Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Cudurka Dabaysha?

(1/1)

Xaane:
Asc: Doctor.

Bacda Salam

Doctor waxaan ku waydin lahaa Cudurka Dabaysha ayaa igu dhacday anigoo yar  wakhti badan ayaa laga jooga waxayna iga saamaysay lug
xooga lugta kale way ka tabar liidataa laakin dadka qaar kiis waan ka ficnahay siday u saamaysay Alxamdu lilaah.

waxaan dareemaya lugta murqaha jilibka ka hooseeya inay xooga lugta kale ka yar tahay iyo seeda oo meeshaba ka maqan

marka waxaan rabay sidii seedaas loo soo noolayn lahaa hadaa wax talo ah iga siin kartid. insha allah

SomaliDoc:
Wax daawo ah oo lagu soo kobcin karo murqaha yaryaraaday cillad neerfaha gaartay awgiis sida cudurka dabaysha weli ma jirto.
Murqaha waxay yaraadaan ama baaba'aan markuu dareensida neerfaha ka dhinto ama daciifo, waxaa murqaha lagu xifdin karaa jimicsi joogto ah markuu xanuunka cusub yahay, laakiin markii muddo ka soo wareegato sida xaaladaada oo kale, weli cilmiga caafimaadka maanta jawaab uma hayo.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version