Author Topic: Su'aal: Waxaan aad uga cabanaayaa murugo?  (Read 3170 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ayaanmw

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan aad uga cabanaayaa murugo?
« on: July 17, 2016, 04:37:38 PM »
Asc Dr mrka hore wxn ad kaga mahadcelinaya arinta weyn ee ad bulshada u heyso allah ku barakeeyo kuna xafido aduun iyo aakhiro Aamin.                                     
Hdaan su.aasheyda uguda galo Dr wxaan aad uga cabanaayaa murugo, walwal, fakar sabab la.aan wxn is arkayaa anigo walwalaya hdn isweydiiyi sababtana aanan garaneynin xita nafteyda wxn iskula hadlaa oon is iraa mxa ka maqan Alxm waad cafimaad qabtaa wx dhiba kuma heystan mxa farxadad ka qadan salaada wn ku dadaalaa qur.anka wn aqrista ducooyin sido kle sida ay tahay kurbado wa i deyn la.dahay xitaa wxan ka kurboonaya waxyaalo an micno weyn laheyn mararka qaar sido kale hdan arko qof cudur xun qabo wn naxaya oo wxn bilaabaya shaki ah cudurka qabo  ama kacabsanayaa in mardhow igu dhacayo wlh Dr wx an sameeyo ma.aqaan maraka qaar wxn is iraa ma waali baa kugu soo socoto cabsida an cabsanayo inta ay la egtahay kaliya hdn gaari saaranahy wx ka cabsanayaa in gaariga shil ila galo arintan wxy i heysaa mudo dhowr asbuuca hda lkin hda kahor sanadki hore aynu so dhaafnay xaalad sana wa iso wajahday lkn nasiib wanag sidan dhowr bil sida u ahaa wn ka caafimaaday mrka wxn jeclestay inaan ogaado cudurka aan qabo wxa uu yahay xita wxn kasi walwalaa , walwalka tira badan inu sameyn ii geysto oo aan ku jirado dadka hadan dhex galo kuma farxayo xitaaa oo kalinimada ayan ka doorbida haduu nabar jirkeyga kso baxo waan walwalaa ilaa uu nabarkaas iga tagayo wxn ka cabsadaa inu wax xun isku badalo mrarka qaar hadan arko qof masha aallah oo ad iso jiita wn ka naxaa oo wn acuudi bileeta wxn is iraa ma qofka baa xasdeysaa wlh wn waresanahh bal wxi talo ah ee aad igu cawin karto igu caawi  jazakalllahu kheyr Dr.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan aad uga cabanaayaa murugo?
« Reply #1 on: September 04, 2016, 07:53:51 PM »
Waa nooc ka mid waswaas iyo welwel isla socdo, akhriso qoraalkaan fadlan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5865.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Darmaan123

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waxaan aad uga cabanaayaa murugo?
« Reply #2 on: September 28, 2016, 11:15:37 PM »
Bacda salaam inta inantani sheegtayba aniguna waan qabaa...... weliba waxaanba ku qoslay qodobkan ugu dambeeya ee inantu tidhi qofka isoo jiita waxaan ka baqaa in aan xasdo. qodobkaasi wuuba i wareeriyay markaan magaalada dhex marayo haddaan arko qof qurux badan ama meherad wanaagsan, dhawr jeer baan ku celcelinayaa maasha allaah.
waxayse iigu darnayd maalinta ay igusoo baxday gabadh aad u qurux badan lkn xagga dharka ka qariban ka dibna markaan quruxdeedii arkay ayaan idhi maasha allaah..... oo aan is leeyahay inanta yaanad cawryine maasha allaah dheh. markaan maasha allaah idhi ayaan haddana xasuustay in ay gabadhu xaga lebiska ka qaribnayd oo aanay ahayn qof inta maasha allaah la yidhaahdo haddana loosii raaciyo alle hakuu siyaadiyo. ka dib waxaan idhi waar inanta waataad maasha allaah tidhi ee aad weliba tidhi alle hakuu siyaadiyee armaad dharkeedaa qariban ee aan diin ahaan fiicnayn inanta ugusii ducaysay oo ay kasii dartaa, adigana halkaa dambi kaaga yimaadaa..... mudo saacado iska dhan ah ayaan ku dawakhsanaa inantaa xagna ka quruxda badan ee u baahan in aan idhaahdo maasha allaah, sida kale lebis ahaan qaabka daran ee dharka qafiifka ah xidhan........

marna waxaan lahaa waad ku saxnayd inaad maasha allaah tidhaahdid, oo way qurux badnayd, haddana waxaan idhaahdaa dhar qafiif ah bay xidhnaydoo maasha allaah inaad tidhaahdid kumay haboonayn oo waad ku dambaabtay...... waxaan sakaaro ka cabayn ayuu xanuunkani leeyahay oo haddana ku dawakhinaya......
marmar baa waxa igusoo dhacaya armay waxaasi dhacaan, markaasaan bisinka qabsadaa oo idhaahdaa allow aanay sidaasi dhicin, cabaar iska dhanna intaas iskaga kaysoo dhacday ayaa i wareerinaysa..... haddaba xanuunkan markaan dabagal badan ku sameeyay waxaan ogaaday in aanu waali shaqo ku lahayn oo aanu kasii darayn, weliba dhakhtarada warbixinahooda waxaan ku arkay oo ay isku raacsan yihiin inuu yahay cilladaha maskaxda kuwa ugu sahlan ee qofku ka bogsan karo.......
iga raali ahaada qoraalka waan dheereeyay. meesha aan ku qorayna jawaabta dhakhka oo qudha ayaa laga rabay in lagu qoro sidaa awgeed hala iga raali ahaado, waxaan iska jeclaystay qofkaa aanu isku cilada nahay in aan la wadaago oo ugu bishaareeyo in aanu dhowaan waxan ka baxaynee.......

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan aad uga cabanaayaa murugo?
« Reply #3 on: October 22, 2016, 03:35:05 PM »
Insha'llah waad ka bogsan doontaan labadiinuba, jawaabta kore ee aan gabadha siinay, waa tii hore ee aan adiga ku siinay, haddii aad sii raacdid link-ga meesha ku qoran.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25961
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48051
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29585
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24940
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35476
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc