido caafimaad ah oo ku jirta tinta?
« Reply #1 on: October 01, 2016, 02:01:51 PM »


Tinta waxay dad badani ka aaminsan yihiin waxyaabo aan cilmi ahaan sax ahayn, waxyaabahaas waxaa ka mid ah:

  • Tinta oo la daysto caafimaadka way u daran tahay: Taasi sax ma ahan, Maqaarka, cidiyaha iyo tinta waa meelaha ugu muhiimsan jirka bini'aadanka oo laga fahmo caafimaadka guud ee qofka, hadduu qofka xanuunsan yahay iyo haddii ay nafaqo darri hayso intaba meelahaas ayaa si dhakhso ah looga dareemaa, taas ayaa keentay in dad badan ay aaminaan haddii tinta la daysto in nafaqada jirka ay kula qaybsanayso sidaa darteedne aysan caafimaadka u fiicnayn!, taasi sax ma ahan, in tinta la daysto iyo in la jaro labaduba caafimaadkaaga saameyn kuma lahan, laakiin haddii caafimaadkaaga uu liito, tintaada way liidanaysaa ha yaraato ama ha badnaato.
  • Tinta waxay ku badataa ama ku adkaataa xiirista ama jarista: Tan iyadane wax jira maahan, dad badan ayaa aaminsan si ay u helaan tin dheer ama tin adag waa in la xiiraa tintii hore, taasi wax cilmi ahaan sax ah maahan sababta sidaa loo aaminsan yahay ayaa ah, in badanaa tinta qeybta ugu horayso ee soo baxdo ay adag tahay, kana dhaldhalaal badan tahay markay tinta dheeraato, waana arrin dabiici ah oo alle ugu talagalay, midda kale tinta markay soo baxayso dhakhso ayay ku soo baxdaa laakiin markay dheeraanayso waqti ayay qaadataa, marka haddii tinta dhakhso u soo baxdo, tintane ay tahay mid adag taasi macnaheeda maahan in tintaada ay sidaa wada ahaan doonto ama ka fiican tahay tii aad jartay ama xiirtay.
  • Tinta cirrada ah haddii la siibo, booskeeda laba xabo ayaa ka soo baxayso:[/b] Tan iyadane waa arrin ay aaminsan yihiin dad badan, mana ahan wax jira, haddiiba ay bilaabato in tinta ay cirro gasho, waa howl ku bilaabatay tinta oo idil qeyb qeyb ayaana tinta logo dareemi doonaa, markii la sii sugaba cirro badan ayaa soo baxayso haddii aad siibtid iyo haddii aad daysid labadaba, laakiin dadka waxay u badan yihiin marka hore in aysan suginba oo horaba tinta cirrada ah u siibaan, taasoo hadhow markay cirrada qofka ku soo badato uu is yiraahdo dhibka wuxuu ka yimid tintii aad siibtay, iyadaa soo dadajisay!!.
  • Madaxa oo joogto loo daboolo, tinta ayuu dhameeyaa:Dad badan ayaa aaminsan in hadduu qofka xirto koofi ama madax dabool joogto ah in tintu ay baaba'ayso maadaama la daboolay, taasi ma ahan wax cilmi ahaan sax ah, waxa kaliya oo dhici kara waa in hareeraha basada khaasatan dhinaca wajiga haddii tinta la cadaadiyo ama lagu jiidiyo koofida ama shaashka ama jilbaabka inay tinta gadaal u durki karto ama booskeedii ka dhaqaaqi karto, taasi waa arrin jirta waxaana loo yaqaanaa "Traction Alopecia"
  • Caafimaadka iyo quruxda tinta waxay ku xiran tahay shaambada aad ku qubaysatid:Taasi sax ma ahan, tinta caafimaadkeeda iyo dhaldhalaalkeeda waxay ku xiran tahay caafimaadka jirkaaga iyo sida aad u daryeesho, daryeelkaas wuxuu isugu jiraa nadiifin, saliid marin iyo shanlayn, waxay cilmibaarayashu ay sheegaan in caafimaadka tinta uu ku jiro saliida aad isticmaasho oo aysan ahayn shaambada aad ku dhaqdid, akhriso qoraal aan hadda ka hor uga hadalnay 5-ta saliidood ee ugu caafimaadka badan tinta iyo waxtarkooda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6463.0

Qoraal xiriir la leh: Waa maxay Agoolka? Maxaase Keeno?: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2090.0
Way jiri karaan khuraafaat kale oo la xiriirto tinta, laakiin kuwaa kore ayaa ugu caansan, haddii aad su'aal qabti ama faahfaahin u baahan tahay fadlan ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: