Author Topic: Nafaqada Iyo Caafimaadka Mooska!.  (Read 61302 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ilias Abdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
Nafaqada Iyo Caafimaadka Mooska!.
« on: July 02, 2016, 02:59:31 PM »
 Asc doctor

Waxaan rabay inaad ii sharaxdo sababta mooska ay u cunaan ciyaaryahanada tenis ka ciyaaro waqtiga yar ay fadhiyaan iyo kuwa kubada cagta ciyaaro waqtiga 30 daqiiqo ee dheeriga ah ee lagu daro ciyaarta maxayna tahay sababta ay u isticmaali wayen qudaarta kle iyo wax yabaha u dheeryahay mooska qudaarta kale  ee u isticmaalan marwalba

Jazakallah doc.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa mooska loo cunaa?
« Reply #1 on: August 01, 2016, 05:45:27 PM »


Qofka markuu aad u ciyaaro ama juhdi badan bixiyo waxaa jirka ku bato maadada Sodium-ta ama cusbada, tanoo cadaadiska dhiigga kicin karto, mana u roono caafimaadka wadnaha iyo maskaxda, sidaas awgeed, mooska waxaa ka buuxa maadada loo yaqaano "Potassium-ta", maadadaan waxay hoos u dhigtaa cusbada jirka ee sodium-ta.

Maadaama ciyaartoyda ay maskaxdooda aad uga shaqaysiiyaan, oo uu ku dhaco waxa loo yaqaano "Daalka maskaxda", mooska waxaa ku jiro borotiin loo yaqaano "Tryptophan" oo maskaxda firfircooni siiso oo qofka markuu ciyaarta ku laabto wuxuu helayaa foojignaan.

Intaas waxaa sii dheer in mooska laga helo tamar iyo awood nafaqo maadaama uu qofka daalan yahay, wuxuu kaloo yareeyaa dareenka oonka.

Intaas oo la isku daray, mooska waa faakihada ugu fiican ee la cuno markaa howl culus qabatid sida ciyaaraha banooniga, tennis-ka iyo wixii la mid ah.

Faa'idooyinka kale ee Moosku leeyahay:
  • Mooska waxaa ku jiro markii laga reebo maadada muhiimka ah ee aan ko ku soo xasay ee bootaasiyamta, macdano kala duwan sida fitamiinada B6, C, macdanta magnesium, copper, protein iyo dufan.
  • Mooska aan safiican u bislaanin waxaa ku jirto maado loo yaqaano "Pectin" iyo "resistenat starch" labaduba waxay hoos u dhigaan sokorta dhiigga, sidaas awgeed cunnada kahor ama ka dib in la cuno ayaa lagu taliyaa, laakiin dadka macaanka qabo waa in ay ka fogaadaan mooska badan weliba kan safiican u bislaaday.
  • Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan maadada "Fiber-ta", taasoo calool fadhiga ka hortagto, dheefshiidkane u fiican.
  • Sidaan horay u soo sheegnay, mooska wuxuu u fiican yahay caafimaadka wadnaha maadaama maadada bootaasiyamta alga helo
  • Mooska waxaa ku jiro maadada sun-saarista oo xoogan, kuwaasoo kala ah "Dopamine" iyo "Catechins", waxayna u fiican yihiin caafimaadka maskaxda iyo beerka.
  • Mooska wuxuu qofka dareensiiyaa dharag, sidaas awgeed dadka cayilan oo cunanda xakamayn karin waxaa lagula taliyaa inay cunaan moos aan safiican u bislaanin.

Mooska waa faakiho ama khudrad caafimaad badan laga helo, laakiin waxay cilmibaarayaashu isku waafaqsan yihiin in midka aadka u bisil uu ka waxtar yar yahay midak biseelka billaabi rabo ama xoogaa cayriinka ah.
Sidaas awgeed haddii aad mooska caafimaad ahaan u cunaysid, cun moos aan safiican u bislaanin.

Caafimaadka Qaraha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5841.0
Caafimaadka Babayga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6819.0
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: