Author Topic: Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)  (Read 356530 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)
« on: February 19, 2008, 10:57:23 PM »


    Sonkorta dhiigga ee hooseysa macnaheedu waa inaadan lahayn sonkor kugu filan ama gulukoos dhiiggaaga ku jirta, sonkorta dhiigga ee hooseysa waxaa loo yaqaannaa hypoglycemia.
    Sokorta Glucose-ta waxaa looga baahan yahay unugyada jirkaaga. Heerka sonkorta dhiigga caadiga ah waa 70-100. Heerka sonkorta dhiigga ee ka hooseysa 70 way hooseysaa.

    Sababaha
    Mararka qaarkood sababta lama yaqaanno, laakiin waxaa laga yaabaa inay ka timaaddo:
    • Jir dhis fara badan ama jir dhis aan la qorsheysannin.
    • Xanaaqa iyo kacsanaanta hormoonada qaar waxay ridaa sonkorta e.g: dad ayay sonkorta ka dhacdaa markii ay dagaallamaan.
    • Daawada sokorta oo xad dhaaf aad u qaadatid - (waa haddii aad Sonkor qabtid)
    • Cuntooyinka la seego ama la daahiyo ama qofka oo cunno xumi qabo.

    Calaamadaha
    Waxaa laga yaabaa inaad dareentid:
    • War-wareer, lulasho, isku dhex yaac, daciiftinnimo ama daallanaan
    • Dhidid
    • Gaajo
    • Dabci beddel ama iska xanaaqaysid ama aan si kala cad u fekereynin
    • Aadan awoodin inaad hadasho
    • Aragga caad kaa fuulo
    • Aad dareento wadnaha oo si xawli ah kuu garaacaya
    • Aad dhinacyada afka iyo faruuryaha ka dareento kabaabyo
    • Maduxu ku xanuuno

    Daryeelkaaga
    Marka sonkorta dhiiggaagu ay dhacdo, waxaad u baahan tahay inaad cunto ama cabto cunto sonkor leh.

    Haddii aad qabtid cudurka macaanka, sidaan samayn:
    • ½ koob ama 120 millilitir oo casiir ah, Maahan cabitaannada sonkorta aan lahayn ama kalooriska aan lahayn.
    • 3 ama 4 kaniini oo gulukoos ah
    • 1 qaaddo ama 15 millilitir oo sonkor ah
    • 1 koob ama 240 millilitir oo caano ah
    Sonkorta dhiiggaaga ku hubi 15 daqiiqadood. Haddii sonkorta dhiiggaagu ay weli ka sii yar tahay 70 ama haddii aadan ka soo raynin, cun ama cab qaadasho kale oo cuntadii ama cabitaankii la soo sheegay.
    Marka sonkorta dhiiggaagu ay tahay 70 ama ka badan, waxaad weli u sii baahan tahay inaad wax cunto si aad sonkorta dhiiggaaga uga ilaaliso iney mar kale hoos u dhacdo.
    • Haddii ay kuu tahay waqtigii aad cuntada cuni lahayd, cun cuntadaadii caadiga ahayd.
    • Haddii cuntadaada xigta ay ka badan tahay saacad, cunto fudud sii cun. Isku day sandiwij barkiis iyo 1 koob ama 240 millilitir oo caano ah.

    Si aad uga Hortagtid Sonkorta oo Hoos u Dhacda
    • Raac qorshaha cunto cunidda. Cun cuntooyin iyo cunno fudud isla waqti maalintiiba. Ha seegin hana ka daahin cuntooyinka.
    • Hubi oo diiwaan geli heerarka gulukoostaada. Haddii ay sonkortaadu hoos u dhacdo in ka badan 2 goor toddobaadkiiba, dhakhtarkaaga la xiriir. Waxaa laga yaabaa in isbeddello lagu sameeyo cuntadaada, daawada ama sameynta jir dhiska.
    • Daawadaada sonkorowga u qaado sidii lagu faray. Ha qaadannin daawo sonkorow oo dheeraad ah iyadoo uusan dhakhtarkaagu kugula talinnin.
    • Si joogto ah jir dhis u samee.

    Haddii aad ka mid tahay dadka mar walba sokortoodu ay dhacdo:
    • Waqti kasta ha kuu taallo cuntooyin fudud sida shukulaato, malmalaaddo, iyo casiir.
    • Dadka kale ee kula shaqeeya ama kula nool u sheeg inaad qabtid cillada dhicista sokorta.

    Cilladaan waxaa badanaa lagu qaldaa, astaamaha la dareemo markuu qofka xanaaqo taasoo ay isku astaamo dhaw yihiin, Fadlan akhriso qoraal ku saabsan xanaaqa xad dhaafka ah iyo siduu jirka u saameeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6563.0

    http://somalidoc.com[/list][/list]


    Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

    Igala Soco:
       


    Offline Shire

    • Newbie
    • *
    • Posts: 11
    • Points: +0/-0
    Re: Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)
    « Reply #1 on: October 30, 2015, 03:30:05 PM »
    adbad umahasantihin suaashayda ugu danbaysa waxay tahay hadi an iska isticmaalo dawadaaas ad kor kuso qortay oo ad dhahday dhididka ayay yaraysaa ano isbaarin wax dhib ah miyay ikenikartaaa?

