Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Sanka oo isha hoosteeda ah aan ku leeyahay dalool/hog?
(1/1)
Mowlid:
Su'aasha aan rabo in aan waydiiyo doctor-ka waxa weeyi. Aniga oo ah qofka su'aasha ku waydiinaaya ayaa waxa Sanka oo isha hoosteeda ah aan ku leeyahay dalool/hog, daloolkaas oo leh af madaw inyarna soo kuusan. marka aan buujiyo/tuujiyo waxa kasoo baxa dhiiqo/dheecaan yara adag oo urtiisu aanay fiicnayn. barigii hore marka aan tuujiyo wuu yara yaraan jiray hadana dib ayuu u soo yara kuusmi jiray, lakiin imika mar aan tuujiyay wajigii wuu bararay. Bararkii markii uu iga dhacay waxa uu noqday mid intiisii hore kasii kuusan/wayn oo isha ku yara dhawaaday. Markaa waa maxay xanuunkani?. wabilaahi tawfiiq. waad mahadsantahay
SomaliDoc:
Waxay u badan tahay "Sinus" ama taasoo ah jeebabka sanka oo jirka kore kusoo furan, fadlan la xiriir dhakhtar E.N.T ah.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version