Author Topic: Cilladaha Dukaamaysiga  (Read 13987 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cilladaha Dukaamaysiga
« on: July 18, 2016, 03:50:43 PM »


Bismillah..

Waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa cillad lagu arko haweenka qaar inkastoo ragguna ay ku dhici karto.

Waa cillada dukaamaysiga xad dhaafka ah oo aan horay idiin la wadaagnay farriin aan ka helnay gabadh ka mid ah akhristayaasheena oo arrintaan ka cabanaysay, idinkuna aad siiseen talooyin kala duwan.

Cilladaan ku walfidda dukaamaysiga waxaa loo kala qaadaa laba arrimood oo kala duwan:
  • Cudurka ku khasbanaanta Dukaamaysiga Afka qalaadne lagu dhaho "Compulsive buying disorder" ama "Oniomania" ama "Compulsive Shopping", arrintaan waa cillad nafsaani oo u baahan in dhakhtar cudurrada dhimirka lagala tashto, wuxuuna la mid yahay xanuunnada shakkiga iyo waswaaska, qofkaan iskama celin karo dukaamaysiga, wuxuu rabaa mar kasta inuu wax gato, isma xakamayn karo, mana u muuqato khasaaraha iyo saboolnimada ku soo food leh, cilladaan waxay ku waayaan guryahooda iyo shaqadooda. cilladaan qofka iskama dayn karo amana kontarooli karo, waa in dhakhtar ku takhsusay cilmiga "Psychiatry-ga" lagala tashtaa.
  • Caadeysiga dukaamaysiga ama isku daawaynta dukaamaysiga oo iyadane loo yaqaano "Retail therapy" waa nooc walfidda ka mid ah sida sigaar cabista oo kale, ma ahan cudur dhimir laakiin waa dabci uu qofka yeesho ama aan laga saxin markuu yaraa, waana midka ay dadku u badan yihiin, waa arrin badanaa la sameeyo markuu qofka buuq iyo welwel ama diiqad ku jiro, waxaana loo sameeyaa in la isku dajiyo ama lagu farxo, laakiin markii muddo la wada waa la qabatimaa oo qofka daawo joogto ah ayuu ka dhigtaa, waana arrin haduusan qofka is qaban dhibaato u keeni karto mustaqbalkiisa, haddii aad xasuusatid sheekadii gabadha ay na la wadaagtay cilladeedu arintaan ayay ahayd, talooyinka dadka qaar ay soo jeediyeen aad bay u anfacaysaa haddii ay qaadato sida isdajinta, ismashquulinta, alle ku xirnaanta, dikriga, quraanka, ka fogaanshada waxyaabaha stress-ka keeno, sababtoo ah waxaa la yiraahdaa: hadduu qofka helo wax uu ku mashquulo wuu hilmaamaa arrintaan, laakiin haddii noloshaadu ay tahay cun iyo cab kaliya, wax howl aad qabatid sida waxbarasho ama shaqo aysan jirin, way adag tahay in aad iska joojisid, mana u aragtid marka hore dhibaato illaa aad dareentid in noloshaadu aysan ka maarmin isku daawaynta dukaamaysiga.

Haddii aad wax su'aal ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Cilladaha Keeno Daalka iyo Neef-tuurka.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 56006
Last post November 11, 2016, 12:55:47 PM
by SomaliDoc
Cilladaha Keeno Caado Wareerka & Uur La'aanta!

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 1
Views: 51932
Last post August 01, 2018, 07:47:12 PM
by Moha bashiir
Su'aal: Cilladaha ragga xaaska leh?

Started by ZakariemxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 2465
Last post January 16, 2020, 02:44:08 PM
by Zakariemx