Author Topic: Su'aal: Uurka iyo dhiiga?  (Read 23107 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdulahi.jama

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Uurka iyo dhiiga?
« on: July 13, 2016, 02:50:21 PM »
Asc DR aad ban idin kaga mahadcelinayaa adeeg bulshada u haysaan

Dr waxa rabay in aan ku waydiiyo aniga iyo xaaskayga waxa aanu nahay reer cusub hadda labo bilood baanu degan nahay xaaskayga habeen dhowyd aan baaray waxa DR noo sheegay in uu jiro uur kadib xaaksa markaa  waraystay ii sheegtay in ay isbadelkan isku aragtay muddo hada bil ah oo sida aan hadda qiyaasayna uuurku waa bil iyo labo beri meelahaaas.

DR Waxa shalay dhacday  in aan  iskutag sameynay ama ijtimaax aniga iyo xaaskayga lkn kadib gabadhu isku aragtay dhiiga markii ay suuliga tagtay dhiigoo xooga soconayay maanta wuu soo yar yaraaanayay lkn weli dhiigu waa jiraaa waxa kale aad ugu cabanaysaaa dhabar xanuun daran marka dhiigu ka yimaàdo

Marka arintaas baan rabnay in aad nagala taliso  ma caadi  in gabadhu uurka leh  dhiig ka yimaado iyadoo bisha ugu horeysa ku jirta

Maxasae nagula.talin lahyd

Aad baad u mahasadsan tahy




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Uurka iyo dhiiga?
« Reply #1 on: September 04, 2016, 07:47:03 PM »
Caadi ma ahan in dhiig yimaado hadduu uur jiro, waa dilan bilawgiis waxaa lagula taliyaa qofka inuu nasiino suubiyo kana fogaado waxii dhiiga badin karo sida qaadista culeyska, isu-tagga, socodka badan ama fakarka.

Way dhacdaa inuu uurkaas badbaado, laakiin hadduu dhiiga soo bato oo weliba xijir soo raacdo inuu dilanka soo dhameestirmo ayay u badan tahay. waa muhiim in aad dhakhtar la xiriirtaan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Sidee uurka looga hortagi karaa hadduu dhakhtarka ku taliyo?

Started by CeeblaaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 75407
Last post June 28, 2015, 11:26:21 AM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa sababa gabadha uurka leh oo aan kaadida xejin karin?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 39634
Last post March 30, 2011, 01:35:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 20448
Last post May 14, 2011, 10:14:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xulbadu maxay u tartaa hooyada uurka leh iyo ilmaha uurjiifka ah?

Started by FarhyaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25826
Last post July 05, 2016, 11:28:25 AM
by SomaliDoc
haweenka uurka leh dawooyinka antibiotics-ka dhib ma u keenaysaa?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32390
Last post June 22, 2009, 08:13:49 AM
by Cmqalinle