Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: WAX CARUUR AHNA MAANAN DHALIN?

(1/1)

Shaale:
WAXAAN REER LEEYAHAY MUDO,WAX CARUUR AHNA MAANAN DHALIN,MARKII AAN TEGAY GOOBAHA CAAFIMAADKA ,BAARITAAN KA DIB WAXAY II SHEEGEEN,BAARITAANKII SHAHWADAYDA WAXAA SOO BAXAY IN AY HOOSAYSO,ISLA MARKAASINA LEEDAHAY LABA MADAX,IYO IYADA OO AAN LAHAYN AWOOD AY KU ORODO,.

DHINACA KALE WAXAA LA IGA BAARAY DHIIGA SI LOO OGAADO IN HORMONKU YAHAY MID CAADI AH AMA SAXAN OO SHAQAYNAYA ,JAWAABTII WAXAY NOQOTAY CAADI AMA NORMAL HORMON

WAAN KU WAREERAY GOOBAHA CAAFIMAADKA ,DAAWO QAADO BAY LEEYHIIN WAAN QAATAY WAX IS BEDEL AH MA JIRO WAXAANA QAATAY DAAWADA (CLOMIDE )


DR MAXAA TALO AH MAXAAN YEELAA MAXAAD IGU SOO KORDHINAYSAA INSHA ALLAAH

MAHADSAND

SomaliDoc:
Fadlan akhriso talooyinkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2205.0.html
Haddii aad leedahay balwad sida sigaarka, daroogo iyo wax la mid ah, fadlan ka fogow unugyada shahwada ayay dhawacaan.
Haddii aad leedahay xanuuno kale sida macaanka ama subagga dhiigga, isgana xakameey.

Alle ayaa awlaada bixiyo ee talo saaro.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version