    Offline SomaliDoc

    • Moderator
    • *****
    • Posts: 4709
    • Points: +3/-1
    • Gender: Male
    • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
      • Somali Medical Association
    Re: Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)
    « Reply #2 on: November 04, 2015, 10:43:46 AM »
    Inta aadan isticmaalin daawo waa in aad dhakhtar la kulantaa marka hore.
    Daawadaan kama mid ahan daawooyinka sida tooska ah loo gato ee loo yaqaano "Over-the-counter medicines"
    Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

    Igala Soco:
       

    Offline Shire

    • Newbie
    • *
    • Posts: 11
    • Points: +0/-0
    Re: Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)
    « Reply #3 on: November 04, 2015, 01:32:18 PM »
    mahasanidin in badan

    Offline Abdalla22

    • Newbie
    • *
    • Posts: 1
    • Points: +0/-0
    Re: Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)
    « Reply #4 on: February 23, 2017, 12:10:32 AM »
    asc dhamaan dhaqtarada
    alle ayaa mahad leh noo fududeeyey aaladan faaidada badan sidoo kale mahadsanidiin dhaqaatiirta somaliyed alle ha idiin dhowro aakhiro iyo aduunba
    astaamahan aad soo xustay ee sonkorta dhacda aniga ayaa bilahan isku arkay waanae dareensanaa inay wax qaldanaayeen xagga dhiig kar ama sonkorta
     dhaqtar waan la xiriiray lkn wax cilad ah ima sheegin
    ciladaan waxaa dareemaa marka aan shaqo culus hayo xogaa gaajona dareemo
    wareer iyo indhaha oo caad fuulo kadib hadii aan wax cuno caadi ayaan iska noqdaa 30 daqiiqo kadib
    suashayda dhib intee la eg ayeey ladahay sonkorta dhacda aan ka ahyn wareer iyo indhaha oo caad fuulo
    wax yeelo kale oo dheeri ah haday jiraan
    thanks all doctars

    Offline Muna O.Hamari

    • Newbie
    • *
    • Posts: 19
    • Points: +0/-0
    • Gender: Female
    Re: Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)
    « Reply #5 on: February 23, 2017, 12:41:32 PM »
    Asc
    Dr Waad Mahdsanthy Wan akhristey casharkaagii Ka dib waxaa iga baxay astaamaha qaar baan nafteyda ku arkey isla markaana  gabar walaashay ah oo qaadato daawoyinka Nerve system daawooyinka ay qadatona waxa ka mid ah (RISPERIDONE REMEDICA 2MG , LEV-end 500 mg , DEPAKINE 200 MG BAINTO kuli waada TABLET ........ Marka way cayilneed wuxuu yiri baruurta ka ilaaliya badan iyo cuntooyinka dufan ka leh iyo macaanka badan jimicsi ha sameyso ha shaqshaqeyos oo fadhiga badan ha iska ilaaiso  Hadaba su,aasheydu daawooyinkaasi ma sameeyn karnaa Low Blood glucose iyo anigoo cuntadii badnaeyd xakameyney? muddo labo bilood ah ma wacan xaalkeedu?

    Offline Gantaal

    • Jr. Member
    • **
    • Posts: 29
    • Points: +0/-0
    • Gender: Male
      • Superlative Сasual Dating Genuine Damsels
    Re: Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)
    « Reply #6 on: January 31, 2018, 12:36:34 AM »
    Aslaamu caykum waraxmatulaahi wabaraktuhu

    Salaankadib Dr waxaan isku arkay  3 jeer oo kala  fog fog  in indhaha caad iga fuulo  waliba  dhinaca ka soo billlabmaya  ood moodo sida guluubka korantada  diciif ah u big big leeyo oo kalemudo yar kadibna uu iska baa ba aa marmar cuntaan cunay kadiba ilahi baa iga sii qaaday mararna saan isaga joogo buu iska un buu illahi iga sii qaada marka sonkor hoosaysa  iyo mid kacsan toona layguma sheego markaan iska cabiro talo iga siiya jizza kumulahu khayr

    Offline Duurgube

    • Newbie
    • *
    • Posts: 2
    • Points: +0/-0
    Chairman ma hooseeya mise?
    « Reply #7 on: February 22, 2019, 08:54:55 PM »
    5.0 ma hooseeya mise weli wey yar macaan tahay


     

    Su'aal:- Qofku inuu Xannuunka Sonkorta Qabo Maka Dareemi Karaa Kaadidda Urkeeda?

    Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 1
    Views: 34933
    Last post January 06, 2012, 10:02:19 PM
    by SomaliDoc
    Su'aal: Urinary Tract Infection Xiriir Mala leeyahay Sonkorta?

    Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 1
    Views: 15293
    Last post September 21, 2011, 03:34:30 PM
    by SomaliDoc
    Su'aal: Ma isticmaali karaa sonkorta ay isticmalan dadka sokorta qaba?

    Started by AmulaBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 1
    Views: 14036
    Last post February 28, 2016, 05:18:12 PM
    by SomaliDoc
    Su'aal: Timirta malaga qaadi karaa cudurka sonkorta?

    Started by Cali AsaaroBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 1
    Views: 16619
    Last post July 25, 2015, 10:56:17 AM
    by SomaliDoc
    Su'aal: Bio-therapy devices & wax u tarkeeda cudurka sonkorta?

    Started by AbdihakiimBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 1
    Views: 12606
    Last post October 26, 2016, 06:24:43 PM
    by SomaliDoc