Author Topic: Ogow Sababta iyo Xalka Xanaaqa Xilliga Soonka.  (Read 24471 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Ogow Sababta iyo Xalka Xanaaqa Xilliga Soonka.
« on: June 23, 2016, 02:28:59 PM »


Bismillah..

Xanaaqu waa arrin aan u fiicnayn ajarka qofka sooman, wuxuuna u horseedi karaa dambiyo kale oo waawayn.

Dad badan ayaa ka sheegto xanaaqa siyaadida ah marka ay sooman yihiin, laakiin qaar yar ayaa awooda inay is xakameeyaan oo xanaaqooda kontaroola.

Maxaa keeno Xanaaqa?
Xanaaqu waa falcelin uu qofka sameeyo markuu wax dhibsado, isbadalada ku dhaca jirka iyo nafsiyaatka qofka sooman waxay u sahlayaan inuu si sahlan u xanaaqo laakiin waxaa laga rabaa qofkaasi inuu xanaaqa iska ilaaliyo siduu cunanda iyo cabitaankaba iskaga ilaaliyay.

Inuu qofka ka fogaado waxyaabaha keeni karo inuu xanaaqo sida doodda, cayda iyo waxyaabaha la mid ah, waana sababta uu rasuulkeena suuban nagula dardaarmay, haddii lagu caayo ama wax lagugu sameeyo inaad dhahdid "Ilaahayow waan soomanahay", arrintaan oo hakad galinayso inuu xanaaq bilawdo ama sii socdo.

Waxyaabaha keenayo xanaaqa dagdagta waxaa ka qeyb qaadanayo sokorta dhacsan, sababtoo ah maadaama aad sooman tahay, sokorta way dhacsaysaa, waxaadne dareemaysaa xanaaq, dulqaadasho la'aan iyo kacsanaan niyad, waxaana xanaaqa badanaa la arkaa xilliga uu afurka soo dhaw yahay, waana waqtiga ugu badan oo ay dhacaan shilalka iyo dhaawacyada.

Waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha soo dadajiyo xanaaqa hurdo yarida maadaama badanaa habeenkii la soo jeedo, maalintiina shaqo ama waxbarasho la'aado.

Waxaa kaloo la arkay in dadka sigaarka cabo ay ugu horeeyaan dadka xanaaqo badan marka ay sooman yihiin, sababtuna waa sunta sigaarka ku jirto oo jirka ka maqan mudadaas la sooman yahay.

Diraasad kale oo la sameeyay waxay xanaaqa qaarkiis u saarisay barnaamijyada TV-yada laga soo daayo oo qofka niyadiisa kicin karo ama ka xanaajin karo ama murugo ku abuuri karo, maadaama bisha ramadaan aad loo fiirsado barnaamijyada ka baxo TV-yada.

Xanaaqa badankiis waa la kontarooli karaa, waana laga hortagi karaa, waxaana muhiim ah inuu qofka soomani xasuusto in uu alle dartii u sooman yahay, kana fogaado wax walba oo soonka ka jabin karo ama dambi u saarin karo.

Ogow inaad sooman tahay macnaheedu maahan in dadka kula joogo ay qasab ku tahay inay ku qadariyaan, ku qanciyaan ama si gooni ah kuula dhaqmaan, haddii kale aad xanaaqayso!!, Ogow soonku shaqo kuma lahan xanaaqaaga.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad ogaatid, la iskuna waafqsan yahay in aad waqtigaaga ku bixisid quraan akhriska iyo xusidda alle, taasi waxay kaa dhigaysaa qof faraxsan oo furfuran, waxaadne ka fogaanaysaa isku dhaca iyo xanaaqa, dadka aad la dhaqmaysidne way ku ixtiraamayaan, laakiin haddii aad ciyaar isku dagaashaan sida dhalinyarada sooman ay sameeyaan, xanaaq iyo shilal bay u dambaynaysaa.


Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aalo: Caadada Wareersan? Galmada Badan? Xilliga Uurqaadka?

Started by CaaishaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 51448
Last post January 01, 2011, 08:43:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xaaskeyga waxaa xanuunta xudunta xilliga caadada?

Started by XanduleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7678
Last post March 10, 2012, 12:46:54 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: LUGA XANUUN XILLIGA ORODKA JIIMKA AMA JIMICSIGA ?

Started by CaamirgroupBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5767
Last post April 04, 2017, 03:09:05 PM
by SomaliDoc
Galmada Xilliga Uurka (Jawaabo Muhiim Ah)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 250127
Last post January 02, 2009, 10:04:50 PM
by SomaliDoc
Wallac (Lalabo iyo Matag Xilliga Uurka)

Started by Waxbaro!Board Cudurrada Haweenka

Replies: 4
Views: 51953
Last post January 25, 2015, 12:08:48 PM
by SomaliDoc